Tifatiriha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa goor dhaweyd loo dhaa dhiciyey Xabsiga Mandheera

 



Hargaysa (TNN)- Tifatiriha Wargeyska Madaxbanaan ee Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (X uuto) ayaa goordhaweyd loo dhadhiciyey Xabsiga Mandheera oo ku yaala meel u dhaxaysa  Ha rgeysa iyo Berabera, wariyaasha Waaheen oo wakhtigaasi ku sugnaa Saldhiga Dhexe ee  Harge ysa ayaa sheegay in 11:30 Duhurino laga qaaday saldhiga dhexe oo muddo 4 cisho ah xukun  sh arci darro ah ugu xidhnaa, Waxna la sheegay in Ciidanka Booliiska oo markii hore gacanta ku  ha yey ay iskaga wareejiyeen Ciidanka Asluubta kadibna ay u qaadeen Jeelka Mandheera.


Iyada oo maanta loo balansanaa in maxkamada gobolku ay bixiso rafcaankii, balse arintan ayaa noqonaysa mid dhibaato ku keenaysa habsami u socodka dacawada iyo rafacaanka.


Maaliintii Sabtidii ayuu garsoore Cali Suudi xukun af-duub ah ku riday Tifaftiraha Wargeyska W aaheen Maxamuud Cabdi Jaamac oo maalintii Afraad u xidhan, iyadoo uu ku eedeeyay inuu laba mas’uul oo ka tirsan Xukuumada Siilaanyo uu aflagaado u gaystay.



Source: Waaheen