Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM oo Sanad kii Saddexaad Maal-galisay Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka ee Global Polyclinic

 


Hargeysa (TNN): – Shirkadda Isgaadhsiinta Casrig ah ee TELESOM ayaa ugu deeqday cusbita alka Global Polyclinic ee magaaladda Hargeysa $10,000 wajiga kowaad ee mashruuca caruur nta la nool cudurka macaanka. Mashruucan ayaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah siiya car uurta la nool cudurka macaanka.

Shirkadda TELESOM ayaa sanad walba ku maal-galisaa Cusbitaalka Global Polyclinic lacag dha n $20,000 oo gargaar caafimaad oo bilaash ah loogu siiyo caruurta danyarta ah ee la nool cudurka maacaanka. Mashruucan oo shirkadda Telesom bilowday sanadkii 2013, ka dib markii mashruucan uu u soo bandhgiay maamulaha cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaa Axd ar.Cusbitaal Global Polyclinic waa cusbitaal u hagar baxay inuu gargaar caafimaad siiyo dad ka danyarta ah ee u haleelay cudurka macaanku ee aan awoodin dhaqaale ahaan inay caruu rtooda u helaan daawadda iyo qalabka lagula tacaalo cudurkan.

Shirkadda TELESOM ayaa maanta gudoonsiiyey maamulaha Cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar ahna Gudoomiyaha Ururka Mihnad-layaasha Caafimaadka lacag dhan $10,000 oo ah qaybta koowaad ee lixda bilood ee u horaysa sanadka 2016, munaasiba da lacagta lagu gudoonsiinayaaye ayaa ka dhacday xarunta shirkadda TELESOM ee magaala dda Hargeysa.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Da rbo ayaa ugu horayn ka hadlay lacagtan ay shirkaddu ugu deeqday cusbitaalka iyo muhiima da ay shirkadda Telesom u leedahay taakulaynta bulshaddeeda, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ku gudoonsiinay lacag $10,000 oo jeeg ah maamulaha cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq lacagtaasi oo ah mid aanu ku daryeelno ama ku kaalmayno caruurta la nool xan uunka macaanka ee waliba danyarta ah oo cusbitaalkaasi uu muddo hayey, TELESOM-na ay maal-galinaysay, waxaanu maanta halk ku bixinaynaa markii saddexaad oo ah saddex sanno oo isku xigga, ee lixdii bilood ee u horeeyey sanadkan oo aanu halkan ku siino, taasi oo aanu ugu talo-galnay in aanu dadkeena ku daryeelno”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.

Ugu dambayntii waxaa munaasibaadaasi ka hadlay maamulaha Cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar waxaanu shirkadda Telesom iyo maamulkeedaba uga mahad naqay deeqday ay shirkaddu siisay cusbitaalkan uu masuulka ka yahay waxaanu yidhi, “Maa mulka shirkaddu waxay aad iyo aad ugu mahadsan yihiin markii ay go’aansadeen in ay caawi yaan ciyaalkeena la nool xanuunkan macaanka ah, ciyaalkaasi oo runtii waxa kaliyaata ee ay ku badbaadi karaan ay tahay in ay helaan insulin ama irbaddaha macaanka iyo mishiinadda lagu hubinaayo iyo ka warhayntooda iyo sidii aqoon loo bari lahaa ku saabsan cuntadooda, dawaddooda iyo qaabka ay u dhaqmayaan runtii”

Shirkadda TELESOM ayaa mashruucan caruurta la nool cudurka macaanka ee danyarta maal-galintiisii ugu horaysay bilowday sanadkii 2013, wakhtigaasi oo mashruucani uu ahaa mashr uuc tijaabo ah (Pilot Project) waxaana lagu bilaabay 50 caruurta, todobaadkii ugu horeeyey waxa xarunta Global Polyclinic iska diwaan-galiyey caruur ka badan 100 caruur ah waxaanay shirkaddu go’aansaday in mashruucan ay maal-galintiisa sii laban-laabto kana dhigto mashru uca ay si joogto ah u maal-galiso. Mashruucan waxaa si weyn uga faa’iidaystay caruur bada n oo marki hore noloshoodu khatar ku jirtay, waxanay ka heleen daawo iyo qalab bilaasha oo caafimaadkooda wax weyn ka tara caruurtaasi la nool cudurka macaanka.