Ujeedada Kelitalisnimada Riyaale Waa Qaran-dumisnimo

 


Waxaa la yidhi nin ka mid ah col duulaya ayaa abaanduulihii ciidanka wey diiyay meesha loo socdo. Abaanduulihii intuu yaabay ayuu ugu jawaabay, “Meesha loo socdo nin ragi waa ogyahay doqonna loo sheegimaayo.” Marka la eego xidhiidhka dhibaatooyinka dalka ka dhacaya waxaa qof kasta oo caqli caafimaad qaba leh u cad in ujeedada ka dambaysa kelitalisnimada iyo doorasho la dagaalanka Madaxweyne Daahir Riyaale ay tahay horjoogsiga aqoonsiga iyo burburinta qaranimada Somaliland.

Daahir Riyaale oo isaga oo dembiyo culus lagu eedaynayo la cafiyay daba deedna loo doortay madaxweyne aanu is-taahilin kama aha arrinta doorasho-curyaaminta joogtada ah abaal-ka-dhac iyo xukun-jacayl ee waa shirqool dhagareed oo loo maleegayo Jamhuuriyadda Somaliland si loo mijaxaabiyo madaxbanaanideeda dibna loogu celiyo Somalia.

 Shirqoolkan qaran-dumisnimo oo la aaminsanyahay inay Maamulka Riyaale kula jiraan dawladaha Jabuuti iyo Somalia waxaa jiritaankiisa caddaynaya 4tan arrimood ee hoos ku qoran oo u habaysan una agaasiman qorshe kala horrayn oo intiisa badan la fushay si loo dedejiyo burburka qaranimada J. Somaliland. Arrimahan 4ta ah waxay kala yihiin:

1. Burburinta dhaqaalaha dalka (Deked xidhid, ganacsi cabbudhin iyo hanti boob)

2. La dagaallanka Aqoonsiga (Booqashooyinka dibeddaha oo lagu maleego aqoonsiga)

3. Horjoogsiga doorashada (Markii 3aad oo doorashada la horjoogsado sabab la`aan)


4. Hurin dagaal sokeeye si Somaliland looga mid dhigo Somalia (La isku dayay Burco)

Shaki kuma jiro in 3da arrimood ee hore u hirgaleen Daahir Riyaale haddana uu ku jiro arrinta 4aad, dhacdadii u horraysayna fashilantay dhawaan markii la isku dayay in la iska horkeeno Beelaha Bariga iyo Galbeedka Magaalada Burco. Halkaas waxaa ka cad in kelitalisnimada Daahir Riyaale ku salaysantahay ujeedo qaran-dumisnimo.

Iyada oo awalba ummadda Somaliland ka rajo dhigtay xukunka Daahir Riyaale ayaa waxay ku sii quusatay markii uu dhawaan burburiyay Xisbi Xaakimkii dalka (Udub) kana dhigay xisbigii Siyaad Barre ee la odhanjiray: Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed si ay ugu hirgasho qaran-dumisnimada uu maleegayo. Bal day sidii Siyaad Barre ayuu guulwadayaal iyo dad masaakiin ah ku uruuriyay Hool ku yaal Hoteelka Mansoor ee Hargeysa kuna magacaabay “Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Udub” dabadeedna ka jeediyay khudbad la mid ah khudbadihii macallinkiisa, Siyaad Barre, ee ku dhisnaa munaafaqnimada iyo beenta ka arradan xishoodka iyo damiirka wanaagsan. Shirweyne ku sheegan waxaa loo diiday inay ka qaybgalaan intii damiirka lahayd ee ka dhiidhiday qaran-dumisnimada uu Riyaale u maleegayo dadka iyo dalka.

Haddaba su`aashu waxay tahay: Suurtogal ma tahay mase laga filayaa in qofka arrimahaaas foosha xun ku kacayaa uu dalka ka qabto doorasho xalaal ah? Ma yahay qof dalka iyo dadka rajo ka qaba, daacad u ah amase aqoonsi dani ka hayso? Jawaabaha su`aalahan waa maya. Marnaba yaan la sugin in Daahir Riyaale doorasho xalaal ah dalka ka qabto ama xukunka ka dego si nabadgelyo ah waayo waxaa ka go`an oo u cad burburinta qaranimada Somaliland, sida kor ku cad, haddii ay u suurtogalayso. Waxaa lagu maahmaaha, “War la helaa talo la helaa.” Warku waa cad yahay oo Riyaale doorasho waa horjoogaa xukunkana ma rabo inuu ka dego si uu u burburiyo aqoonsiga iyo qaranimada Somaliland, talana waa inuu Riyaale xukunka dalka ku wareejiya Golayaasha Qaranka ka dib 6da April, 2009. Haddii uu diido waa in la iska badbaadiyaa intaan la gaadhin meel aan laga soo kabankarin.

Waa in la ogaadaa in Ina Riyaale, Cawil, Ina Dhoollayare, Cirro, dhawrka wasiir ee kale iyo xubnaha kooban ee ku jira Golayaasha Qaranka ay halis ku yihiin nolosha iyo mustaqbalka qofkasta, qoyskasta iyo beelkasta ee Somaliland xabaalna u qodayaan aqoonsiga iyo qaranimda J. Somaliland si Somalia loogu cesho. Kooxdan qaranimada Somaliland u burburinaysa Somalia waxay u kala baxaan laba qaybood kuwaas oo kala ah:

Qayb burburintoodu ku salaysantahay nacayb gaar ahaaneed oo raba in Somaliland lagu cesho Somalia iyo qayb burburintoodu ku salaysan tahay ka rajo-dhig inay dalka Somaliland ku noolaadaan mustaqbalka dembiyo ay ka galeen awgeed.

Marnaba kooxdan laguma xeerikaro qabiil ama beel waayo waxay khatar ku yihiin danta guud ee la wada leeyahay sidaas darteedna waa in si wadajir ah la iska wada badbaadiyaa, haddii Riyaale diido inuu xukunka ku wareejiyo si nabadgelyo ah 6da April kadib, iyada oo is-badbaadinta loo adeegsanayo Kacdoon Dadweyne Xidhiidha ah ilaa GUUSHA.
 

 

 


By:Ibrahim Hassan Gagale