U codee Dr Charles Tannock MEP doora shoo yinka barlamanka Europe ee 4-ta June 2009

Bisha June 4-teeda oo ah Khamiista soo socota waxa guud ahaan dalka In giriiska (UK) ka dhacaya doorashooyinka barlamanka Midawga Europe (EU) ee fadhigiisu yahay magaalada Strasbourg ee ku taala waaqooyi bari ee dalka Fransiiska (France).

Barlamanka Europe waa hay-yad sharci dajineed sida barlamaanada aduunka kale-ba. Haddii aynu dib u yara jaleecno taariikhda barlamanka Europe, wuxu ka bilaabmay shir ay iskugu yimaadeen 19-kii March 1958 ergooyin dhan 142 oo ka socday 6-dal oo Europe ah (France, Italy, West Germany, Luxembourg, Belgium iyo Netherlands) ka dib markii ay aas-aaseen 1957-kii ururkii la odhan jiray EEC (European Economic Community). Ururkaas EEC wuxu noqday EU oo axdiga lagu magcaabo Maastricht Treaty ee 1992-kii ayeey wadamadii xubinta ka ahaayeen ku go’aamiyeen inay la baxaan Midawga Europe (European Union).

Sida guud ahaan-ba hay-hayadaha amma laamaha uu ka kooban yahay Midawga Europe (EU), barlamanka Europe waa hay-yad marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaysa oo ariimo badan go’aankeeda yeelanaysa.

Ka sakow sharci dajinta iyo go’aaminta arimaha khuseeya gaadiidka, ganacsiga, sugida kharashka Midawga Europe iyo mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan dunida soo koraysa, waxa kaloo barlamanku yahay gole looga olaleeyo in EU-du yeelato siyaasad arrimaha dibada ah (foreign policy) oo midaysan.

Hadaba waxa muhiim ah in Somaliland barlamanka Europe ku yeelato saaxibo qadiyadeeda shaaciya oo difaaca madaama Talyaanigu (Italy) yahay kuwa ilaa imika EU-du wax ka waydiiso arimaha geeska Africa, danahoodana ka fushada.

Sidaa daraadeed waxaan dhammaan Euro-Somalilanders ugu baaqaya innay waajibaadkooda dimuqradiga ah uga faa’ideeyaan Somaliland oo ay u codeeyaan cidda golaha barlamanka EU-da qadiyada Somaliland gaadhsiinaysa kana difaacaysa.

Waxaan si gaar ah ugu baaqaya Somalilanders-ka dagan magaalada London innay u codeeyaan mudanaha hada ku jira barlamankaa EU-da ee la yidhahdo Dr Charles Tannock oo London tahay halkuu matalo.

Dr Charles Tannock oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee barlamanka Europe, wuxu bishii January 14-keedii dood barlamanka Europe ka yeeshay xaalada geeska Africa ka yidhi: “waxa lasoo gaadhay wakhtigii si dhab ah loo eegi lahaa madaxbanaanida Somaliland, the time has come to consider more seriously Somaliland’s quest for independence.” Sidoo kalee bishii May 3-deedii qoraal uu u diray wargayska Financial Times ayuu kaga hadlay xasiloonida ka jirta Somaliland iyo siday budhcad badeeda Somalia ka jirta Somaliland uga jirin, adunkana kaga dalbaday in Somaliland la taageero si xasilooni geeska Africa u hello.

Waxa kaloo Dr Charles Tannock, isagoo ka hadlaya xuskii sanadguuraha 18-naad ee Somaliland ee urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community qabanqaabiyay yidhi: “Waxaan balan qaadayaa inaan qadiyada Somaliland taageeradeeda sii wado oo barlamanka Europe iyo dalkan UK-ba aan uga olaleeyo”.

Hadaba waxaan mar labaad Somalilanders-ka reer London ka codsanayaa innay June 4-teeda si laxaad leh ugu dareeraan goobaha cod bixinta oo ay codkooda u siiyaan Dr Charles Tannock oo ah nin si cad oo gabasho lahayn u taageeray Somaliland. London oo dhan waa looga codayn karaa oo guud ahaan borough-yada ay London ka kooban tahay waxay ka mid yihiin meelaha uu matalo (constituency).

Somalilanders-ka UK inteeda kale dagan iyo kuwa kalee Europe inteeda kale dagan-ba waxaan ku baraarujinayaa innay codkooda qiimeeyaan oo ay xildhibaanadooda ku wargaliyaan qadiyada Somaliland una codeeyaan kuwa u jajaban ee hore u fahma.

Waxaan leeyahay waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aynu noqon lahayn jaaliyad (community) jirta oo muuqata oo siyaasiyiintu hunguriyeeyaan codkooda si aynu dar-dar u galin karno aqoonsiga iyo guud ahaan horumarka dalkeena iyo dadkeena.


Wa bilaahi tawfiiq.

Somaliland ha waarto oo ha horumarto, aamiin

 


Iid Xasan Aw Muuse

London