Ummad-yahay Tiraa Kaa Gedman’e, Wax Isku Geygeyso !
 

 

Haddii aan ku hungoobay ficillo-gelinta farriin aan in badan isku hawlay oo aan ugu yaboohay, Guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Riyaale Kaahin, aan dhanbaal kale u diro cidda cid walba ka mudan. Kuwa Somalil and qarannimadeeda dib u soo ceshaday, dib-u-dhiskeeda iyo  dimuqra addiyadaynteedana dhidibada u taagay. Kuwa nabadgelyada iyagu doortay, xannaanaynteeda iyo qodax-tirkeedana u heellan. Kuwa hoggaamiyuhu hoggaamiye ku yahay, rabitaankooduna mar iyo madal la joogaba muqaddaska yahay. Aan idhaahdo dadweynaha oo la’aantood aan geeddi qarannimo oo tisqaadayaa jiri karin.


Garaadkayga iyo garashadayda, fili maayo in ay cidna ka dahsoon tahay inaan nidaamka maanta jiraa ummadda naseexadeeda wadin, hillinkii rabitaanka ummaddu ku jidaysnaana ka weecday, mana filayo in aan la dhaadsanayn in hebellada tirada yar ee u sacabba-tumaa ay u garbo-duuban yihiin caadifad aan qoto dheerayn iyo dano aan dhumucdoodu sii ridnayn. Ma aha in taariikhdii indhaha fiiq-fiiqnayd ee fal iyo fallaad kasta oo dhacayaa iska eegi jiray god gashay, waxa se hubaal ah in dammiirkii xayndaabka xayada qofka ku hayn jiray bulshada badhkeed ka dhammaaday. Inta aan la hadlayo ee aan maanta u soo biyaystayna waa intaas labeentii jiritaanka uumanuhu ka dhammaaday.


Haddii cidda taladu si uun u magansatay laga sheegay, ama loo arko inuu aaminsanyahay, “Dadkani waa dad caammo ah oo aan waxba kala garanayn, sax iyo khalad sidii aanu ugu talinana way aqbalayaan…Haddii uu Maxamed Siyaad Barre sida aan u bartay u baran lahaa, inta uu nool yahayba wuu haysan lahaa…Ganacsiga (xoolaha & shidaalka), siyaasadda, idaacadaha, I.w.m., waan kootaynayaa, hantida ummaddu wada leedahay waan iibinayaa, musuq-maasuq, caddaalad-darro iyo maamul-xumaba waan qabatimayaa, sharciga iyo dastuurka intaan laalaabo ayaan ku tumanayaa, dimuqraaddiyadda waan soo af-jarayaa oo kor-kordhin tafaariiq ah ayaan ku beddelayaa, denbi kasta oo aan galo se waxaan u hayaa hal aan iskaga difaacayo; waa nabadgelyada ilaaliya!” Ummad-yahay inaad tashataa waa mid kula gudboon.


Qiyamkaaga sugan iyo hal-adayggaagu waa kaad iskaga xoreysay gumeystihii Yurub ka soo baqoolay. Midnimadaada iyo xil-kasnimadaadu waa taad kaga gil-gilatay heeryadii maamul-xumo ee talisyadii caynaanka hayay intii u dhexaysay 1960-1969. Heelladaada iyo hawraarahaaga ficilku ku lammaan yahay waa taad aakhirkii ku hanatay gobonimadaadii soof-daran habawday, kuna kicisay Keli-taliyihii sifaha kufsiga ah ku maroorsaday talada dalka. Waa adiga bulsho-yahay ta leh milgaha iyo maamuuska ma-hadhada maalmihii tegay iyo guuldarrooyinkeeda labadaba. Waa adiga cidda taabba-gelisay in aynu noqonno qaran goonni ka ah, kana geddisan Soomaaliyadii midka ahayd. Adiga oo ay ku horkacayaan barbaarta iyo haweenku ayay ahayd ciddii halgannadaas Taariikhda galay baalka dahab ku lahayd. Malaa aadamuhu guuldarrada ma aqbalo’e, adiga ama badhkaa uun bay ahayd ciddii mushkiladda maanta furdaaminteeda muranku ka joogana mas’uulka ka ahayd. Hadday sidaas tahay, karaamadii iyo sharaftii aad qarniyadii tegay hoysatay maanta yaanay meydhaammin, raggannimadii lagaaga bartayna biyo-col-dhaanshay noqon. Waa suurtogal inaad isleedahay cahdigii aad tamarinaysay dhammaay’e, waxaan leeyahay: Nin la sugayoow, adna yaad sugi! Waa la filan karaa inaad is leedahay xalku waa mid madiyeysan oo aan dagaal hubaysan ka fursanayn, kaasna maanta uma taag haysaan, jidad kale oo loo wareegi karaa se inay jiraan waa inaad yiqiinsataa.


Bulshadu waa qof iyo qofaf isku tegaye, fardi kasta oo mujtamaca ka mid ahi waa inuu ictiqaadaa inuu dareenkiisa si uun uga dhiibto jillaafooyinka aayaheenna hagar-daamaynaya ee goor iyo ayaan dhacaya, haddii kalena, waa haddii aan taariikhdu saamaxayn. Ummad-yahay, fekerkaaga iyo fiiradaaduba waa inay ka dacallo-fidsanaadaan xafiiltanka shaadhka reeraysan ku lebbisan ee nin dan lihi kugu sawirayo. Ummad-yahay, waa inaad diiwaanka ku darsataa in xujo cad iyo xisaabiba danbeeyaan. Ummad-yahay, waa inaad hankaaga iyo hammigaagaba ku salaysaa berri iyo awaalka maqan iyo ged-geddoonka maalinlaha ah ee nolosha ku ragcan, maanta iyo maantana ka aragti durugsanaataa. Ummad-yahay qado iyo qaad maalin lagu siiyo oo aad meeqaamkii iyo heybaddii aad bulshada ku dhex lahayd dhaafsataa waa u gumoobid Soor-quudheed. Ummad-yahay, dawlad wanaagsan oo aad heshaa, cidda barta hoggaaminta ee fadhida uun dan uma aha ee adiga ayay kuugu badinaysaa. Ummad-yahay, caddaalad baad rabtaa, midnimaad rabtaa, xorriyad iyo sinnaan baad rabtaa, horumar dhan walba leh baad rabtaa, hadday ugu yaraato, ugama yaree biyaad rabtaa, intubana waxay ku xidhan yihiin helitaanka maamul wanaagsan. Ummad-yahay, kuma lihi Taliska maanta uun wax ka dheh, meel kasta iyo ammin ay tahayba se, la dagaallan oo lid ku ahaw, caddaalad-darro, cabudhin, cago-juglayn iyo sharci-burin intaba. Ummad-yahay, jid aad u martoba, waa inaad ku dedaashaa sifihii aad mar kasta Gob ku ahaan lahayd, heeryada gunnimadana iskaga tuuri lahayd. Ummad-yahay, haddaad ka aamusto xaaladda maanta, ogobeey inay adiga uun kaa go’an tahay. Ummad-yahay, waxa lagu dheelayaa waa aayahaagii iyo aayaha wiilka wiilkiisa, fal-celinta jees-jeeskaasina si uu yahayba waa mid lagaa sugayo. Aniguna maaha inaan idinka duwanahay ee idinka ayuun baan idinla mid ahay, canaan iyo ceebaynna igama aha ee waa dareen-wadaniyadeed oo aan intii igaga beegnayd uun aan ka idhi.

 

 

 

 

 Maxamed Saleebaan Cumar
 halabuur@hotmail.com