Urur Siyaasadeed Kulmiyay Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Dhalinya ro, Haween Iyo Dad Miisaan Culus Ku Leh Somaliland, Lana Magacbaxay Jamhuuriga Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Hargeysa
 

 

 

Gudoomiyaha Qaban qaabada urur siyaasaddeedkan oo ka hadlay madashaasi ayaa..... Daawo Sawiradda

Hargeysa (TNN) Urur Siyaasadeed la magac baxay Ururka Jamhuuriga Somaliland (Somaliland Republic Party)ayaa maanta lagaga dhawaaqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa .

Munaasibadda Daahfurka Urur Siyaasadeedkan oo lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeys a ayaa waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Xildhibaano, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.

Madashan waxa ugu horeyn ka hadlay Safiirkii horre ee Somaliland u fidhiyay Dalalka Itoobiya iyo Jab uuti Ambasador Cumar Xaaji Maxamuud (Cumar Dheere) waxana uu sheegay inaanuu ururkoodu doo ran Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka, balse waxa uu tilmaamay in ay doorteen Gudoomiye Guddi qab an qaabo “Walli ma aannu dooran Gudoomiye Urur Siyaasadeed, balse waxa aanu dooranay Gudoomiy e Guddi qabanqaabo, laakiin sabata aanu Gudoomiye u dooran weynay waxa aanu ulla jeedanaa sii aa nuu ururku u noqon urur mid lee yahay siddii ururaddii horre lagu yaqaanay, waayo waxa aanu doon aynaa in Gudoomiyaha Ururku lagu soo dhex doorto Shirka Gollaha Dhaxe ee Xisbiga kaas oo ka qabso omi doona dhowaan si uu u soo baxo Gudoomiye xaq iyo xalaal ku yimi” ayuu yidhi Amsador Cumar Dheer.


Safiirku waxa uu ku nuux nuuxsaday ujeedooyinka iyo waxyaabaha loo aasaasay ururkan, waxana uu sharaxaad dheer ka bixiyay calanka xisbiga isaga oo tusaale u soo qaatay Saddex iyo Toban Xidigood oo ku xardhan calanka xisbiga, waxana uu sheegay in 13 xidigood loola jeeddo dhamaan Goboladda D alka Somaliland, Cumar dheer waxa uu ku sifeeyay arintan in xisbiga ay u siman yihiin degmooyinka iy o Goboladda Dalku “ 13 Xidigood waxa ay muujinayaan Goboladda Dalka Somaliland, taas oo ay macna heeddu tahay in Urur siyaasadeedkan ay u siman yihiin qaybaha kala duwan ee bulashadda haday ah aan lahayd qof ka ku nool Awdal illaa Sanaag, ama Sool illaa Saylac, xisbigan way u siman yihiin” ayuu ku soo gabgabeeyay Mr Cumar Dheerre hadalkiisii

Sidoo kale waxa Munaasibada Ururkan hadal dheer ka jeediyay Gudoomiyaha Qaban qaabadda urur siyaasadeedkan Cumar Muuse Ibraahin, waxana uu gudoomiyuhu ka warbxiyay ujeedooyinkii loo aas aasay ururkan, waxana uu sheegay in sabata loo aas aasay la dagaalnka muq maasuqa, iyo kor u qaa didda maamul wanaaga...Gudoomiyaha ayaa si qoto dheer u sharaxay ahmiyadda ururkan, waxana uu tilmaamay in loo baahan yahay isabadal in lagu sameeyo dhamaan cadaaladda.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu urur siyaasadeedkani wax ka qabanayo Musuqmaasuqa, waxana uu carabka ku dhuftay in Ururka Jamhuurigu la dagaalamayo Musuqmaasuqa.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi hadallo ka soo jeediyay Axmed C/laahi Xuseen, Cumar Xaaji Maxamu ud, Muuse C/laahu Nuur, waxana ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen ururkan cusub, waxana ay she egeen in ay si wanaagsan u taageersan yihiin Ururkan.

Gudoomiyihii Guddidda ka Tallo Bixinta Furashadda Ururadda Siyaasadeed Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanadda Goloha Wakiiladda oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ururkan maanta lagu dhawaaqay.

Xildhibaanku waxa uu ka dayriyay Saddexdii xisbi ee horre u jirey waxana uu sheegay in ay dad gaar ahi kooto ku haystaan waxana uu yidhi “ Saddexda Xisbi ee jiraa dhibaatadoodu waxa ay timi markii Nin kastaa yidhi anigaa leh xisbigan”.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka hadlay madashaasi ayaa isna si weyn u soo dhoweeyay urur siyaasadeedkan waxana uu ku booriyay in ay ku dadaalaan siddii ay uga midho dhalin lahaayeen in ay hantaan Kursiga Dalka.

Si kastaba ha ahaatee Mabaa’dida Urur Siyaasadeedkan ayaa kala ah

1. Waxa Saldhig u ah Dastuurka Qaranka Somaliland.
2 Ilaalinta Dastuurka iyo Xeerka Dalka.
3 Ku salaysan tahay Diinta Islaamka iyo Dhaqan suuban bulsho xor ah oo Suuban bulsho xor ah oo sinaan isku tashi tallo wadaag cadaalad ku wadda noolaadaan
4 adkeynta xuduudaha lama taabtaanka ah ee Qaranka Somaliland.
5 ilaalinta gooni isutaaga madaxbaananidda qaranimadda Somaliland, sidda uu qeexayo Qodobka Kowaad Farqadiisa Kowaad ee Dastuurka Somaliland.
6. Dhawrsanaanta ku dhaqanka midnimadda, sinaanta iyo cadaaladda muwaadiniinta Somaliland.
7 cidhibtirka Faqriga, Jahliga, iyo Cuduradda Faafa.
8 Joogteynta dhiiri galinta guulaha dimuqraadiyadeed, horumararineed ee la gaadhay, ogolaanayana doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhisan hanaanka xisibiyadda Badan iyo Mabda’a codbixinta Qofka.
9 Ixtiraamka xeerka Caalamiga ah, nabadda iyo deris wanaaga.
10 Adkeynta Xidhiidhka sokeeye ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Dalalka deriska la ah.
11 Horumarinta xoriyadda ra’yiga iyo Saxaafadda xorta ah.
12 Taageeridda xaquuqda haweenka, ka qayb galidda dhinaca siyaasadda.IMG_2000
13 hir galinta kor u qaaddista Xaquuqdda Dhalinyaradda dhinaca Siyaasadda iyo Maamulka Dalka
14 Horumarinta hidaha iyo Dhaqanka suuban ee soo jireenka ahaa.
15 la dagaalanka argigixisadda iyo Budhacad Badeedda.
16 Ku dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo Maamul Wanaaga.
17 Ururka Waxa ka reeban adeegsiga Gobolaysi, Qabyaaladda, Kooxaysi iyo Wax kasta oo waxyeelaya daganaashaha Nabadgelyadda, Bulshaddana kala fogeynaya ama kala faquuqaya.

Dhanka kale Ujeeddada ururka Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa u qoran sidan

1 Sugidda Nabadgelyadda, degenaashaha iyo wadda noolaanshaha bulshadda.
2 Kobcinta Dhaqaalaha, Horumarinta Beeraha, Xoolaha, ka faa’iideysiga Kheyraadka Debciga ah Badda iyo Bariga Dalka.
3 Kor u qaadidda iyo tayaynta nidaamka dawladnimo, kuna salaysan Maamul Wanaag, sinaan iyo Cadaaladd.
4 Kor u qaadista adeegyadda bulshadda, caafimaadka, faya dhawrka waxbarashadda, Biyaha iyo Wadooyinka.
5 Tayaynta iyo horumarinta Tacliinta Sarre iyo Tiknoolajiyadda Casriga ah.
6 Daryeelka Shaqaalaha, Ciddamada, Macalimiinta, Danyarta, Naafadda, iyo Caruurta.
7 ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Sidda Abaaraha, Cudaradda (Xaaladdaha Soo noqnoqdda) lagana gaadho xal wax ku ool ah oo waara.IMG_2001
8 Cidhibtirka Musuqmaasuqa iyo Qabyaaladda.
9 Tayaynta iyo horumarinta garsoor cadaalad ku dhisan.
10 Horumarinta Suuqa Xorta ah, lana ilaaliyo Xuquuqdda Dheefsiga, si looga hortago sixir bararka loona ilaaliyo nolasha Bulshadda.
11 Wacyi galinta dhalinyaradda kor u qaadidda ciyaaraha, hoosna loo dhigo la dagaalanka Maan-dooriyayaasha si loo hello Jiil Caafimaad qab

Isku soo wadda duuduub oo ururkan Siyaasadeedkan maanta lagu dhawaaqay ayaa noqonya kii Sagaalaad ee Dalka lagaga dhawaaqo.

 



Cali-Mahdi Cismaaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office