udubeey
haku aakhiro seegin doorashadan ee niyada gali inaad hadhay
Abwaan:Siciid Cabdhi Dheen
Waxaan kalsooni wayn ka qabaa kooxda komishanka oo runtii lagu
tilmaami karo inay yihiin rag hawlkara kana soo baxay xilkoodii
Waxay ka mutaysteen shacabka somal and in shahaadad sharaf
lagudoonsiiyo loona mahadnaqo sida wayn ee ay xilkooda u guteen
Yaan la degdegin oo aan laga hordhicin inta natiijada ay inoo soo
bandhigayaaan ,iyo go.aanka kama danbaysta ah waxay soomaalidu ku
maahmaahdaa [HADII DEGDEGSII YO DOOR DHALO KAADSIIYANA KIISH LACAGUU
DHALAA]
Waa ayaamo yar oon ka badnayn afar cisho inta la helaayo xaqiiqda
kama danbaysta ah.
Inkastoo aynu maqlayno in xisbiga udub u tafo xaytay siduu qas uga
abuuri lahaa goobaha sanaaduuqdu yaalaan Walibana uu la dul taagan
yahay gawaadhi lacagi ka buuxdo Hadana nimanka la loodin kari waayay
waa masuuliyiinta komishanka iyo dham aan shaqaalaha loo xilsaaray
hawsha doorashada
SHalay dhinaca boorame si badheedha ayaa taageerayaasha udub iyo
masuuliyiinto oda oo horkacaya iskana horaysiiyay dumar iyo caruur
ay si xoog ku weerareen goo bo ka mida meelihii lagu
tirinaayay sanaaduuqda Taasina maaaha mid sharaf u keeni karta
xisbiga udub Waxay run ahaan qaribayaan sharafta umada reer awdal oo
loo
tirinaayo in madaxwaynuhu ka soo jeedo WAX BADSO WAX BEELBAY
LEEDAHAY inta udub isleedahay wax soo korodhso waxa maalin kasta
hoos u sii dhaca sumacdooda ay ku leeyihiin dalka gudihiisa
Doorashadan maanta dhacday laba xisbi ay ka dhaxaysaa waana labada
xisbi ee muc aaradka ucid iyo kulmiye.Kii soo baxana shacbiga
waa la shaqaynayaa waayo way ist aahilaan in lala shaqeeyo,
waayo inay wax qabtaan ayay raaan Xisbiga talad haya ee udub mar
hore ayuu asagu ka hadhay doorashada SHacbiga reer soomaaliland wax
sumcad oo maanta udub ay ku leedahay ma jirto Udub ama gawaadhi
lacaga ha bixiso ama malaayiin lacaga ha faraqdo waa habeen xalay
tagay xil danbe oo udub iyo hoga amiyaheedu ka qabanayo dalka
somaliland
GABAGABDII
Maanta awood aad isticmaali kartaan iyo xooog aad dad ku muquunin
kartaan ma jiro , samirkiina waa ka dhamaaday umada somaliland
ninkastaba irbada ayaa gaadhaysa , nin kastaba xanaaq iyo cadho ayuu
cirka maraya
Dalkan rag idinka awood badan
ayaa waqti yar awood lagaga muquuniyay oo maalin cad jilibka loo
aastay Hadaa moodaysaan in shacbigu baqanaayo walaal ma
baqana ayo ee dadkayagii baad tihiin iyo umadayadii waxaana inaga
dhaxeeya calan iyo ciide ena somaliland , markaa WAA LAYDIIN
TUDHAYAA.BILMACNA KALIMA ----- WAA LAY DIIN TUDHAYAA waa
hadaad fahmayso afsoomaaliga HA KU AAAKHIRO SEEGINA UDU BEEY
DOORASHADAN MAANTA FARAHANA HA LAGALINA DAB AYDAAN BAKHTIIN
KARIN.[alaahu maa balaqtu]
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK |
|