Tartankii Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan oo lagu soo
Gabogabeeyay Gabiley
Gabiley (TNN)-Tartankii Quraanka
Kariimka ah ee Bisha Ramadaan Ayaa shalay lagu soo G
abag abeeyay Masjidu Nuur ee Magaalada Gabiley, Tartankaasi oo Sanad
walba lagu Qabto bisha Ra madaan Gobolka Gabiley ayaa Waxaa
soo Qaban Qaabiyay Jamciyada Tartanka Quraanka ee Ga biley
waxaana Maalgaliyay Ganacsatada Gobolka.
Xaflada Balaadhan oo lagu Gudoonsiinayay Abaal marino iyo
Shahaadooyin oo shalay halk aasi loogu qabtay ayaa waxaa ka
soo Qayb galay Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi
(Cali Case), Boqor Muxumed Geele Seed, Waalidiinta Ardayda, Maamulad
a Madarasad aha Gabiley,tartanka quraanka kariim ah oo ah kii
sideedaad ee noociisa ah oo laga qabto gobolka gabiley kaas oo soo
billaabmay sanadkii 2002, waxaa ka soo qayb galay marti sharaf aad u
ballaadhan oo ay ka mid ahaayeen musheekh, waayeel, maamulka gobolka
iyo waalidiinta ardayda ka qaybgalaysay tartanka.
Tartankan oo ay ka qayb galeen 85 araday oo ku Dhaqan Degmooyinka
Gobolka sida Gabil ey, Wajaale iyo Allaybaday oo ka kala
socdeen 30 arday oo ka socday Wajaale, 5 araday ka socday allaybaday
iyo 50 Arday oo ka socday Gabiley.
Ardaydaasi oo dhamaantood ahaa Ardaydii madarasadaha Gobolka ayaa ka
koobnaa 50 wiil iyo 35 gabdhood oo ka mid ah ardayda u tartamaysay
soddonka jiz, 15-ka jiz, 10-ka jiz iyo 5-ka jiz.
Kaalinta koowaad ee 30 jiz ee Quraanka Waxaa ku guulaystay Arday ka
socday Degmada Wajaale oo Magaciisu ahaa Xasan Nuur Xuseen halka
isla Kaalinta koowaad ee Dumarka ay ku Guulaysatay Jawaahir Aadan
Ismaaciil oo ka Socotay Degmada Wajaale, kaalinta labaad ee 30-ka
Jiz waxaa ku Guulaystay Arday ka socday Degmada Wajaale halka
kaalinta Seddexaad uu ku Guulaystay Arday ka socda Degmada Gabiley.
Sh.Maxamed Muumin Aadan oo ka mid ahaa Culimadii halkaasi ka
hadashay ayaa ku dheer a aday Qiimaha iyo Fadliga Quraanka
kariim ahi leeyahay iyo kaalinta looga Baahanyahay d a,yartu inay ka
qaataan Akhriska iyo barashada Quraanka.
Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley Mudane Cali Cabdi C/laahi (Cali
Case oo isaguna M adasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay Dhamaan
Ardaydii ka soo qayb gashay tartanka Q uraanka, Culimadii soo
Qaban qaabisay iyo Dhamaan intii Gacan ka gaysatay.
Badhasaab ku Xigeenka Gobolku wuxuu ardayda u soo jeediyay inay
Dadaalkooda halkaa ka sii wadaan isla markaana Xoojiyaan kana
Faa,iidaystaan Akhriska iyo Fadliga Quraanka Kariimka ah.
Tartankan oo ahaa mid aad u Xiiso badan ayaa Abaal marin Farax
galiyay lagu gudoonsiiy ay ardaydii kaalmaha hore ka gashay
tartanka quraanka.
Mustafe Future
Timacade News Desk
Gabiley/Somaliland
|