TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XVIII

 


Haddaynu dib u yara milicsanno soyaalka xukuumadihii rayidka ahaa ee soo maray Soomaali yadii haligantay, ayaa had iyo jeer hal-abuurka suugaantu iyagoo hadba dareenka bulshada ka tarjumaya waxay soo bandhigii jireen masraxiyado la daawada. Mid ka mid ah riwaadad ihii badhtamihii lixdamaadkii ayaa waxa ku jirtey hees midhaheeda aya mid ahaayeen ereyad ani:

"DOC KASTOO LA EEGO NOLOSHA DUNIDU WAA DABKII
HADDUU DABKII DHAXMOODO MAXAA LAGU DIIRIYAA?
DURDURKAA LAGA CABBAA BIYIHIIS LAGU DABBAASHA
HADDUU HARRAAD DAREEMO DARKEE LAGA WARAABSHAA?
RUUXII CUDUR DILAAYO DAWADAA BOGSIISEE
HADDAY DAWO BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBAA?"

Waxay isugu jiibin jireen labadii hoobal ee heesta daranrooriyayey:

"WAA SU'AAL DA' WEYNOO MADAXA DAALINEYSEE DADWEYNAHAA LA WEYDIIN."

Waa dhab oo haddaan biyo jirn nololi dunida guudkeeda kama jirteen. Sida xaalka Somaliland maanta yahay ayaa ka dhigan sidaa. Waa shay aan laga murmi karin; waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan oon idhaha laga qarsan karin dhegahana laga fureysan karin.

Haddaynu Distoorkeen ku qeexnay in qaab dhismeedka dawladnimo yahay SEDDEX TIIR oo isu dheeli-tira habsami u socdka maamulka, maxsuulka sawirka guud ee Somaliland miyaan laga dheehanayn in seddexdii tiir noqdeen sida durdurkaa harraadan, dabkaa dhaxmooday, iyo dawadaa bukootay. Ashad billaahi in ay markhaati ma doon tahay!!

Garsoorkii iyo Sharci Dejintii halkay ku dambeeyeen? Waxay ku dambeeyeen hawl-gabnimo ka dib markay awoodoodii toos ugu wareejiyeen waaxda Fulinta oo iyana dabarkii goosatay oon la garanayn meel ay dadkan iyo dalkan u hoggaaminayso.

'WAAN YAABANEE IDINKUNA DADYOW MA ILA YAABANTII?"

Bal u fiirsada majaajiladan ummadda lagu marin habaabinayo. Ma hadday xukuumaddii dalka lagu aaminay inoo soo waaridday madax-dhaqmeedkii Soomaali koonfureed oo dhibaatada dalkoodaba seddex iyo labaatan sannadood u caalwaayey ayaa Somaliland aqoonsi u fidinay a? Dibindaabyada iyo shirqoolka intan le'eg ma dheeftii kitaabkii gacanta la saaraybaa? Mashruucan la sheegay inuu Sir Nicolas Kay iyo Dawladda Turkigu lacag ku bixinayaan miyaa kuwaynu xilka u igmanay gacmaha hoos hoorsanayaan? Wallee waa kuwan u xuubsiibtay dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday. Mar hadday maqasho sanqadha shilimaad sharaf iyo dadnimo dhimatay; taariikhduna way isqoraysaa.

CABUDHINTA SAXAAFADDA IYO XADGUDUBYADA XUQUUQDA AADAMAHA

Hadda wax xabsiga magaalad Gabiley ku xidhan Mj. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige- Guddoomiyihii iyo tafatirihii Wargeyska Haatuf iyo Somaliand Times. Xadhiga labadan muwaadin ayaa ahaa shirqool si farshaxanimo ah loo soio agaasimay si markay maxkamadda yimaadaan haad-biidhi lagu jebiyo ka dibna xabsiga lagu hubsado.

Waxa wax laga xishoodo ah caydii uu wasiirka Arrimaha Guduhu maxkamada dhexdeeda ka yidhi iyo hadaladii kibirku ka muuqday marku laaha, "amarka iyo awoodaba anigaa leh.." iyo aflagaado aan halkan lagu sheegi karin. Wasiirku malaha maba oga in aan maxkamad dhexdeed cay iska daayoo hadalkuna ka xaaraanba ka yahay? Qofkii caytamaana wuxu heleyaa jawaab aanu jecleysan. Masuulka xukuumadda iyo muwaadinka sharciga iyo xeerka ayaa u dhaxeeya. Nin sharciga ka sareeyaa ma jiro; shaadh dawladeedna la isuguma awood sheegan karo.

Waxan odhan lahaa xukuumaddeena darxumo u joog dalkii iyo dadkiiba idin may mahadine ummadda ka hor-dhaqaaqa illayn waydinkan doc walba ka baylahaye. Xabsi iyo xukun-qarq oosh horaa loo soo arkay oo halkay ku dambaysay waa ogsoonahay. malaha waxa fiicnaan lahayd in miyirka iyo maskaxdu shaqeyso.

SHAQAAQOOYINKA BUUHOODLE MAXAY DAARANYIHIIN?

Waxaynu ogsoonayn in xibiga Kulmiye si toos ah u hurin jirey iska horimaadyo ka dhacay Se emaal iyo Ceel-Bardaale halkaas oo u ka dhex abuuray ummaddii deegaanka colaad iyo naca yb si uu xukunka ugu guulaysto. Maanta colaada Buuhoodle laga aloosayaa waxay salka ku hayso waynu garanaynaa oo waa MUDDO KORDHIN iyo cimri dherer. Sida looga hawl gelyo ayaa kuu caddaynaysa waxa ay sheekadu hullaabantahay. Runto waxay tahay waa garda ro garab og iyo daan-daansi. Horeba dadk a meesha degaa nabad ayey ku wada noolaayee n kibirka iyo qoriga dabka leh ummadda ha laga daayo.

 

 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse