TANINA WAA DARXUMU KUU MAQNEYD DHEH-XX

 

 


SHIRKII DAN-WADAAGTA HABAR DUGAAG

Durji habar dugaagow shir Dan Wadaageed isugu habar wacday ayaa duqii Aw Dalxow u doortay hoggaaminta iyo guddoonka shirka. Kooxaha shirka ka soo qeyb galay waxa horjoogayaal u ahaa Libaax, Dhidar, Shabeel, harimacad, Butti, Goole-waraabe, iyo Dacaw. Duqa Aw Dalxow ee shirka guddoominaya waxa dacalka midig ka fadhiya baabulihii Aar oo hoos u yara gurxamaya; Aw Dalxow oo goobjoog ka ahaa dhaawacii dacawada gaadhay seben hore yaa si feejigan u dhowraya reenka Aarka; shabeelka iyo harimacadkuna waxabad mooda in ay boodo firxad u tabaabulsheysteen.

Taag waxooga goobta shirka ka durugsan ayaa raxan Karkareyaal ihi ayaa booraan isku shubtay iyagoo ka sakatiyey shirkan Dan-wadaagta Habar Dugaag! Qadar yar dabadeed waxa godkii mudh ka soo yidhi Duqii kooxdaa isagoo si gaar ah isha uga haya dhaqdhaqaaq shirka. Karkare iyo xeerbeegtida shirka isugu habar wacatay waa is hundo ogyihiin oo cadaawad gaamurtay ayaa ka dhaxaysay,

Markii in muddo ah la is hor fadhiyey ayaa Aw Dalxow shirkii furay oo wufoodii soo dhoweeye kuna ammaanay sida ay isusoo xilqaameen iyagoo hawlihii nolol maalmeedkoodii ka door biday shirka. Duqeydii ka wakiilka ahayd Habar Dugaag ayaa mid mid uga hadlay dhibaatooyin farabadan oo bushadoodii soo wajahday oo uu baahan in talo midaysan laga yeesho. Talo lagu hawl galaa meesha kamay soo bixin se waxa shirkii lagu go'aamiyey in si wadajir ah looga gaashaanto hagardaamooyin aan la magac dhebin oo ku soo fool leh.

GEBOGEBADII SHIR BEELEEDKII KULMIYE

Muddo lix sannadood ah ka ayaa laga joogaa shirweyne u qabsooma Xisbul-xaakimka Kulmiye. Sidoo kale muddo shan annadood ah ayaa ka soo wareeegtay Shirbeeleedkii GARADAG, oo maxsuulkii faai'iidadii dambarkeedii durduur iyo ladaab ummaddu haqab la'aan uga hirqatay!Dheeftii GARADAG waxaynu ku astaysandoonaa:

"HALDHAANWADO: WIXII SHIRBEELEED QABSOOMAY INTA AYA XUKUUMADDAN SIIRAANYO XILKA QABATAY MALA'IKTU HA KU DARTO MIISAANKA XASANAADKA EE SHIRKII GARADAD!!" SLH.

Maanso AHN Maxamed Xaashi Damac "Gaariye" tiryey ayaa waxa ka mid ahaa:-

Cirka danab ka soo dhacay
Dabkan huray kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Qolo-qoladan loo degay
Kama iman dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duumo ah
Daadihiyeyaashiyo
Maamulkay ku duranyiin
Qaarbaa digtooro ah
Digriigoodu madhan yahay
Qaarbaa durbaano leh
Oo daacdii jaray
Darna waa hagoogtaan
Isku soo dabaaloo
Waa dabaqad maal jecel

Xiliyadii Guddomiyihii Xisbiga Kulmiye u xusulduubayey waxa dadweynaha lagu maaweelin jirey ereyadan hoos ku xusan:

saxaafaddii waa la cabudhiyey, distoorkiiba lagu tuntay, hantidii qarankaa la bililiqeystay, xoriyadii muwaadinkaa la duudsiyey, mudaharaad silmi yaa la iga horjoogsaday oo xabad dadweynihii loo adeegsaday!!!

Tolow maanta maxaa laisku medadaalin. Hadda dadweynihii waxay ku heesayaan:

WIREEY! WIREEY KA WIREEY
WIREEY WARAABA U TAAGAN
AGTEENA KA WEYLE
WID SOW MA NIDHAAHNO



AXMED CALI IBRAHIM SABEYSE
September 21, 2014