TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNEYD DHEH-XI


 

 


MUWAADINKA LAGA DHACAY SHARAABLIHII MADDAARKA CIGAAL


Nin la odhan jirey Aw Dallaayad AHN oo magaalada Hargeysa seben hore ku noolaa ayaa gabay uu tiriyey waxa ka mid ahaa:

Geedahaba waxaa jira biri mageydo iyo lama garaacaane

Dadkuna bir mageyduu leeyahay iyo lama guhaadshaan

Tan iyo Geele Haad-Qoyey ninka garanayaan ahe.

Dhaaxuu mid goolaaftamay oo goofay nooyimiye
Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadii.



Muwaadinka la yidhaa Cabdi Xusseen ee Maddaarka Cigaal ma ah shakhsi loo quudho ma aha a ma lagulo kaco in laga fara maroojiyo meheraddii yarad ee uu halkaa ku haystay iyada oo loo ad eegsanayo awood dowladeed. Sideedba waxa jira dad taariikhda Somaliland baal dahab ka galay balse aan ummaddu ogsoonayn, oo marnaba geyin in sidaa foosha xun ee maanta dhacday.

 Waxba sheekada ku sii dheeraanmaayo e akhristoow Cabdi iyo warkiisa halkan ka akhriso:http://www.somalilandhorta.com/news_details.php?nid=1&catid=1350; markaad sheekaada ka bogato, waxad isweydiisaa ninka Cabdi Xusseen qowleystonimadan kula kacay markuu Cabdi sidaa u dhaqmayey halkuu taariikhda dalka kaga jirey? Maalmahaa muxuu ku haw lanaa? Dhaqanada noocan ah oo aan hore dalka uga jiri jirin ayaa hadda iska soo daba dhacaya.

Waxa tan ka sii horeysey caddaalad darradii ku dhacday John Drysdale lagula dul kufay oo xuku umaddu ilaa hadda kadhega adeygtay; wax barbar socda qaab xumada dadka danyarta lagaga raro goobaha ay deganaayeen iyada oo dowladda Hoose iyo ta dhexeba ku fashilmeen in qorshe hufan lagu raro oon xoog iyo cagajugleyn loola tegin. Xabbad danwalba loo ridaa xal makeento; tacdi iyo dulmi joogto ah intay ummaddu u dulqaadan? Dhacdadii tan ka horeysey ayeynu ogeyn foolxumadii ka dhacday iyo goobta danyartii loo raray. Caqliyadda ay dowladda hoose iyo wasaa radda arrimaha guduhu ku shaqeynayaan ayaa ah mid aad u liidata; sidan haddii aan wax laga bedelinna wax dhicidoonta in ummaddu malin qudha gadoodo si hawl yaranna dalku u burburo oo aad moodo in xukuumadda dalka taladiisa in ay halabsatay toobiyihii jiritaanka wadanku ku baa bi’I lahaa.
 



MAXAA SHALAY LOO DAGAALMAY


Ninkii jirey wxuu yidhi, "laba walba isasaaray, weligeyse laba tagoogo isma saarin!" Labaatan san nadood iyo dheerad ka dib markay xukuumadihii talalada dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya isa ga dambeeyey ay gebi ahaantooda ka garaabiwaayeen dulmigii iyo caddaalad darradii ay ummad da Somaliland tirsaneysey, ayaa waxa lama huraan noqotay oo aynu go'aansanay in aynu xaqe enii kacdoon hubaysan kusoo dhacsano. Toban sannadod ayey inagu qaadatay in naf iyo maalba loo huro. Nin xaqiisii ku dirirayana ilaahay hortii kuma hungoobo. Taliskii Afweyne Siyaad Barre dad iyo duunyo midna uma meel deyiney dhulka ayuu la simay hunti wixii uu bililiqeysan kari waay ey. Dalka markii aynu ka xoreyney Afweyne iyo huwantiisii waxaynu ku soo guryo noqonay mag aalooyinkii waaweynaa oo dhulka la siman; ceelashii biyaha oo sun lagu shubay; iyo dhammaan wax bani Aadam manaafacaadsado oo la burburiyey.

Haddaba iyadoo xaalku sidaas ahaa, ayaa ummaddii codkeeda iyo adduunkeediiba ku taageertay xukuumadda dalka ka talisa waxay liqila'dahay oo ka degi la' dibloomaasiyad xumada maanta wa danka ka jirta oo ah mid aan hore inoo soo marin. Hadday doorashadii madaxtooyadu si qurux ba dan oo addunku inagu ammaanay inoogu dhacday, oo xilkii si nabad gelyo ah loola kala wareega y, waxa lagama maarmaan ahayd in halkii dalku marayey hore looga sii dhaqaajiyo; waxaan mar naba cidi filayn in dib loo guryo noqdo oo halkaynu labaatan sanno horteed ka hayaanay dib loo gu noqdo. Waxa ummaddii reer Somaliland ka degi la' oo laga dhaadhicin kari la'yahay MADAXB ANNAANIDII IYO JIRITAANKIIBA WAXAYNU KU DOORSANNAY GOBOL KA MID AH SOOMAALIYADII HALIGANTAY 1991!!


Qaran ku dhisan rabitaan ikyo kalsooni dadweyne ayaa maanta gacmaha hoose hoorsanaya wa daad Shariifka Muqdishu ciidamada shisheeye ku ilaaliyaan iyo Faroolaha horjoogaha u ah budhc ad badeeda dunida aafeysey, ayaa ah mid aan la filayn. Shirarka nuxurkoodu yahay dib-u-so no olaynta dalkii la odhan jirey Soomaaliaya faa'iidada Somaliland ugu jirta illaa hadda xukuumaddu wey ku fashilantay in ay si toos ah ummadda uga dhaadhiciso. Hadba wasiir aanay hawshiisaba ahayn ayaa shir jaraa'id ka sheegaya in halkii Soomaali dib loogu heshiisiinayaba Somalilandna qeyb ka tahay.

Maamulada wadaad Shariif iyo Faroolaha Majeerteniya midna kuma dhisna kalsooni iyo rabitaan ka shacbiga ay magacooda ku dewersanayaan oo waxa ay sheeganayaan sharciyad kuma disna. Midna waa hadhaagii maxaakiimta oo IGAD shaadh u soo toshay, kan kalena waxa u horjooge u yahay maamul ku caano maalay budhcad badeednimo, ka ganacsiga tahriibta bani Aadamka taba alaysan, markaa maamulka noocaas ihi kama mid noqon karo xal waara oo budh cad badeeda la gu xakameeyo, sababahan soo socoda awgood:



SALDIGYADA BUDH CAD BADEEDA GEESKA AFRIKA


Budh Cad Badeeda Mudug iyo Majeerteeniya saldhigyadeedu yihiin cidda khuseysaa waa dadka deegaanada ku dhaqan iyo dagaal oogayaasha hormoodka ka ah, adduun weynuhuna waa in uu iyaga kala xisaabtama.

Haddaanay bushada caalamku is indha tireyn, si weyn ayey uga war hayaan halka laga maamula iyo sida dhaqaalaha madax furashada maraakiibta looga qaado loo qeybsado. Sida la wada ogso onahay dhaqaalaha Budh Cad Badeedu hesho waxa lagu maalgeliyaa dalalka Kenya, Tanzania, Ug anda, Zambia, Mozambique, South Africa iyo wadamada Khaliijka Carabta. Tusaalo haddaynu dal ka Kenya u soo qaadano, waxa la soo dersey sicir barar baahsan xagga iibka guryaha oo muwaa diniintii ayaa awoodi kari la’dahay in ay gattan guryihii caadiga ahaa ee baahiyaha nolosha bani Adaamka ka midka ah.



