Tifaftire Curad oo ka Badbaaday Xukunka Maxkamad Qarsoodi ah

 

Isku day la doonayay in waabarigii shalay si qarsoodi ah xukun loogu rido tifaftiraha wargeyska madaxabannaan ee YOOL Mr. Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), ayaa dhicisoobay, kadib markii ay baajinta arrintaas u guntadeen qareenka difaacaya iyo qaar ka mid ah qaraabada suxufiga xidhan.


Tifaftiraha oo si qarsoodi ah loo horgeeyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysa dacwaddiisa, horena dhegaysigeeda ugu muddaysay Sabtida toddobaadka dambe, ayaa dib loo celiyey iyadoo aan dacwaddiisa la dhegaysan, sida uu xaqiijiyey tifaftiraha xidhan oo u warramayey suxufi ka tirsan shabakadda dhambaalnews.com oo la kulmay ka hor intii aan maxkamadda laga celin, waxaannu arrintaas ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga iyo xeerarka saxaafadda.


“Saaka waaberigii [shalay subax] xilli aan loo baran saaridda maxaabiista ayaan ku warhelay magacayga oo la xaadirinayo, kadibna waxa laygu yidhi, soo bax maxkamadda ayaa lagu geynayaaye, sidaas ayaanan ku soo raacay anigoo la yaabban meesha arrintani ka timi, waayo dacwaddaydu waxay muddaysnayd Sabtida soo socota ee taariikhdu tahay 14 March 2009, ”ayuu yidhi tifaftire Curad.


Tallaabadan ayaa af-kala-qaad ku noqotay qareenka difaacaya tifaftiraha, kadib markii loo sheegay in maxkamadda la geeyey, waxaanay arrintani daaha ka rogtay tuhun laga qabo inuu jiray qorshe la doonayay in weriyaha si qarsoodi ah loogu rido xukun aanay ogayn qareenkiisa iyo qarabadiisa toona.


Amarka lagu soo saaray tifaftiraha ayaa waxa ku saxeexnaa garsooraha gacanta ku haya dacwadda Mr. Cabdirxmaan Madar Carraale. “Haddii garsooruhu arrintan u badheedhay waxay shaki gelinaysaa dhexnimadiisa, waayo dacawad uu muddeeyey dhinacayada oo wada jooga inuu haddana dhinac ka oggolaado soo saaris aan laysla ogayn waxay u muuqataa gef weyn oo sharciga laga galay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka difaaca xuquuqal-insaanka oo shalay ku sugnaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa.


Tifaftire Curad ayaa maalintii 15aad xukun la’aan waxa uu ku xidhan yahay xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inay jiraan cadaadis iyo culays la saaray xadhiggiisa oo ay si weyn ay lugta ugula jirto Xeer-laalinta Gobolka Hargeysa


 

 



Jamhuuriya Online