Todobaabkan iyo Weriyaha Laanta Curdinka: Xaqsoor waajiraayee-garo-waana joogi doonaayee
 


Doorashadii waxay dihatey wax cirka taar ku leh, dhulka taar ku leh, tagoogo orgi leh, tunka shashaash ku leh oo tag xun.



Doorashadii Somaliland ee deegaanadu waxay dihatey waxaan la eegeyn. Waxay dhashay wa x an dhicis ahayn, dhamaysna ahayn. Waa wax af-dulaaqan oo miciyo doofaar leh. Indho ma leh, dhego ma leh oo dhamays ma ah. Madax dad bay leedahay uu gees dheeri oo faraaro ka dul baxayl (dirsooc). Waa afar qooble dugaaga shaabaha oo aan xanuun loo dili Karin, cabsina loo haysan Karin oo laga yaabo hadduu koro in uu qaranimada cuno. Waa wax cirka taar ku le h, dhulka taar ku leh, tagoogo orgi leh, tunka shaash ku leh, oo shar ka acuud bilaahiye jin iyo insi midna ahayn.

Sidaa daradeed dawladu waxay ugu waqlalashay wiilal gacamo madhan oo ka gadoodey, kana argagaxay waxan sibaaban ee siloon, yaabka iyo lama aragta, hoostada laga dayey. Dhiig bay ugu fool dhaqaday oo xabkii kaga tirtay, iyadoo ku luuqaynaysa qowysal waraabe iyo warkii jaahilnimo, qasaa’idkii qabyaalada iyo madadkii odayaashii iyo habrihii waa hore la duugey-inn aa lilaahi wa innaa ileyhi raajucuun-tolow geel ku durduriya oo si dadban innooga dila doorso onkan dhashay, miyaa la waayey?.

Maya. Xaasha. Diga hoos ka nool weli., Shacbi colaad ka kharaaray, oo musuqmaasuq maal, m aan iyo maamul fasahaadshe, ayaa iska acuud bileystey, oo kala doortay labada daran. Kadibna bismilaystay natiijadii fasaqnayd ee komishanka, kuna luuqayey intuu naaska ku duwey wixii siibaabnaa: “shar gudban shaydaan xijaaban”. Waxkasta oo ahaydba shifo lagu af-saaray, cidna aan shar u lahayn, iyaga oo ka baqa qaba; in haddaan la kala roonaan; rooba di’i waayo.

Hordhaca waraysigan qurbaawi iyo Weriyaha Laanta Curdinka(WLC) haddii aan intaa kaga gu dubo, waxaan guda geleyaa, waraysigii qurbaawi iyo weriyaha laanta curdinka oo meelo bad an doca docaynaaya dibin daabyana ma ah ee waa maadda miideedee(Satire).

Waraysigii oo kooban

Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa Ururka Wadani?

WLC: Mayee waa loo dhashaa wadani.

Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa Kulmiye?

WLC: Mayee waa loo dhashaa , waana loo dhaxaa Kulmiye.

Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa UCID la dhoodhoobay?

WLC: Mooyaan, ma ogi. Waa maryo alool mucaarid ah ee dhalasho iyo dhaxdin midna ha u malaynina.

Qurbaawi: oo haddaan xeradu, waa wada uloo, ul la qaatana ma leh?

WLC: Weligaa lagama quusto bulshada iyo wax nool, bal day ereyadii Xafladii UCID Cali Gurey ka yidhi markay Faysal iyo Jamaal is qaroofeen: “Mooyi waanadaydaa wax ku qaadanaysee, mooyi talada waafiya weydaar doontee, Mooyi waayaha is doorshaa nooga kiin wax sheegaa, in xusbinimada daw tahay, abnimada ka door roon, sharci iyo distuur tahay, doorasho iyo xalaal tahay, aragti iyo adeeg tahay, ergisiyo ammaah lahayn, kaltan loogu tala gelin iyo beelo wacad dhigta iyo waa markoodii iyo markeenii, waa weli asteeyee, Muuse Biixi weydii..

Qurbaawi: Warka badan dhaafoo ma codaysay adigu?

WLC: Maya. Codkaygii ayaa hangool noqday. Labadiisii faraar, waa Marwo Faadumo Siciid iyo Cali Guraye, waxay ku yaaliin UCID, Gantadiisiina waxay ku taal ururka UMMADDA, ushii dheeraydna waa ta gudban Xudur ilaa Saylac ee Xaqsoor ku taal.

Qurbaawi: Maashaa Allaa tabaaraka lahaa intaasi waa intaan aniga iyo beesha caalamku kasi weyne, ee waagii beryaba xinjiraha loo daadsho. Waa Ilaahay Mahdii mar haddii la iswaafajiy ey golayaashii kala gaarka ahaa ee la isku dheelitiray oo la mideeyey golihii guurtida, golihii wakiilada iyo golihii fulinta. Waa Ilaahay mahadii mar haddii qiil loo helay , oo weliba Somaliland u heshay, oo weliba M/weynaha maanta joogaa ku ammaan mudan doono, midaynta lamana yaashii kala caagan ee aan isgeyin ee mid ba, midka kala lidka ku yahay, sida cudurka iyo caaf imaadka, caydhiinka iyio bisaylka, colaada iyo nabada, daacada iyo daalimka, aqoonta iyo jah liga, jacaylka iyo nacaybka, xaaraanta iyo xalaasha, dherega iyo gaajada, runta iyo beenta, riyada iyo dhabta, ribada iyo ribixa, dimoqraadiyada iyo shareecada Islaamka.

Qiilkan iyo qaaciduud ku fadhiyo ee loo bogay ee lagu faani karo waa in beesha caalamka lagu fidiyo oo wasiiradu tabliiq u baxaan, amma mushruuc ka dhigaan lagu qadhaabto, oo qadar la cag ah lagaga helo beesha caalamka.

Waraysigii faahfaahsan ( La soco).

 

 

By: Hamud Duale