Timacade University Maaha Magac Siyaasadeed,Waa Magac Mudan Xishmad iyo Qadarin

 

Taariikhdu waa diiwaan doraad iyo shalay wixii ku dhaafay ayaa laga daalacdaa  q o omiyada kasta oo ku nool dunida waxay leedahay halyayo ay ku faanaa oo ka m udan qadarin iyo xishmad gaara qoomiyada ku hadasha afka somaliga ee ku nool dunida dacaladeedu waxay ka simanyihiin in haldoor abwaan cabdilaahi  su ldaan Maxamed Tima Cade oo ahaa halyay taariikhda kaga qoran baal dahaba.

Maanta cida leh tima cade muxuu ku mutaystay in loo bixiyo Jaamacada Gabiley
, waxaan odhan lahaa magacu maaha magac siyaasadeed ee waa magac  karaa ma ysan ha ka urinina siyaasad.jawaata aad raadinaysaana waxay taalaa halka aad joogtaan saaxiibayaa hadaba ma waraysateen raga ay ka mid yihiin.

1. Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye , damaq iyo xusuus

2. Mawliid Aw Nuux, dadka heegan yaa galin

3. Maxamed Ibrahim Warsame, Hadraawi

4. Cabdiraxmaan Aw Yuusuf Ducaale (Boobe) ,diwaanka maansada Timacade


Ururintii iyo habayntii xikmada haldoor cabdilaahi suldaan tima cade laga soo  bila abo 1920 1973 miyaad ilowdeen qalinkii boobe aw yuusuf. jaamacad gabiley waxay nasiib u heshay magac hadii maanta la keeno suuqyad caalamka ku kacaya qiimo aad u sareeya dalka jaamacadaha cida leh magacaasi jaamacad yaan loo bixin  an uu waxaan u arkaa danbiile afka galay umada goblka iyo ta mandiqadaba.

Timacade Universty waa fursad dahabiya oo gobolka gabiley rabi siiyay waana  in ay iska qabtaan dadka reer gabiley cida doonaysa in magac tima cade laga tirtiro gobolka iyo somaliland hadii ay madax yihiin iyo hadii ay shicin yihiin labadaba  wa ana sheeka cusub oo ku soo korodhay saaxada nolosha reer somaliland.

Waxaanan aad iyo aad u hanbalyaynayaa dadka reer gabiley gaar ahaan madaxda gobolka iyo geesiyada suhuur nuur oo ah ta ka biya diiday raga maanta leh timaca de muxuu gobolka gabiley u taray.hadaba tima cade kumaa ahaa wax yar aan ku yara hakano haldoor abwwaan.

Cabdilahi Suldaan oo ku magac dheeraa “Timacadde” wuxuu ku dhashay  deegaan ka Galoolley oo u dhow magaalada Gebilley sannadkii 1920-kii. Yaraantii´sii wuxuu ku soo koray magaalada Gabilley. Dhallin-yaro nimadiisii wuxuu soo maray ama  de ggenaa magaalooyin badan, oo ay ka mid ahaayeen Adari “Herer”, Diridhabe iyo Magaalada Jabuuti. Balse halggankiisii ugu ballaadhnaa intii uu ku jirey wuxuu  deg genaa magaalada Hargeysa.

Cabdilahi Suldaan “Timacadde” wuxuu geeriyooday 1973-kii isagoo 53 jir ah. Wux uu na ku geeriyoodey deegaankii uu ku dhashay. Magaalada Jabuuti ayaa ahayd meesha uu maansooyin-kiisii ugu horreeyey ee dhinaca gumaysi-diidka uu ka  bila abay. Goobta loo yaqaan “Balaas Raamboo” ee ku taal magaalada Jabuuti, oo  beri gii hore loo yaqaanay “Daar-al-akhbaar” ayuu Timacadde ka gabyi jirey. Aan ka soo qaato gabay la magac baxay “Mudmud” oo uu tiriyey 1946-kii, qiyaastii 26 jir ayuu ahaa. Bal miisaanka gabaygaa oo ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee uu Timacadde ahaa nin dhallin-yaro ah u fiirso.
 


Macanaa gabaygu kala leeyihiyo, jariyo miidaane

La iskuma marduufee markaan, kayga marinaayo

Masalooyin-kaygii haddaan, maayaddaw laliyo

Haddaan maago maansada inaan, mariyo luuqdeeda.

Mar haddaan mashiinkiyo furfuro, midhaha laakiinta

Mahiigaan sidiisii haddaan, maayad soo kiciyo.

 


Arartaa markuu hordhac ka dhigo ayuu gabaygii gelayaa. Si aan qoraalku u  dhee raan aan waxyar ka soo qaato gabaygii iyo guda-galkiisii.

 



Malgaash kol ay ku tahay, uunka-kale waa midhkaa qudha’e

Waxan la kala moosmoosayaa, madawga weeyaane

Ha lays mudo malyuunaad ha dego, maalin gelinkeede

Nin kastaa mimilada haw dhintee, waan mudmudayaaye

Mid hadduu la tego baasaboor xerada maariiga*

Markhaatiga waxay ugu furaan, maalin kharashkeede

Marbaan ahay mahigaan curtiyo, maalkii calaymayne

Marbaan ahay masiibo aan la arag, maanta ka horow’e

Marbaan ahay mas geesaale iyo, mur iyo waabeeye

Inaan ciidda hoos mari karana uma malaysaane

Muuqaygan gaabani ragbuu, meel ka ridayaaye
 


Salaan iyo garadrin ayaan idinku dhaafayaa

 

Omar Sheekh Abdi - Bristol - UK