Todobaadkan iyo weriyaha Laanta Curdinka

 



Doorashadii, waxay dihatey sedex xusbi oo habro looshloosh ah iyo Xaqsoor oo ah “Political Pressure Group”.


WLC: Intaanan waraysiga faahfaahsan gelin, hadalkii aad lahayd Xaqsoor wuu jirayaa, maxa ad uga danlahayd, ilayn waad ogtahay in uu hadhaye?.

Qurbaawi: Ma hadhin laakiin waxaanu ka mid noqon ururada loo qoondeeyey in murashax M/ weyne yeeshaan. Urur ahaan wuu u jirayaa. Jiritaankiisana waxaa u baahan demoqraa diya da dacay daloosha ee dadweynuhu u hogaansan yahay, madaxda iyo xusbiyada qarank una ku tumanayaan. Xaqsoor waa ururka innaga hiraya sharka Sedexda xusbi qaran iyo qasaara hooda hagoogan.


Qurbaawi: Waayaha.

WLC: Sidaa daraadeed ha u dudin hana u digin. Dimoqraadiyadan lagu soo koobay sedex xus bi qaran ee habro looshlooshka ah, intaa way ka sino balaadhan tahay.

Qurbaawi: Kow!

WLC: Somalidu waxay ku maahmaahdaa wiilkaaga walaal ka lahaw, walaalkaana wiilal ka laha w, taasi oo macnaheedu tahay cidna ha isku wada dhiibin oo ha aaminin ilayn ma ogid wuxuu kaa yeeli doono beri ka maalin eh.


WLC: Demoqraadiyada reer Galbeedkuna, sidoo kale waxay ku salaysan tahay, xusbiyada ku loolama hogaaminta qaranka ee murashaxiinta leh, in laga yeesho ururada loo yaqaan "Polit cal Pressure groups" oo dhigooda ah oo aan loolanka ku jirin laakiin xaqa ku adima oo siyaas ada iyo sharciyada u ololeeya iyo kuwa loo yaqaano “Interest groups”, ee danahooda gaarka u midooba. Marka kuwaa la helo ayaa maamul toosan oo dadka u adeega oo aan adeegsan la helayaa.

WLC: Kow!

Qurbaawi: Ururada u midoobey danahooda gaarka ee Somaliland maanta ka jiraa ma tiro yar a, Hasayeeshee, tusaale ahaan waxaan soo qaadan karnaa ka ugu fadala cad oo ah ururka warfidiyaana oo maalinta mid ka mid ah dawladu xidho gar iyo garadaraba u ololeeya in xoriy adiisa loo soo celiyo. Dhawaaqoodu wuu dheer yahay, waxuunu ku dhacaa meel dheer oo ur urada caalamiga ah ee dhigooda ah ayaa u hiiliya. Waxay saaraaan dawladda culays aanay xamili karin oo ay ku xujoodey, Xubnaha ururka warfidiyeenadu, way ka maarmeen odayaal dhaqameed soo damiinta iyo beel u dooda.

Qurbaawi: Kuwaa laftooda waxaa ka xoog weyn, guulwadayaasha, xildoonka beelo soo kiciya, iyo odayaal dhaqameedka doog dhabanaya, oo danahooga awgoog dawlada culays saara iya dun ka faa'iideysata.

WLC: Waa runtaa kuwaa laftoodu waa xoog, laakiin waxay u halgamayaan danahooda gaarka ah.

Qurbaaw: Waad iga ddhex gashaye, bal ka waran haddii ay jiri lahaayeen “Political Pressure groups”. Miyaanay soo af-jareen alhuumadan xusbi qarameedyadu ummadda badeen. Runtii ma jiraan. Haddii laga tagi waayo, waxaa jira nin iyo meeshii ka dirir, aanan halkan ku soo koo bi karin magacyadooda, oo u ololeeya sidii ay yihiin “Political Pressure Groups”, laakiin dhawa aqoodu meel dhaw ku dhaco, dawladuhuna iska dhega mariyaan. Kuwaas waxaa ka mid ah M axamed Xaashi Cilmi, , Cabdi Yusuf Duale, Maxamed Baashe Xasan, Dr. Gaboose, Sheekh Aad an Siiro iyo qaar kale oo badan. Hasayeeshee maadaama ay nin iyo eefkii tahay looma waayo dacaayado rakhiisa ah iyo qaar la daba gala siduu alla ha u naxariistee carrabka ku dhuftay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).


WLC: Kow!

Qurbaawi: Sidaa daraadeed, si demoqraadiyada loo dheelitiro waa in ururka xaqsoor loo aqo onsado “Political Pressure Group”, isagaa kaalinta banaan buuxin kara. Dawadeenu waa taa, maxayeelay nin kursi u ordayaa oo xusbi qaran hogaaminayaa, sidii uu ku gaadhi lahaa beel uu soo kicinayaa, beena wuu sheegayaa, xaraantuu xalaashanayaa, sharci ma dabaalo. Laaki in haddii uu jiro urur Siyaasadeed aan u tartameen hogaaminta oo sheega in aan dadweynuh gayin beenta gudhan, waa laga maarmi lahaa beel wada mucaarid ah iyo beel wada muxaafid ah oo murankooda lagu adeeg seego, daallinkuna daaro ka jeexdo.

Qurbaawi: Oo waa hawl adage ayaa maal gelinaaya?

WLC: Maadaama ay iyaguba ka mid yihiin tiirarka dimoqraadiyada, deeq bixiyaasha way ku khasban yihiin in ay taageero u fidiyaan, maadaama ay ay barbaarinayaan dimoqraadiyada.

Qurbaawi: Ayaa xubno ka noqon kara?

WLC: Dhammaan inta neceb dirsooca iyo maamul xumada ee qaarkood aan kor ku xusan yih iin. Aqoon yahanka beeluhu deyriyeen amma iyaguba ka ajoodey habkan diga gubka leh.


Qurbaawi: Maanta intaa aynu ku joogno. Waab innoo berito.

 

 

 

Haamud Hassan Duale