Tartanka Kubada cagta ee 18-ka May

 



Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community iyo kooxda kubada cagta ee Heegan FC wa xay si wada jir ah u qaban qaabinayaan tartan kubada cagtaa oo lagu xusayo maalinta 18-ka May ee sanadguurada 21-naad ee Jamhuuriyada Somaliland.

Tartan oo ilaa 10 kooxood oo London iyo magaalooyinka kalee Ingiriiska kakala socda iskugu iman doonaan wuxu ka dhacaya Waqooyiga magaalda London, Lee Valley High School, Bullsmoor Lane, Enfield, EN3 6TW.

Tartanku wuxu qabsoomi doonaa maalinta Sabtida ee bishan May tahay 19-ka laga bilaabo 10-ka aroornimo ilaa iyo 6-da galabnimo. Waxaanu ka codsanaynaa muwaadiniinta reer Somaliland ee daggan Waqooyiga London inay maalintaas munaasibadaas soo bilaan. Waxa inagalasoo qayb galli doonaa Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee UK Mudane Ali Aden Awaale iyo madax kaloo badan oo Somaliland iyo Ingiriis-ba leh.

Wixi faahfaahin ah kala xidhiidh: 07870515334 amma 07801992583 amma 07944352767

Sanad guure wacan,

Maamulka Tartanka 18th May
 

 

 



Maamulka West London Somaliland Community