TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XIX


 


DARYANKA DURBAANADA AAR QOODHEEDYADA KULMIYE:

" Magaaladan tumaal loofara laambadda u side e'
Ushan lacaga laaskiyo dubuhu wey ku lumiyeene
laaqlaaqsigaagaan arkaa waadse lulataaye"

Gabyadii Cabdi Gahayr (AHN)

Waa sawir daba oo ka turjumaya xaaladda xisbul-xaakimkii iyo xukuumaddii dalka ka talinaysay oo madaxa iyo minjaha isku martay oo murankoodii cid furdaamisa la waayey. Geblo shimbirtani waxay daarantahay ummadda caad kama saarna oo waa xeelad lagu baadi goobayo wixi shalay xukuumaddii UDUB galaafatay; waa marmarsiiyo muddo kordhineed oo shantii sanno ayaa gabaabsi ah; tolow inna sheeko kale xukuumaddeena dabaday lama baano ma ku hadhsantahay!!!

Duurxulka iyo dowdumta hoggaanka xisbul-xaakimka Kulmiye iyo xukuumadda dalka ka talisa isku weydaarsanayaan warbaahinta caalamiga ah iyo tan gudahaba waa arrin gef ku ah milgaha dawladnimo, waa dulleyn iyo duris sharafta iyo karamada ummadda, waa tummaati lagu taagay garaadka iyo garashada shacbiga Somaliland. Hooryaalaysiga iyo huuhaada meesha ka socotaa waxay muujinaysa in xukuumada talada dalka loo igmaday iyo xisbul-xaakiimeediiba midkoodna fahmin usuusha iyo qiyamka dawladnimo iyo tu xisbinimo toona.

SHEEKADII SHALAY IYO SHAXDA MAANTA:

Haddaynu dib u raadraacno hadalo ka soo yeedhi jirey xisbiga xiliyadii uu mucaaridka ahaa waxa markhaati ma doon ah in ay sheekadooduba ahayd beerlaxawsi afka baarkiisa aan dhaafsiisnayn! Shalay wuxuu Kulmiye sida fiinta uga qaylin jirey saxaafaddii waa la cabudhiyey, distoorkiiba lagu tuntay, hantidii qarankaa la bililiqeystay, xoriyadii muwaadinkaa la duudsiyey, mudaharaad silmi yaa la iga horjoogsaday oo xabad dadweynihii loo adeegsaday!!! Kulmiyoow sheekadiinii shalay iyo hagardaamooyinka xukunkiinii la kowsaday waa laba is-dabooli la'.

CABUDHINTA SAXAAFADDA:

Tan iyo maalintay xukuumaddani xilka la wareegtay tiro laguma soo koobi karo inta weriya ee xabsiga lagu benneday iyo wargeyso meheradohoodii quful lagu jebiyey askarna la duldhigay; waxa tiro beelay inta muwaadin nabad iyo caano ku seexday oo saqdhexe ciidamo RRU la yidha guryohoodii ku weerareen iyaga oo maatidii iyo carruur aan waxba galabsanna garaacis iyo jidh dil isugu daraya. Muwaadinka denbi lagu tuhumo waxa qurux badan in sifo sharciga waafaqsaan oo maxkamad ka soo baxa lagu wargeliyo. Muwaadiniintu weerarada noocana ma gayaan xaqna looguma laha. Xoog wax lagu muquuniyo, car juuq dheh, iyo amar ku taaglayn horaa loo eeday.



LA SOCO TII XX OO KU XIGTA


AXMED CALI IBRAHIM SABEYSE
June 5, 2014