University of Hargeisa

 


 


Press Release



KU: Madaxweynaha JSL

KU: Wasiirka Wasaraada Waxbarashada & Tacliinta Sare

OG: Agaasimaha Tacliinta Sare

OG: Wasaarada Daakhiliga JSL



Guddida Sare ee Jaamacadda Hargaysa (Senate) bishii February 11, 2012 wuxuu go’aan ku ga adhay in la kordhiyo Fee-ga Jaamacadda, Feegaasi oo ah kan ugu yar Jaamacaddaha wadanka, Isla markaana feegan cusubi uu yahay kan ugu yar ilaa maanta Jaamacaddaha Dalka.



Faculty


Fee-gii Hore


Fee-g Cusub


Korodhsiimo Lixdii biloodba.


Bishiba inta la kordhiyay

Faculty of Business


$157.5


$180


$22.5


$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)

Faculty of Economics


$157.5


$180


$22.5


$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)

Faculty of ICT


$190


$210


$20


$3.3 (Saddex Dolar & 3 cent)

Faculty of Medicine


$184


$250


$66


$11 (Kow iyo toban)

Faculty of Engineering


$180


$210


$30


$5 (Shan Dolar)

Faculty of Science & Technology


$157.5


$180


$22.5


$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)

Faculty of law


$180


$200


$20


$3.3 (Saddex Dolar & 3 cent)

Faculty of Islamic Studies


$157.5


$160


$2.5


$0.40 (40 cents)

Faculty of Education


$100


$100


0


0

Faculty of Statistics


$157.5


$180


$22.5


$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)



Golaha Senate-ku wuxuu si buuxda korodhsiimadaasi aad ka u yar ugu sameeyay duruufahan soo socda awgood:



Duruufaha dhaqaale ee dalka oo isa soo badalayay laga soo bilaabo 2000 oo ah aas aaskii Jaamacadda.
Iyadoo Jaamacadu haysan kari la macalimiinta khibrada leh dhaqaale ahaan.
Horumarinta adeegyada kala duwan ee Jaamacadda.
Iyadoo ay ardayda Jaamacaddu aad u korodhay waxa lagama maarmaan noqotay in la qorsheeyo sidii loo kordhin lahaa goobaha waxbarashada sida fasalada, Lecture halls-ka, iyo shaybaadhada iwm.
In la hormariyo xarunta cilmi baadhista si loo hir geliyo qaybaha kala duwan ee cilmi baadhista ee wadanku u baahan yahay, ardayduna ay uga qayb qaadan lahayd.
Kor u qaadidda, iyo joogtaynta tayada macalimiinta iyo shaqaalaha jaamacadda (Capacity Building).
Si joogto ah in dib u eegis loogu sameeyo barnamijyada waxabarasho ee jaamacadda loona raadiyo ardayda buugta waxbrashada (Textbooks, computers iwm)
Iyadoo ay jiraan Kuliyado muuhiim u ah bulshada iyo qaranka Somaliland oo aan hadda is bixin karin una baahan kabis sida Kuliyadaha: Faafimaadka, Waxbarashada, Darasaadka Islaamiga ah, iyo Statistics-ka.



ka dib markii ay kulamo badan yeesheen golaha sare ee Senate-ku daraasadana ay sameeyeen, kuna qanceen duruufaha jira, lana tix galinayo xaalada dhaqaale ee bulshada iyo sababahaasi kor ku xusan, ayuu goluhu wada jir ku goaamiyay kordhintaasi yar.



Go’aankaasi oo ardayda lagu wargeliyay 11 February 2012 iyagoo u baxaya fasaxii bisha ahaa si ay ugu soo talo galaan semester ka cusub, markay ardaydii soo noqotay waxaa soo baxay in koox yar oo sheegatay in ay ardayda matalaan, meel lagu magacaabayna aanay jirin, ardayduna ayna kula socon ay ka hor yimaadeen goaankii, iyadoo ay ardayduna bilaabeen bixinta Feega cusub.



Kooxdaasi yar waxay bilaabeen fawdo iyo ixtiraam la’aan iyo hadidaad ku wajahan Jaamacadda, maamulka, macalimiinta iyo guud ahaan amniga qaranka. Waxaanay ku hanjabeen in ay banaanbaxyo abaabuli doonaan hadii aan laga noqonin fee-ga cusub. Waxay kulamo la yeesheen Wasaarada daakhiliga, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Saxaafadda, iyagoo shuruucdii Jaamacadda iyo tii ardaynimo burburiyay isla markaana soo yeedhiyay go’aamo xad gudub ah.



Kooxdaasi waxay kulan la yeeshee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, kulankaasi ka dib wasaaradu waxay soo magacowday gudi xaqiiqo raadis ah kuwaasi oo ku gudo jira hawlahoodii ilaa maanta.



Iyadoo taasi jirto waxaa kale oo ay Wasaaradaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska, iyo kooxdii ardayda ahayd kulan aanay Jaamacadu ogayn ku yeesheen Wasaarada Daakhiliga, taasi oo go’aamo aanay Jaamacadu waxba ka ogayn laga sii daayay warbaahinta kala duwan, oo ay ka mid ahayd in kordhintii fee-ga laga noqday.



Iyadoo la ogyahay faro galino hore oo jiray, Jaamacaddana ku abuuray mashaakil, waxa la yaab noqotay in Wasaaradda Waxbarashadu ay soo faro galisay mar kale go’aamada Jaamacadu ay qaadato, isla mar ahaantaana ay meesha ka saartay shuruucdii u dhaxaysay maamulka iyo ardayda.



Go’aan:

Golaha senate-ku wuxuu 07 April 2012 yeeshay shir degdeg ah oo aan caadi ahayn, kaasi oo lagu go’aamiyay qodobadan hoos ku xusan:



In aanay ka noqosho lahayn Kordhinta yar ee Fee-ga Jaamacadda lagu sameeyey.
In Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ula dhaqanto Jaamacadda Hargaysa sida Jaamacaddaha dalka, iyadoo ilaalinaysa madaxbanaanida Maamulka Jaamacadda, faro galintana laga daayo.
In Jaamacadda Hargaysa laga fogeeyo arimaha siyaasadaysan ee ardayda la soo dhex geliyay. Isla markaana dadka ay ogtahay wasaarada waxbarashadu in ay abaabulayaan arimahan, in ay talaabo ka qaado ama gudbiso hay’adaha ay qusayso.



Lifaaq: xubnaha senateka ee go’aankan saxeexay.