Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu si xush madi ku dheehantahay ugusoo marti qaadayaa qoomiyada reer  Som aliland ee daggan galbeedka London shirwaynihii ururka oo dhici  doo na bishan September 25-keeda oo ku began maalin Jimce ah, wuxuuna bilaabmi doonaa 6-da galabnimo.

Shirkan waxaanu idinkusoo bandhiggi doonaa wax qabadkii urur  jaali yadeedka ee sanadkii inna dhaafay iyo qorshaha mustaqbalka ee ururka isla markaana waxaad fursad u helli doontaan inaad fikirkiina ka dhiibatiin sida hawluhu u socdaan qaybna ka noqotiin si horumar taam ah jaaliyadeena ugu qorshayn karno.

Waxa kaloo aanu shirkan shahaadooyin ku gudoonsiin doonaa  arday da reer Somaliland ee natiijo saraysa kasoo hoysay imtaxaanada  san adkan ee GCSE iyo A Level-ka oo aanu rabno inaanu dhiiri galino  tusa ale fiican-na u noqdaan dhalinta reer Somaliland ee ku dhaqan  wadan kan. Sidaa daraadeed waxaanu idinka codsanaynaa inaad noos oo sheegtiin haddii aad leedahay amma garanayso caruur  sanad kan imtixaanadaas martay, guul-na ka gaadhay.

Waxa kaloo shirka inagalasoo qayb galaya marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin xildhibaanka barlamanka ee xaafada Hayes, Safiirka  Som aliland ee London, Mayor-ka Hillingdon iyo qaar kaloo badan. Martida asi waxay gudoonsiin doonaan shahaadooyinka aanu siinayno  caruur t eena imtixaanada ku pass-tay. Fadlan waxaanu idinka codsanaynaa inaad wakhtiga soo ilaalisiin, si baaxad lehna aad ugasoo qayb gashiin shirkeenan oo ka mid ah isku imaadyada aanu ku rabno inaanu ku  mu ujino jiritaanka qoomiyada reer Somaliland ee galbeedka London iyo guud ahaan dalkan UK.

Shirku wuxu ka dhacaya 71 Coldharbour Lane (Salvation Army Cent re) Hayes, UB3 3EE. Goobtan waxay 4 guri u dhaxeeyaan makhaayada Al-Jasiira ee ku taal Hayes.



Wixii faahfaahin ah kalasoo xidhiidh xaafiiska urur jaaliyadeedka oo ku yaal xaafada Hayes:

ciwaankiisuna yahay sidatan:

Unit 3013, Access House, 1 Nestles Avenue, Hayes, UB3 4UZ. Telephone: +44 208 848 1180 amma +44 795 775 8340,

email: wlondonsomalilanders@gmail.com

 web: www.wlsomalilandcommunity.org.uk