Tartankii Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramdaan oo lasoo Gabo-gabeeyay Masaajidka Cali mataan ee Magaalada Hargeisa iyo Xafladii Abaalmarinta

 


Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Munaasabad balaadhan oo Abaalmarino lagu  gudo onsiinayay Dhalinyartii ku guulaysatay kaalmaha hore ee Tartankii quraanka kariimka ahaa ee bisha ramadaan oo lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada  Harge isa.

Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen, Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,wasiirka Madaxtooyada, Xildhibaano ka tirsan Golaha  Waki ilada, Culimaa,udiinka Sida wayn looga Qadariyo Somaliland, Dadwayne aad utiro badan iyo Ardaydii ka qayb gashay tartankaasi.

Xafladaasi oo ahayd mid abaal Marino lagu gudoonsiinayay Ardaydii ka qayb gashay tartanka Quraanka kariimka ah ee Gobolada Somaliland, oo ay maal galisay Shirkada Dahabshiil ayaa waxaa ugu horayn Halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo sheegay in ay tahay wax lagu farxo, in dhalinyaro aad u da, yar ay dusha ka qabtaan Kitaabka quraanka kariimka ah, isla markaana xusay in madax iyo Masuuliyiinba loo baahanyahay in la xifdiyo Quraanka kariimka ah, maadaama uu quraanku yahay Mucjiso ilaahay inagu soo dajiyay” ayuuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan maxamed C/laahi  (Cir ro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq usoo jeediyay cid kasta oo ka qayb  qaa datay hawshaasi, sida shirkada Dahabshiil oo iyadu maal galisay Tartankani iyo Culimadii ka qayb qaadatay,

Waxaa kale oo isaguna Halkaasi ka hadlay Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir oo ka mid ah  Cu limada Waawayn ee Somaliland, ayaa ka hadlay Muhiimada iyo Xikmada kitaabka illaahay inagu soo dajiyay, taasi oo la inoogu talo galay inaynu ku dhaqano.

Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir waxa kale oo uu ka waramay sida kitaabka illaahay inoogu sheegay ku camal falkiisa, Cidii ka tagtana lagula xisaabtami doono, waxaa kale oo uu xusay sheekhu in Dastuurka Somaliland ay ku jirto in lagu dhaqmo shareecada islaamka wax kastana loo eego diinteenu waxay ka qabto, balse taasi aynu baal marno. waxaanu ku soo gabagabeeyay in shacab iyo xukuumadba dhinac looga soo wada jeedsado ku dhaqanka shareecada islaamka.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay Sh.Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada Tartankan soo qabanqaabsiay ayaa ka waramay Taariikhdii uu soo  mar ay Tartanka Quraanka kariimka ah ee ay ku qabtaan Masaajidka Cali mataan Bisha  Ram adaan, isaga oo sheegay inay ku hanwaynyihiin inay isku keenaan Dhamaan Ardayda Geeska Africa oo ka qayb gasha Tartanka Quraanka, waxaanu si wayn ugu mahadnaqay Shirkada Dahabshiil oo Maalgalinta tartankaasi kala qayb qaadatay mudo kow iyo toban (11) Sanadood ah, iyo Dhamaan ardaydii iyo Dadwaynihii kale ee ka qayb qaatay.


Ugu danbayntiina waxaa Abaalmarino Isugu jira Lacag, iyo Record, Saacado, Kitaabbo Quraan ah, iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardaydii ka qayb gashay Tartankaasi.


Waxaana Kaalmihii ugu sareeyay ee Abaalmarinaha la gudoonsiiyay ka mid ahaa:

Tartanka Soddonka Jus:-


1-C/risaaq Muuse Cilmi, Gobolka Hargeisa ,
700$

2-Maxamuud C/raxmaan Gobolka Hargeisa
550$

3-Liibaan C/laahi Cumar Gobolka Awdal
450$

4- C/casiis C/wahaab C/laahi Gobolka Hargeisa
300$

5-Siciid Jaamac Maxamed Gobolka Sanaag
200$


Tartanka 15 Jus:


1-Maxamed Xuseen Ibraahin Gobolka Hargeisa
300$

2-Axmed Maxamed Siciid Gobolka Sanaag
250$

3-Jamaal C/naasi Xuseen Gobolka Hargeisa
200$


 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@Longlivesomaliland.com
Hargeisa Office/ Somaliland