Todobaadka iyo Weriyaha Laanta Curdinka," Doqon baa halawsanoo, weligeed habawsane, sidii xoolihii xero la idin ku hooyaa."


 

 



Wariyaha Laanta Curdinka ee idaacada Maqalka iyo muuqaalka ee Garoonka, ayaa la yeesh ay waraysi kooban Wan Galaalan oo Baraar ah, oo ka mid ahaa mashaahidiintii iyo habar d ugaagii geeska Afrika ee lagu ooday xero ku taal Istanbuul todobaadkii la soo dhaafay.

Wanka Galaalini wuxuu hore uga qayb galay habar dugaagi iyo mashaahidiintii xeradii bulsh ada Aadamiga ahi uga oodeen London ee lagu dhibeenaayey, shilintana lagaga gurayey. Waxaa kale oo uu ka qaybgeli doonaa Xero Rooma looga ooday oo lagu tala jiro in lagu ma gaacaabo bal ciddii Masu'uulka ka noqon lahayd bulshada Caalamka ee Aadamaha ee maa muli lahayd Mashaahidiinta iyo habar dugaaga ku nool geeska Afrika. Waa kan waraysigii siduu u dhacay:
 


W.LC: Maxaad kala kulanteen Xeradii Istanbuul?

Wankii: Maca macaa macaa



W.LC: Maxaad guulo ka soo hoyseen?

Wanka: Macaa Macaaa macaaaaa, macaaa, macaaa



W.LC: Waan gartay. Mashaahidiinta iyo Habar dugaaga iyo Haada ma isku xero ayaad ah aydeen?

Wanka: Macamaca, mucuu mucuu, macamcacaa, mucuucmuucuu.
 


W.LC: Waad mahadsan tahay.


Waraysgaa markii ay dhegeysteen daawadayaashu waxay isku dayeen in macnaystaan oo ku tarajumaan af-somali;iyaga oo ku kala qaybtamay.

Dawade 1: Ma Macaacda hore mise macaacda danbe?.

Daawade 2: Midba

Dawade1: Macaada hore waa maqaam heersare ah ayaa la nagu qaabilay. Macaada danba na waa Markii u horeysey in aanu xoolo ka mid noqonay.

Daawade 3: Iska hadloo inna Iigare. Midh maad garan. Waar ma mucuuda hore mise mucuu da danbe?

Daawade 4: Midba.

Daawade 3: Muucuuda hore waa markii u horeysey ee aannu ictiraafnay dadaalka adamuh u ugu jiro dib-heshiisiinta Xayawaanka Geeska Afrika, Muucuuda danbana waa markii labaa d ee meel lanagu wada xereeyey. Markaa in la inna ictiraafo waxaa ka qiimo iyo qaaya wey n in aynu innagu wax ictiraafno oo xeryaha galno.

Daawade 5: Hunuu hunuu hadal ma ah, hinbiriirsina wax arag ma ah midnimada ha la ilaas ho oo dawlada la ictiraafsan ee Somaliya, ha la dabaaldego.

Daawade 6: Hadduun bay ciin daaqday oo mucuu iyo macaa ninba si u macnaystay.

Daawade 7: Kuligiin gudcur baad gudeysaan. Somali oo dhan waa loo talinayaa ma mucuu sheeg amma macaa sheeg.`



Daawade Qiiraysan : "Doqon baa halawsanoo, weligeed habawsane, sidii xoolihii xero la idin ku hooyaa."
 

 

 

 

 

Haamud Duale