Bal aynu eegno goobaha iyo Saldhiga Budhcad Badeeda Geeska Afrika iyo qaabka ay u shaqey so:

 

Sida ay tibaaxayaan warbixinaha Qaramada Midoobay iyo Ururka Badmareenada Caalamku, dham maan maraakiibta laga afduubo Gacanka Cadmeed saldhigyada qowleysato badeedo ka soo duu sho ayaa ah ku teedsan inta u dhexeysa Boosaaso ilaa iyo Xaradheere oo ku taal dhinac xeebta Soomaaliya ee Badweynta Hindiya. Goobta u horeysa ee gabbood ay isku urursato Budhcad Bad eedu:

waa Tuulada Calowla, halkaas waxay ka sii qaataan sahay iyo saanad hadba waxay u baahdaan, waana halbowlaha ugu weyn ee budh cada laga taakuleeyo. Calowla waxa uga sii gudbaan EYL, HOBYO, iyo XARADHEERE oo iyadu leh garoon yar oo diyaaraduhu fadhiistaan.



BOOSAASO, MUQDISHU, AL MUKULLAH IYO AL SHIHR oo dhinaca Yaman ah ayaa iyaguna ah afar saldhig oo Budhcad Badeedu ka duusho. Budhcad Badeeda afartan saldhig ka duusha ayaa adee gsata maraakiib waaweyn oy ku rartaan hoodhiyada ay ku qadhaabtaan. Kooxdani waa kuwa qaffaasha maraakiibta mareysa Gacanka Cadmeed iyo dhinaca Muqdisho eek u began Badweynta Hindiya .
Maraakiibta Budh Cad Badeedu ka afduubto Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya waxa la ke ena agagaarka EYL iyo HOBYO, halkaas oo ay iska kaalmeystaan shebekedo Budh Cad Badeeda la shaqeeya oo siiya cunto iyo wixii kale ay hadba u baahdaan inta gorgortanka madax furashada u socdo BudhCadda iyo mulkiileyaasha maraakiibta la afduubo.
Shebekadda loo yaqaano “Budh Cadeeda Mudug” ayaa iyana ka hawl gasha XARADHEERE.War bi xinta ayaa intaa ku dartey in goobo kale oo ay ka mid yihiin Qandala, Baargaal, iyo Garacad ay iy aguna yihiin saldhigo ay Budh Cad Badeedu ka duusho.



Sida aynu kor ku xusnay,waxa cad in fadhiisimada iyo deegaanada Budh Cad Badeedu ka qadhaa bataa waa inta u dhexeysa Boosaaso iyo Xaradheere waxayna ka mid yihiin labadii Gobo lee Maj eerteniya iyo Mudug. Haddii xeerka Budh Cad Badeedu sheegayo in lagu Maxkamadeeyo wadam ada ay u dhasheen; oon marna la sheegin Budh Cad Badeedu ka duusha xeebaha Somaliland mee sha ma taalo sabab adduunku inoogu khasbo in xabsiyo Budh Cad Badeed Somaliland laga furo. Bulshada Caalamka ee wadaad Shariif iyo Faroolaha Majeerteeniya u aqoonsan wax jira iyaga hakala xaajooto xakameynta iyo maxkamadeynta qowleysato Badeeda Geeska Afrika aafeysey. Haddii la yidhi waxoogaa shilimaad ah ayaa lagu qaadanaya sheekada Budh Cadda, xaalkeenii ma wuxu noqday in Wasiirada Xukuumadda Somaliland iyana hunguri meel walba ula dooqdhawdaan oo la yidhaa dhaqaale ayaa inaga soo geleya? Hore ayaa looga maahmaahay xaajooyinka nooca n ah, oo waata Soomaalidu tidhaa seddexda wad ee wax dilaa waa KUB AAN DAALIN, KOBO AAN BUUXSAMIN, IYO KAS AAN GARAN. Sheekada xukuumaddii Somaliland ku maanguurtay ee wax walba laga doorbida jidka loo marayo seddexdaa wad ayaa ka sokeyaa, in kastoo la yidhi hunguri wadkii ma arko.

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
October 31st 2011