TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-IX

 

 


Markaynu adduun buuran ugu deeqnay dadka abaaraha iyo macaluushu ku habsatay ee Soomaali Koonfureed, wuxu abaalkoodii noqday in halkii waranku kaga taagnaa labaatanka sannadood ee taaha deminweydey in ay mar qudha haakah yidhaadaan oo milgii iyo marin kii maalintu lahayd in ay toos uga leexshaan. Wuxu yidhi awgayoo waxba ha i makeekiyin waa hore ayaan maanka kaa jaray. Nin weligiiba quusa ahaa iyo nin maanta laga quustay ba caqligii siyaasiyiinta reer koonfureed waa kuwaa weli ku shallaadaya "Soomaaliyee Too sa.." Weligoodba durbaanka halkaa ha ka tumaan. Waxba ku sii dheeraanmaayo Walaweyn iyo iyo warkeed oo hore ayaa loo yidhi: "Nimaad hayb wadaagtaan ayaan sii hundo ogaani n, hebeloow ma barideen ayaan hore u sii dhaafin."
karin labaatan sannadood oodnaa hadday xukuumaddu furtay, surinkaa wixii ka soo daree ra cida xilkeeda tuurta u ridanaysaa waa dowladda maanta dalka ka talisa.



ARDEYDA KU GO'DOONSAN MUQDUSHO

Muddo haatan laga joogo laba todobaad markii saq dhexe ardey reer Somaliland ah lagu d aabulay diyaarad la yidhi waxay toos u tegeysaa dalka Turkiga oo ay ardeydu waxbarasho ka heleen. Diyaarddu waxa Maddaarka Cigaal ka duushay abaaro shantii aroornimo waxan a la filayey in ay Waqooyi iyo xaga dalka Turkiga u jihaysato. Isla aroornimadiiba waxay wa rbaahintu soo tebiysey in diyaaraddii Turkiga toos ugu socotay ay Muqdusho ka degtay, ardeydiina halkaa lagu daadiyey. Goob dagaal, barakac, iyo burbur baahsani ku habsatay in dhalinyaradi dalka lagu dhexdaadiyo waxay muujinaysaa masuu'liyad darrada xukuuma ddu dalka ku hoggaaminayso; waxa kale oo ay marag madoon ka tahay in derbigii soomad aaye ee labaatanka sannadood dhisaynay oo maalinba qabcadi si hawl yar u soo dhcayso. Waxa xukuumada la gudboon in ay ka hawl gasho sida ugu dhakhso badan ardeydaa Xama r ku go'doonsan iyo kuwa kale ee Yugaandha laga soo mastaafuriyey sidii dalkooda loogu soo celin lahaa. Haddii kale waxay bar tilmaameed u noqondoonaan argagixisada maalin walba dadka rayidka ku xasuuqaysa.
 


BAKHTIGA MA CUNEE BAL FUUDKIISA II DHIIB

Maanta loogama fadhiyin xukuumaddu in ay la shir timaad waxa marti loo noqonayaa risiqa Walaweyn gacanteeda ku jira. Sow xaalkeedu ma aha ninkii martidu u soo hoyatay ee la w eydiiyey magaciisa, ee yidhi waxa la i yidha:"LOOGAH"; markaasay martidii ku tidhi: "Caawa a lagaaga fadhiyaa." Waan baahanahay looma bahalo cuno; haddii aad dhimanaysana dha reerka ayaa la iska duwa. Ma haboonay in karaamada iyo sharafta ummadda dhulka la jiido oo dewerada iyo qaraamaadka wadaad Shariif iyo xartiisaba dhaafiweydey in la hunguree yo oo kuwaa Bani'Aadamka burada ku noqday loo daba fadhiisto ayaa sideedaba xaaraan u ah.




JOHN DRYSDALE IYO BOOBKA LOO GEYSTEY

Waxaan dalkan hore uga dhicin oo ugub ah in duqii John Drysdale ee taariikhda iyo daqan ka Soomalida si mug leh wax uga qoray in duhur dharaareed Hay'adiisii kala xadaynta bee raha weerar qorsheysan oo qaawan lagu qaaday. Miyaan hal todobaad hore Madaxweynu hu Axsaabta mucaaridka ku eedeyn musuqmaasuq iyo boob hanti qaran? Ma sharci xalaal aynaya in hantida gaarka loo leeyahay la kala dhaco iyadoo shaadh dowladeed la gabood sanayo? Waxa duqa loola badheedha waa gardaro garab og; haddaan sideeda wax looga qabanna waxay dalka u soo jiididoontaa foolxumo dibloomaasiyadeed oon laga soo waaq san. Hadalada John Drysdale warbaahinta u jeediyey waa wax laga yakhyakhsoodo oo caliga Bani Aadamka dureysa. Waxa Madaxtooyada la gudboon in ay falkan talaabo cad ka qaado; kana ballan qaado in dhacdadan iyo wax u sansaan egi dalka mar dambe ka dhicin.

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
October 8, 2011.