Ujeeddo: Sixitaan

 


Bismilaahi

Salaanta Islaamka ee qaaliga ah marka aad guddoontaan kaddib, waxa hadhwanaag ku soo baxay 5tii Sibtambar,2014ka oo Jimce ahayd; maqaal xigasho ah oo ku saabsanaa arrimo la xidhiidha qabriga nabiga ( NNKH ahaatee).
Maqaalkaasi oo cinwaankiisu ahaa: ' Sucuudiga Oo Qorshaynaya Inuu Raro Qabriga Na biga "NNKH".
Arrintaasi ku saabsan Sucuudiga iyo raridda qabriga nabigu, waa arrin doodiisa leh- ha ddii uu jiro- halkanse kaga hadli mayno!

Waxanse aad ula yaabay, nudda ( Paragraph)ka saddexaad ee maqaalkaasi oo sidan u qoran.
xigasho (quote) :

' Qabriga Nabiga NNKH ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka'

Haddii aad u fiirsato, weedhan aynu soo xiganey; waxa ku jirta arrin sharci ahaan iyo c aqiido ahaanba khatarteeda leh oo awalba dadka caamada ah looga digi jirey! Taasi oo ah, in ay dad badan oo muslimiin ahi rumaysan yihiin; sababta Madiina loo tagaa, in ay tahay: siyaarada (booqashada) qabriga rasuulka (NNKH ahaatee).

Haddaba, sida saxda ah ee sunnaha rasuulkeenna (NNKH) ku soo aroortay waa; in saba bta Madiina loo tagaa aanay ahayn booqashada qabriga rasuulka ee ay tahay, salaadd a lagu tukado masaajidka nabigeenna oo ka khayr badan, salaadaha aad ku tukato me el kale oo aan Xaramka Maka ahayn!
Ilaahay ha inna waafajiyo, wixii khayr innoogu jiro ifka iyo aakhiraba. Aamiin...Aamiin
 


C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@Hotmail.com