Urur Siyaasadeedka Nasiye oo sheegay in ay taageersan yihiin Go’aankii Golaha Wakiiladu ku laaleen Diiwaangelintii Dalka ka qabsoomtay, Waxba kama jiraana ku tilmaamay Warar sheegaya in ay Xubno ka tirsan Xukuumaddu wataan.

 

 

 



Magacyada Guddida Dhaqaale Ururinta Urur Siyaasadeedka Nasiye ee ay ku dhawaaqeen Masuuli yiinta Ururku.



Hargeysa (TNN)- Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Nasiye ayaa Sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii Golaha Wakiiladu dhawaan ku laaleen Diiwaangelintii Dalka ka qabsoomtay, iyaga oo sheegay in ay ku taageersan yihiin Go’aankan Golaha Wakiiladu ku laaleen Diiwaangelinta sababa jira awgood, waxaanay sheegeen in ay Sababaha ay ku taageereen Go’aankani ay tahay in Dad badan oo Dhalinyaro ahaa oo aan wakhtigii Diiwaangelintu dhacday qaan gaadhin ay maanta gaadheen iyo Qodob labaad oo ah Gobolada Sool iyo Sanaag oo aanay Doorashadu sidii loogu talo galay uga qabsoomin.

Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Nasiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar dadka qaar isla dhex marayeen oo sheegeyey in Ururkooda ay ka daaha Dabadiisa ka hagaayaan Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddu.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururkani Axmed Muxumed Cumar oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in Ururkoodu aanu wax lug ah lu lahayn Xubno ka tirsan Xukuumadda, waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa “Ugu horeyn waxaan u mahadnaqayaa taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Nasiye ee sida fiican noola shaqeeyey tan iyo intii lagu dhawaaqay Ururkani, waxaan doonayaa in aan ka hadlo hadalo baryahan dambe Saxaafada ku soo baxayey, horta Ururkani waxa uu u aas aasan yahay Dhalinyarada, Hadalada Saxaafada ku soo baxayey ee ah in ay Xisbiga lug ku leeyihiin Xubno ka tirsan Xukuumadduna waa waxba kama jiraan sababo lanoogu eedeeyaana ma garanayno, waana dacaayad ay Ururada kale qaarkood fidiyeen, waxaanu soo dhaweynaynaa Ururka Wadani oo markii aanu ku dhawaaqaynay Ururkan Nasiye si fiican noola shaqeeyey”.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Nasiye oo ka hadlayey Guddi ay u magacaabeen soo ururinta Dhaqaalihii ay ku hawl galayeen ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu Magacawnay Guddidii Ururinta Dhaqaalaha Ururkani ku hawl galayo, waxaana ka mid ah Buraale Jibriil, Maxamed Xuseen Dhabeeye, Farduus Siciid Dirir.
Taageerayaashayada waxaanu u sheegaynaa in uu u furan yahay Ururku oo ay ka qayb qaadan karaan Horumarintiisa”.

Farduus Siciid Dirir oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururka oo halkaasi ka hadashay ayaa Haweenka reer Somaliland ugu baaqday in ay ka qayb qaataan horumarinta Urur Siyaasadeedka Nasiye, waxaanay tidhi iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa “Haweenka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan Horumarinta Urur Siyaasadeedka Nasiye, haddii Ururada kale la odhan jiray boqolkiiba intaasaad ku leedihiin Ururkani waa mid idinka idiin furan”.




Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland