UCID oo u Metalay Somaliland Shirweyne ka Dhacay Dalka Mexico ee Koonfurta Ameerika

 



Xisbigiga UCID oo ku baaqay in xukumaadu dejiso qorshe siyaasadda khaarajiga lagaga wada qayb galo si Somaliland looga saaro go’doonka


Mexico city (TNN):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo xubno kale oo xisbigiisa ka tirsan oo metelayey qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaga qaybgalay dalka Mexico ee woqooyiga qaaradda Ameerika shirweyne caalami ah.

Shirka Mexico ka qabsoomay oo la soo gunaanaday Salaasadii shalay, waxa isugu tagay xis biyada shaqaalaha iyo hanta-goosadka ee caalamka oo xisbiga UCID xubin ka yahay, iyado o shirkaasna ay ka qaybgaleen weftiyo ka kala socday ilaa 79 waddan.

Qoraal ka soo baxay xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in guddoome Faysal Cali-waraabe iyo weftigiisu kala qaybgaleen ergooyinka shirkaas doodu ku salaysan xallinta dhibaatooyinka hortaagan dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka sharciga iyo nidaamka, iyagoo masuuliyiinta UC ID u bandhigay ergooyinka shirka ka qaybgalay doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha UCID iyo xubnaha la socday, ayaa wufuudda ka qaybgalay shirkaas ka cods aday inay goob-joogayaal u soo diraan doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhaca an badhtamaha sannadka 2015, iyagoo sidoo kale ergooyinka u sharraxay siyaasadda UC ID iyo qaabka ay u ilaaliyaan danaha muwaaddiniinta .

Xisbiga UCID, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa ee madaxweyne Siilaanyo inay dhaqangeliso, lana dardargeliyo hannaan suurtogeliya in la sameeyo sidii looga wada qayb qaadan lahaa siyaasadda arrimaha dibadda si dalka looga saaro go’doonka uu xilligan ku jiro, maadaama waddamada jaarku xidheen xadkooda.

Masuuliyiinta xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ergooyinka shirka Mexico u faahfaahiyey hanna anka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland iyo sida dastuurka u dammaanad qaaday gan acsiga xorta ah iyo isku darka dhaqaalaha, arrintaasoo ay ku sifeeyeen mid dalka u horseedi karta horumar iyo barwaaqo.

Sida qoraalka UCID lagu sheegay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa ergada shirka u iftiimiyey caqabadaha Somaliland ka haysta inay fagaarayaasha caalamka ka muuqato iyo qaabka ergada shirka joogay uga caawin karaan inay dunida ka hesho aqoonsiga ay sharci ahaan xaqa u leedahay, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha dawladnimo iyo xeerarka caalamiga ah ee u horseedi kara inay aqoonsi ka helaan adduunka.
 


Source:Jamhuriya