Tix Kooban oo la magacbaxday, Ergo oo waano iyo wax u sheeg isugu jirtaa, waxay soo baxday 31 Meey 2014ka.

 


Waxay curiyaha ku dhalatay tixdani, mar uu daawaday shirjaraa'id oo kooban oo uu qabatay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland; mudane Suleymaan Maxamuud Aadan.
Shirkaa jaraa'id oo ku saabsanaa dhexdhexaadinta khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee ka dhex aloosnaa in muddo ahba; madaxda xisbiga iyo xukuumadda Somaliland.

Waxa si dadban uga muuqdey hadallada guddoomiye Suleymaan, in madaxda xisbigu u dhegonuglaadeen ergada odayaasha oo ay aqbaleen; in ay u hoggaansamayaan wixii go'aan ee ay odayaashu soo go'aamiyaan.
Waxa iyana meesha ka muuqatay, in dhinaca Xukuumadda arrintu markaa qabyo ka ahayd!

Haddaba, tixdan yari waxay taageero ergo ahaan ah u tahay odayaasha is-xil-qaamay ee doonaya; in ay dabkaa shidan bakhtiiyaan.
Waxayna la hadlaysaa cidda ay khusayso oo ay waano iyo wax u sheegba u tahay. Ilaahayna waxaynu ka baryaynaa, in uu ku anfacu cidda ay la hadlayso.
Waxayna leedahay:

Qab qab dhaafay baa yimid
Ninkaan qoorta soo dhigan
Rag qalaaya baa yimid

Qaawlalkoo la eegiyo
Qowdhan taan ka diidee
Qorigaba ka qaatiyo
Qudhunkii ragbaa wada

Calankaan qotomiyiyo
Qarankaan u hawlgalay
Qushi nimay la tahayoo
kursigiisa qaayibay
Iyo qoom kalaa yimid

Quwad ruux isbidayaa
Qumanaanta taladiyo
Qarqarsiga ma yeelee
Quwaddiisa weyniyo
Qaadir baan cuskanayaa

Hadduu awrka qoodheed
Qalimada la looloo
Qubo haamuhuu sidey
Illayn waad qaracantaa!

Quruxdaan filaayiyo
Qorshihii daleediyo
Qaran raadiskaygii
Miyaan quus ka joogaa!

Qabiiliyo waxaan qubee
Qarni hore ka soo tegey
Qabrigoodii yaa faqay?
Ummaddii ayaa qalee
Qoysqoys u kala raray?

Qayladaa baxaysiyo
Qalalaasahaa kacay
Qoonkaan daweeyuu
Qoloftii ka qaadee
Qaadirow adaa jira

Ninkii Qaaxo soo maree
Qorigaa ka dhuubnaa
In uu maanta qooqaa
Qumanaan miyey tahay?

Qarnigii horuu yidhi
Inan qaaday hees wacan

Ninka qaatay gudumee
Qoriguu ku taagnaa
Ka qarqooray hoostii
Qorshihiisu liitee!

Nin qaxootinimo iyo
Intuu quudhsi soo maray
Qayrkii baryaayoo
Qaraamaad ku nool baa
Qarannimo yaqaanee
Qoloqolada hoosiyo
Qodqodkaaga iga daa!

Qaarad kale nin joogoo
Quruxduu lahaa iyo
Qiimihiisii waayaa
Qaranimo yaqaan
Qalalaasahaa iyo
Qodqodkaaga iga daa!

Adigoo qabowiyo
Ku qureecda beeroo
Qumanaay Hargeysiyo
Qarankaagii joogaa
Alla qaayo weynaa!

Adoo qaran hoggaanshoo
Qaabilaad salaaniyo
Dadku kuu qushuucaan
In aad qoys u dhurataa
Alla qaayo liitee!


Nimcadaa adoon qubin
Qaraf iyo Kabriid sudhin
Adoon quudhsan Aadmiga
Qarankana adoon dumin

Odayaal qayuuroo
Qumanaan yaqaannoo
Qaraxyada dhacaayiyo
Qardoofadu dhibaysaa
Talo soo qotomiyee

Qaadirkii ku uumiyo
Qaawlkii rasuulkiyo
Qiiqeeda naartiyo
Qiyaamaha xasuusoo
Qayd baa ku raaciyo
Qabka meel ku soo xidho!

Wa bilaahi At-towfiiq

 



C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com