|
Timacade News oo deeq lacag ah Gaadhsiisay Ninkii Mucjisada ahaa ee
Baabacooyinka Gacmaha Wax ka maqli jiray

Ninkan
mujisada ah ayaa ay ka muuqataan Calaamaddo Mucjiso ah oo Mudan in
wax lagu qaat o, Daawo Sawiradda
Wajaale (TNN)-Hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Timacade News ayaa
maanta Gaadhsi isayay Deeq lacag ah oo dhan $250 Nin Mucjiso ah oo
Miskiin ah oo Laxaadka Araga iyo Maqa lkaba beelay isaga oo yar,
kaasi oo aan Lahayn Ehel iyo Walaal Gacanta ku haya. Deeqdaasi oo uu
soo diray Muw aadin Reer somaliland ah oo magaciisu
yahayMustafa Ibrahim Adam (Sh armaake).
Cabdi Muxumed Aw Xasan oo ah nin Mucjiso ah oo uu Gacanta ku hayay
Walaalkii Alle ha u na xariist ee Marxuum Axmed muxmed oo dhawaan ku
geeriyooday Degmada Wajaale ayaa wax aa u gurmaday Dadwaynaha ku
dhaqan Degmada Wajaale oo dhiiri galiyay isla markaana u dh exmaray
Dadka muslimiinta ah oo ku Caawiyay Deeqo kala Duwan.
Agaasimaha Shabakada Wararka ee Timacade News
Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future) oo lagu soo hagaajiyay
lacagtaasi ayaa Gaadhsiiyay Cabdi Muxumed isla markaana aoo Xog war
aystay Xaalada Dhabta ah ee uu ku Suganyahay Miskiinkaasi.
Mustafe Future ayaa sheegay Miskiinkani Xaaladiisu Adagtay isla
markaana Dad badan oo Mus limiin ahi iska Xilsaareen sidii wax loogu
qaban lahaa kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan in ay u dhisaan
Hoy uu dhaxanta ka galo isla markaana lagaga war hayo. Waxa kale oo
uu she egay in ay Dadka muslimiinta ahi ay kala qayb qaataan
dadkaasi iska xilsaaray dhismaha Guri ga loogu yaboohay miskiinkaasi
mucjisada ah.
Mustafe Waxa kale uu aad ugu Mahadnaqay Qurbajooga reer somaliland
ee Deeqaha soo gaa dhsiiyay ninkaasi oo Baahi badani ka muuqato Ehel
iyo Awlaad caawisana aan lahayn illaahay mooyaane.
Ninkan mujisada ah ayaa ay ka muuqataan Calaamaddo Mucjiso ah oo
Mudan in wax lagu qaa to, dadka muslimiinta ahina Gargaar u fidiyaan
si ay ajar iyo Xasanaad uga helaan.
Nimcaan Dheeg Ibraahin
Timacade News Desk
Wajaale Somaliland
|