Waa Doorashee,Doorta Eng. Faysal Cali Waraabe,Waa Ka Dantiina Wadda Diraaca NabadaJecel Oo Lagu Diirsan Doono……..Insha Allaah

 

Marka hore waxaan Idin ku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu caleykum wa raxmatuulahii wa barakaatu, sidoo kale waxaan halkan salaan qaali ah ka salaamaya dadka Somaliland meel  kas ta oo ay ku nool yihiin. Marka labaad waxaan halkan ka salamaaya dhamaan bahweynta Timacade News meel kasta oo ay Joogaan.Salaan kadib, waxaan halkan baaq uga dirayaa ummada reer Som aliland

Hadaba, sida aad wada ogsoon tihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe waa  ho gaanka qudha ee Is-bedel u keenaya umada Somaliland, waxaana cadeyn inoo ah markasta oo uu wadanku xaalad siyaasadeed galo waa hogaamiyaha qudha ee dab-damis ah ee wax-kasta ka  hor eysiya danta Somaliland,waana hogaamiyaha qudha ee marka cadow Ina soo weraro Jawaabta  h ore ka siiya wana ka qudha ee xaqiiqda Iyo runta ka hadla ee Ilaahay mooyane cidna ka baqan.

Waxaan weydiinayaa reer Somalilanoow ma runtaad nacaysaan? mise waad Is Indho tireysaan wa xa shacabka Somaliland ay ubaahan yihiin hogaamiye Geesi ah oo wadaninimadu ku dheehan tahay oo dhibaatada dan-yarta ka dam-qada.

Waxaynu la wada soconaa in Xisbiga KULMIYE maanta waxa ka soo buux-samey hufadii ka soo qul-qushay UDUB oo Sagaal sanadood Idinku daawaneysay gaajo, dawo la’aan, wax-qabad la,aan  hor umar la,aan. Su’aasha is-weydiinta leh waxa weeyaan Sagaalka sanno wuxuu qaban-waayey ma maanta ayey leeyihiin KULMIYE-yaanu ku biirnoo oo wax ayeynu qabanaynaa, waxaaan ka  Xumah ay sida ay dadkaasi ugu nool-yihiin ‘Beerka Jecli xaydha Jecli”.

Shacabka Somaliland uma bahna Sidan oo kale ah waxay u baahan yihiin horumar iyo Is-bedal ay aduunka kula Tartamaan , taana waxa idiin haya Ilaahay ka sakow Xisbiga Cadaalada Iyo  Daryee lka ee UCID, waa daruur u curatay Somaliland, waxaa ayaan-daro noqonaysa haday reer  Somalila nd ka faa’idaysan waayaan daruurtaa maanta inoo Curatay.!

Walaalahay reer Somaliland waxaan idiin sheegayaa Inaad ogaataan Inuu codkaagu maanta iyo mar walba ka quwad weyn yahay rasaasta ama xabadda, ‘codkaagu yaanu ka khasaarin meel aad Is qoma meyso yaanu marin. Hadaba haddii aad tahay qof muwaadin Somaliland ah warqadan si fiican u akhriso. miyeydaan ubaahneyn wajiyo cusub oo horumar iyo dadaal iyo Adduunka oo aad la tartantaan Inta Ia idin hiigsada ood hoobanta wadankiina gurataan, Hadaba Intaba waxa Idiin balan-daadaya Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID, taasna waxa kaaga markhaati ah sida ku cad barnaamijkiisa Siyaasadeed iyo hogaanimadiisaba. Muwaadin  Codk aaga ha khasaarin codkaaga ee meesha saxda ah la mar.



U codee UCID Iyadaacuryaankiyo daweyn ka Waalane

U Codee
UCID Iyadaa hooyada dan-yarta ah Iyo agoontay hayso hore u marine

U codee
UCID Iyadaa digtoorkiyo dayaarkaba Aduunka la hiigsane

U codee
UCID Iyadaa caaqilkiyo caalimkaba daadahayne

U codee
UCID Iyadaa dheemanka Wadankeeniyo dahabkaba Inoo Guriye

U codee
UCID waynu ku nasanoo waa la Inoo daawasho Imanee

U Codee
UCID Iyadaa ciil tiri dhalinteena badda Iyo libaaxu kala qaybsadeene

U Codee
UCID caalamkaynu hiigsanoo markaynu Inteenu wadda Shaqeynoo dadweynaha dunida ku nool ee shaqada la’aa ayaa Inoo Imanoo

UCID-baa horseed noqon taariikhdana waala innagga sheekayne

Hayna ciilinee Indhi-hiina fura oo saxa Iyo qaladka kala saara

U Code waa shimbirkuu Eebe Inoo soo diray yaanu Ina garab marine reer Somaliland-noow toosa oo hurdada ka kaca codkiina ha khasaarinina waa Iga dar-daarane



Waxaan kula dar-daarmayaa Shacabka reer somaliland Inay noqdaan shacab feejigan wakhtiga doorashada, waayo Soomaliland cadaw badan ayey leedahay waxa laga yaaba In lays yidhaa ka faa’iideysta oo Iyaguna Is moodan sadexda Xisbi Inay dhibka wadaan ta kale Aduunka oodhan waa la innaga daawanayaa, sida wanaagsan ee kala dam-beynta leh ee qiimaha badan. Waxa la inooga baahan-yahay kol-ba kii hela sadexda Musharax in loo wada farxo oo lagu Ixtiraamo waliba loogu hambalyeeyo. Ugu dambeyn waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland Guul Guul Guuleysta Insha Allaah



Wa Bilaahi Tow-Fiiq.

 

 


 

Abni Maxamed Cali
London/UK
kasandara2@hotmail.com