Tobankii cisho ee bishan ramadan horeyay waxbadan baa inaga khaldanaa ee bal dhawrkan maalmood ee inoo hadhey aynu ka faa'iideysano bishan barakeysan


 

 


RAMADAN KARIIM aakhristow meel ad joogta ba.

 


Bishii ramadan tobankii cisho ee ugu horeyay waxbadan baa ina seegay dadoow, waxa runtii wa ajib inagu aheyd in aynu ka faa'iideysano kheyradka ey bishan ramadan xabaarsantahay, maalin tii ey kawsatey bishan ramadan waxa saxaafada iyo warbaahinta ku badna oo lagu soo daabaca yay laqwi badan oo baal marsan sharafta iyo karaamada bishan ramadan leedahay ey leedahay, waa bil an loo baahneyn in qofna qofkale aflagaadeyo, waa bil mudan in afkaaga iyo adinkaaga in ad xakameyso oo ad xumaanta ka dhawrto iyo laqwiga, waa bil mudan in ad xubnahaga ad ka dhowrto wixi soonkaaga wax u dhimaya, waa bishi loo baahan inad ducada alle badiso.


Waxan haddaba leeyahay bishii ramadan dadkii tobankii cisho ee ugu horeyay sida adag u wada hadalay ee aheyd qabyaalada, neceybka shaqsi iyo aflagaadada ba in ey toobad illaahey weydii stan oo ay ka soo noqdan wixi 10 cisho ee bishan u horeyay afkooda ka soo baxay dhamaantoo dna is wada saamaxan, maadaama ay is kantrooli kari waayeen bishi barakeysney, runtii waxa inoo furan oo qiil inoo noqoneysa toobada alle oo eynu weydiisano iyo quluubteena oo isawada saamaxda.

Dhawrkan cisho ee inoo hadheyna ad ka faa'iideystan oo ad waxa wanaagsan isfartan si uu waa jibkaasi soonku u noqdo mid aynu ku guuleysano oo aynu ajar badan ka helno illaaheyna inaga aqbalo faralakaasi bisha ramadan ee barakeysan.

1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa a wgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaad aa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la diriro ama caayana ha yiraah do anigu waan soomanahay. ‘ Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kul m aa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doo naa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim)

Tani waa werintii Bukhaari.


Waxan kusoo gabagabeynayaa waar shan iyo tobankan maalmood ee inoo hadhey eynu noqono kuwii ka faa'iideysta ee soonkooda illaashada islamarkan xumaanta ka dheerada, illaaheyna ina ga aqbalo faralkaasi bishan ramadan
 

 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway