UDUB muxu galabsaday ee looga aargoosanaya tolow?


 

Waxa saxaafadda iyo webabka ama mareegaha kusoo badanaya ciwaano loo adeegsanayo er yo aan runtii munaasib ku aheyn maqaalada la aakhrisanayo,waxa jira maqaalo  ciwaank oodu yahay sidan oo an dhawr goor webabka ka aakhristey DAWLADAN cusubi  AARGO'OO SI BEY  W ADA iwm, runtii ashkhaasta ama dadka adeegsanaysa ciwaankaasi waxay  cade ynayaan in ey dawladii UDUB dunuub badan gashay oo laga aargo'oosi karo maadaama ay kalmadan aargoosi maqaalkooda ciwaan uga dhigeen.

waxad kaloo mooda haba yaraatee in aney fahmeyn macnaha ay leedahay kalmadan  aarg oosi iyo goorta la isticmaalo, haddan dib ugu yara noqdo kalmadi aargoosi waxay ka  turjum eysa  colaad iyo ficil hore u dhacay oo laga dabo tago gudashadiisi oo loo geystey cidii  fuli say falkii hore oo jaanis loo helay mar danbe. Waxan haddaba leeyahay qoraaga  isticmaal ayoow ciwaanka noocasihi wuxu abuurayaa fidmo iyo kala fogeyn bulshada dhexdeeda e ka fiirso macnaha Aargoosi wuu xanbaarsan yahay, islamarkan ogoo inaad madaxdii hore ee UDUB ad danbi ku markhaati fureysan,runtii waxa aargoosiga lagu sameyaz cidii danbi hore gashay sida dilka ama ficil xun.

Waxan haddaba dhawr jeer isweydiyay waa maxay waxa keenay in la isticmaalo kalmadan an ku wanaagsaney bulshadu in ay maqasho ama aakhrisataan ee ciwaanka looga soo  dhig ayaa, ila hadda ma garan waxa looga aargoosanayo xisbigii UDUB ee u geystay intii u talada dalka gacanta ku hayay, waxase nasiib daro ah wixi talaabo ay qaado dawladan cusub ee hormar ahba la yidhaahdo waxay ku hawlan yihiin aargoosi taasin maha mid laga yeelayo reer UDUB, maaha in dawlada cusub lagu beer laxawsado Udub baa la ugaadhsanayaa oo laga aargoosanaya cidii dalka danbe ka gasha waa talaabo in laga qaada oo dawlado amiga iyo kala danbeynta soo celisa waa wixi loo igmaday.

Runtii waxa waajib ah in amniga la sugo madaxdii hore ee UDUB, waxa iyan mudan in sida  u gu dhakhsaha badan laga jawaaba dhacdadii dilka aheyd e ka dhacday guriga wasiirkii hore e maaliyada mudane Xussein Cali Ducale, waxa nasiib daro inuu jananka bolisku yidhaahdo waa isku reer ninka waxa dilay iyo wasiirku, waa waajib in sida ugu dhakhso ah badan  jaw aab waafiya la siiya xussein Ali Ducale sida ay hawsho u socoto iyo halka ay mareyso  baad  goobka gacan ku dhiiglihii iyo kuwi la socday.

Ila hadda dawladan cusubi waxay talada heysay laba bilood iyo dhawr cisho lama joogo  w aqti miisanka la saaro oo la yidhaahdo waxase qabatey iyo waxase dhiman waxa loo  baaha n yahay in la siiyo waqti lagu qiimeyn karo waxqabadkooda, maaha in talaabadey qaadan ba la carqaladeyo oo la yidhaahdo aargoosi bey wadaan, waxan leeyahay kaadi badan waa loo gogol badiyaye u sii daaya hogaanka dawlada lagu soo dabrayo, waxad maqlaysa  dadb adan oo leh maxa cashuurta loo guraya iwm, waxad arkeysa dad dhaleeceyna wasaarado an wali hawlahoodii ba dhaqaajin oo an soo ba fadhisan xafiiseydii, waxaynu hadda ku jiran xili kala guur oo waxwalba dhici karazn ee ha loo yeesho samir iyo dulqaad, haddii la waayo samir iyo dulqaada oo la kala danbeyn waayo dawlada cusubna la garab gali waay\+21 waxad ogaatan in eynu cidwalba u jabi doono, maaha kuwa jabayaa maamulka cusub uun waa dhamaan qaranka soomaliland oo dhan ba runtii xaladu adagi la soo darsi doonan,  wa xan leeyahay dhamaan shacabka soomaliland muxaafid iyo mucaaridba meel ha looga soo wada jeedo nabadgalyada iyo hormorka oo eyaan lagu haleyn maamulka cusub oo kaliya.

Waxan haddaba leeyahay dawlada cusubi in ay ku aargoosato sidan waa in ay la timaado  waxqada iyo hormar, waa in ay u dhego nuglaato shacabka iyo waxgaradka talooyinka  wa naagsan oo ay dhegaha u furto, maaha dawlada cusub iney ku aargoosato xadhig iyo  bahd alad, maaha dawlda cusub in ay ugaadhsato madaxdii hore ee UDUB maaha dawlad cusubi in ay ku aargoosato awooda dawladnimo ee shacabku codeyeen.

Waxan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan in ay dawlada ku aargoosan karto uun  horm ar iyo dimqradeyda iyo cadaalad ey la timaado.


Waa bilaahi tawfiq

 

 

 

Omar Darood Hassan
darood2@hotmail.com
Norway