Todobaadka iyo Soomaaliland "Burco way nasatey!"

 


Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Waar heedhe ---- oo beryahan xaggeebaad ka dhacday?
Geeddi: Xaggaa iyo sawtii aan Burco tegey
Guuleed: Dee haddaa warka nasii!
Geeddi: Horta roobyaraani way jirtay, maalintii dhoweyd ee Rooble ku dhowaaqay roobdoonta waa lagu farxay
Guuleed: Oo Rooblahaasi waa kee ma Axmed Yuusuf Yaasiin baa?
Geeddi: Waar horta miyaanaad dalkaba joogin, waa marka aan kula yaabi jiray. Ma waxaanaad garanayn Axmed Maxamed Maxamuud (Rooble)

Guuleed: Oo magacaasi miyaanuu ahayn kii Siilaanyo
Geeddi: Waar Burco loogama yaqaan Siilaanyo, ee Rooblaa loo yaqaan---reer Hargeysaana u bixiyey, ee adigu ma reer Sheekh baad ahayd, halkaasaa loogu bixiyey Siilaanyo isagoo yar oo 14 jir ah.

Guuleed: Waar asaraarkan innaga daa oo ii warran
Geeddi: Laguu warran. Dadkii hawlahooda ayey ku kala foofeen, qof kastaaba dantiisuu heegan u yahay. Siyaasaddii wareersanayd ee Ina Rayaale waa laga nastay, isku dirkii Beelaha Burco waa la nastay, labadii taliye ciidan waa laga nastay, hebel soo qabta dawladda ayuu ka soo horjeedaaye waa laga nastay....waa laga nastay....waa laga nastay.

Guuleed: Halkaa bal ii joog. Burco hadday nasatay, dee Hargeysi weli may nasan ee ma waxaad leedahay Odaygu xaggaas ayuunbuu xoogga saaray?
Geeddi: Waar sidaa kumaan odhan ee sawtan Hargeysaba la nastay. Baarlamaankii aynu hortaagnayn waa laga nastay, xabbadii boolisku dadka la dhacayey waa laga nastay, Biriijkii waa la dhisay, khasnaddii dawladdu daafaha ayey jebisay....dawladdii Ina Rayaalena dayn baa loogu tegay... waxa aynu u joogi doonnaa shan sannadood ka dib marka uu wareejinayo madaxweyne Axmed (Rooble) xukunka---tolow immisa Milyan oo doolar ayuu wareejin doonaa mise waaba balaayiin Doollar!

Guuleed: KKKKKKK oo waxaan ku weydiiyey Axmed Siilaanyo miyuu oggolyahay in uu ka dego xilka marka uu dhammaysto, u malayn maayo.
Geeddi: Fardo laysugu joogo maxaa laysaga faanin.....arki doonne. Axmed Rooble maaha nin xil isku dhejinaya , waa la doortay marka uu dhammaystana waa uu ka degayaa, taa muran kama taagna

Guuleed: Waar war mahayside oo kursigan marka la koro ayuun buu macaanaadaa, oo nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane, ragga wasiirada ahoow dhaqasho waa kursigaa sare.
Geeddi: Iyadoo dagaal lagu jiro, iyadoo xaaladdeenu taagantahay tii ugu xumayd baa la yidhi ka deg guddoomiyenimadii SNM, markaasuu yidhi Qabuul iyo guddoon. Ma maanta oo uu joogo xaaladdii ugu wanaagsanayd, oo nabad iyo caano la joogo ayuu dalkiisa gelinayaa buuq--dee waa Maya.

Guuleed: Waar dee berigaa muu ahayn madaxweyne ee waxa uu ahaa guddoomiye jabhadeed dagaal mooyee aan macaan kaleba oollin. Kursigani waa uu ka duwanyahay oo waakii ka kici kari waayey Daahir Rayaale oo ahaa nin deggen, talo wadaag leh baynu arkaynay sidii uu uga kici kari waayey.
Geeddi: Keebaa talo wadaag lahaa. Daahir Rayaale waa ninkii dhammayn kari waayey dhibaatadii Ceelberdaale, oo halkii uu gaadhsiiyey aad ogayd. Axmed Rooble sida uu ku dhammeeyey sow lama socotid.

Guuleed: Gabaygii Siilaanyo tiriyey ma maqashay?
Geeddi: Ma gabay booshaaqan yarka reer Hawd la lahaa waa uu tiriyey baa?
Guuleed: Wallee waa gabay caqiibo leh, sawir dhab ah ayuu ka bixinayaa Axmed Yare, waxaase aanu ka sugaynaa gabaygii kaa xigay. Dee waatanoo reer Gabiiley waxa ay noqdeen Mucaarad, reer Oodweynena muxaafad---dadkii waxa ay garan la'yihiin halka salaaddu ka xidhmi la'dahay.

Geeddi: Kuma ba fahmin, waar mucaarad iyo muxaafad ba maanta dadku waa wada muxaafad, aan ka ahayn xisbiga UCID. Xisbigaasna la ogaayoo (Górayo haad noqon wayday) bilaw ilaa dhammaad waa Faysal Cali Waraabe.

Guuleed: Ma xisbiga caddaalada, Faysal waa halgamaa u soo halgamay dalkiisa, waa nin aan la gabban dareenkiisa, waa nin aan ku meeraysan reer hebel iyo reer hebel, waa nin Somaliland halka uu kaga jiro la wada ogyahay.

Geeddi: Car xisbigaasi ha sii jiro, haddii uu oggolaanwaayo saaxiibadii oo uu bannayn waayo xilka.

Guuleed: Waar Salaaddii Duhur baa la addimaye, waa inoo berri. War badan baan kuu hayaaye. Dee warkii Burco imaad siin

Geeddi: Waa inoo Berri. Haddii Eebe idmo.


Nabad iyo Caano
TU_San TU_San !

 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Sweden