U Dulqaadan Mayno In Dalkan Si Guracan Loogu Taliyo

 

"U Dulqaadan Mayno In Dalkan Si Guracan Loogu Taliyo, Khilaafka Doora sh adana Waa In Wada Tashi Qaran Laga YeeshoSheekh Maxamed Sh. Ibraahim Sh, Yuusuf Sh. Madar

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Sheekhal Baladka Caasimada Sh. Maxamed Sh, Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar (Farxiye) ayaa ugu  baaq ay ummada reer Somaliland inay wada tashi ka yeeshaan xaalada  cakir an ee uu dalku ku jiro, isagoo Xukuumada goleyaasha Baarlamaanka iyo komishanka Doorashooyinkana ugu baaqay in wada tashi laga yeesho muranka ba’an ee ka dhashay go’aankii ay komishanka doorashooyinku ku laaleen Diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay in  komis hanka doorashooyinku ay ku degdegeen go’aankooda, waxaanu uga digay Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka khilaafaadyada  siyaasad eed ee dhexdooda kasoo noqnoqonaya.

Sheekhal baladka caasimada ee Hargeysa sheikh Maxamed Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf waxa uu sidaasi ku sheegay xog waraysi khaasa oo  wargey ska Haatuf uu shalay kula yeeshay caasimada kaas oo uu sidoo kale  ka ga Hadley arrimo ku saabsan shaqaaqada ceelbardaale go’aanadii  gol aha Guurtida habdhaqanka maamul ee Xukuumadda, Komishanka  doora shooyinka iyo arimo kale oo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan xaalada guud ee Somaliland, isagoo ugu horayn sheekhu ka hadlaya  ma rxalada lagu jiro waxa u yidhi “ runtii xaalada dalku marayo waxaa ka  m uuqda sawir war warkiisa leh, baryahan dambana dalku dib usii  gurana yo geedi socodkiisu waxaana loo baahan yahay in dalkan si xilkasnimo ah maamulkiisa hogaaminta loo waddo, marxalado badan oo mid kastaa waayihiisa lahaa ayaa dalka soo maray, mid kastana waxaa lagaga  gud bayey wada tashi iyo isqancin kifaaxi halkanka ahaa ee loo soo galay  w adankan ma qabo in laga dhigo tacab khasaare iyo wax lagu jees jeeso anaguna u dul qaadan mayno dalkan dhiiga loo soo huray ee nafaha  ba dani ku baxeen in lagu ciyaaro, wax la maqbali karana maaha in dalkan sida kubada loogu ciyaaro, shacbiga Somaliland wax aanu ugu  baaqa ynaa inay wada tashi iskaga yimaadaan mustaqbalka dalkooda,  siyaa siyiinta waxaan kula talinayaa inay ummada iyo dalka ka daayaan  mura nka iyo khilaafaadka, Somaliland gooni isku taageedu cadow badan  ayu u leeyahay oo sugaaya jaanis uu ka helo dalka guddihiisa, waxaynu  og nahay xaaladaha nabadgalyo daro iyo colaadeed ee ka taagan  deega anka ceelbardaale oo ah mid aan loo fadhiyin in bulshada Somaliland  dh exdeeda dhiig iskaga daato, dadweynuhu waa inay ka fiirsadaan .

Doorashada inagu soo fooleh cida ay codkooda ku dooranayaan ee ay masiirkooda mustaqbal ku aaminayaan, waxa loo baahan yahay in  shic ibku ay shuruudo isku raacaan mawqif kaliya oo suuragal ka dhigi kara in doorashada lagu galo iyo hadba ka la qaadanayo in labada  aragtiy ood ee laysku hayo anaguna markaasi waanu taageeraynaa wixii aad iskula go’aamisaan wada hadalkiina, ummadana waxaanu uga digaynaa inay ku dhexmilmaan loolanka xisbiyada siyaasadeed waxaanna ugu baaqaynaa in dadweynuhu mustaqbalka dalkooda iyo marxalada lagu jiro ay wada tashi ka yeeshaan, Somaliland waxa taladeeda wada oo ka taliye alle (SWT))

S: sideed u aragtaa go’aanka uu komishanku ku laaleen Diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee ay ku sheegeen in Doorashada madaxtooyada lagu galo bilaa Diiwaangelin?

J: Horta komishanka Doorashooyinku way ku degdegeen go’aankooda oo waxay ahayd marka hore in xisbiyada siyaasada ay ka soo wada tashadaan wixii qabyo ah ee jira iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo doorashada.

S:Wakiilkii hay’da interpeace ee Mr:Samora ee xaga farsamada Diiwaangelinta kala shaqaynayey komishanka oo xukumadu ka mastaafurisay dalka sideed u aragtaa?

J: eryidaa wakiilkaa Xukuumadu way ku degdegtay mana aha xukuumadu inay degdegto, waxaana haboonayd in mushkilada laga sheegay hay’adaasi guddi baadhisa loo saaro

S: Shaqaaqada colaadeed ee ka dhalatay fulin la’aanta go’aanki guurtidu kasoo saartay Ceelbardaale iyo dhacdadii dilka ahayd ee ka dhacday jidka u dhexeeya kala baydh iyo Dila sideed u aragtaa?

J:dilkaasi dhacay jidkaasi waxa uu ahaa arin fool xun oo murugo leh, eh ehlkii ay ka geriyoodeen afarta marxuum lagu dilay jidkaasina waanu ka tacsiyadaynaynaa, labadii beelood ee walaalaha ahna waxaa danu ugu baaqaynaa in dhiiga daadanay iyo colaada ay joojiyaan, xukuumaduna wixi go’aano ah ee lagys ku raaco waa ina y fuliso, mushkilada ka  dhex taagan dadka walaalaha ahna waa inay si xilkasnimo ah ugu hawlgasho xalinteeda, ergada nabadaynta ah ee ku dhexjirta arintaasina waa inay si cadaalada ugu garnaqaan ummada walaalaha ah.
 


Source:Haatuf