TogWajaale way eeday maamulka Riyaale,ee ka
tashada aayihiinna


 

Magaalada Tog-wajaale, waa magaalo taariikh fac weyn oo soo jireena leh , had day noqota xagga xadaaradda,xagga dhaqaalaha ,xagga baayac mushta rka , xag ga nabad ku wada noolaanshaha iyo weliba kaalintii laxaadka lahayd ,ee dadka deg aanku ka soo qaateen , halgankii dib u xoreynta Somaliland , aasaaskii Jabhaddi Afraad iyo wada shaqyntii SNM.


Maanta,Magaalda Tog-Wajaale,waxay ka mid tahay,magaalooyinka ugu dadka badan,uguna weyn dalka Somaliland,waana xarunta labaad ee Baayac  Musht arka , marka laga reebo Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.


Tog-Wajaale, Waa xudinta dhaqaalaha ee xoolaha u kala goosha Somaliland iyo waddanka Ethiopia,waxaana dadka ka ganacsadaa magaaladaasi ku tilaameen , innay Tog-Wajaale tahay, Dubai dii Somaliland.

Haddaba,waxa aan laba  is qabta ahayn, Magaalada Tog-Wajaale, waa magaa lo dhaqaalaheedu sarreeyo iyo waxay ka aradan tahay adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha bani aadamku ku xidhnayd , una baahnayd.Waxaana laga dayrinayaa, inaanay Tog-Wajaale lahayn Biyo nadiif ah ,daryeel caafimaad , nadaafad darro , iyo wixii la mid ah.


Bal haddaba , aan wax ka iftiimiyo,isna dul taago , sababaha keenay in dadka de gaanka ku nooli ka dayriyaan xaaladdooda adag ee maalin walba haysta. Ma ku wo ilaahay keenay baa , mise waxbaa inaga qarsoon.


Bal aan soo bandhigo dulucda qoraalkan, kulana wadaago, xogtan iyo xaqiiqa dan,ka dib markaan xidhiidh badan la sameeyay, una kuur galay arrinkan muru gada leh .Waxaa ii cadaatay,  in xaaladahan aan kor ku xusay, ay xudin u tahay , maamulka hawl gabka ah ee Riyaale , ee danihii dalka iyo dadkaba ku fashilmay , sida Daaniyahana ugu mamay Hantidii umadda , xaaraanta iyo xalaashana aan u kala aabo yeelin , oo adeegsanaya qabbaanada uu u soo magacaabay Magaala da Tog-Wajaale.


Haddaba , arrini waxay u taallaa,dadka u dhashay degaanka iyo dhammaan dadweynaha Somaliland ee ka shaqaysta Magaalada Tog-Wajaale,ee maalin walba xashuurta dhagaha lagu goynayo , meel ay martana aan la ogeyn.


Walaalayaal , anigoo aad uga damqanaya xaaladan aad ku jirtaan, waxaan idiin soo jeedinayaa qodobadan hoos ku qoran,si aad uga baxdaan dhibtan aan ilaahay idinku keenin ee dusha la idinkaaga keenay:


Qodobka 1aad -Abaabula dibad bax nabadeed , oo aad ku muujinaysaan dareen kiina,kuna dalbataan in aydaan kalsooni ku qabin maamulka magaalada , kana tashanaysaan cidda aad u dhiibanaysaan.


Qodobka 2aa -Inaad dhexdiina ka doorataan,maamulkana u dhibataan ,dad ilaa hay ka cabsanaya , xaaraanta iyo xalaashuna u kala soocan tahay,umaddana u damqanaya,aqoon leh, karti leh,umadda talo la wadaaga ,go'aan qaadashana leh.


Qodobka 3aad -Waa in maamulka Riyaale ee musuq maasuqa , maamul xumada ,hanti boobku ragaadiyey, ku war galisaan , in dakhliga ka soo baxa magaalda Tog-Wajaale , boqolkiiab konton, 50 % , lagu shubayo qasnadda umadda ee mag aalada Tog-Wajaale ,mar danbana aan loo qaadayn xaggaa iyo Bangiga Riyaale.


Qodobka 4aad
- Waa in dakhliga idin soo gala , aad ku dabooshaan baahida bulsh adu tabayso ee ay u oomman tahay, sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada , nadaafadda iyo bilicda magaalada ,iwm.


Qodobka 5aad -Waxaad ogaataan , in ilaahay ,subxaanahu wa tacalee, uu u gar gaaro , kuwa iyagu dhex dooda tashada,wax wada qabsada,nabad ku wa da noo laada, ilaahay cabsidiisa badiya ,dulmigana ka fogaada.


Haddii aad xaqiinna ka seexataan,haddii aad ka hadli weydaan,waxaad ogaataan   , in sidii Riyaale uu u curyaamiyey dhaqaalihii magaalada Berbera iyo Dakaddiiba , in goor aan dheerayn , magaalada Tog-Wajaale Albaabada loo laabi , loogana guuri doono ugaadha  iyo qabbaanadiisa hanti boobka uu ugu soo magacaabay magaala da  Tog-Wajaale.


Halna aan idhaahdo , dhammaan maal qabeenada , aqoon yahanka , qurba jooga , suldaanada , caaqilada , wax garadka ,haweenka , odayaasha iyo dhalinyarada ka soo jeeda degaanka : Tog-Wajaale horumarkeeda ha laga wada qayb qaato.


Waxaan ku soo gunaa nadayaa qoraalkan,Tog-Wajaale way eeday maamulka Riyaale,ee ka tashada aayihiinna.


 

 

 

Engineer: Mohamed Ali Muse
Senior Certified Computer Networks
Ottawa , Canada