Urur
Siyaasadeedka UDHIS Oo Doortay Hogaanka Ururka, Golaha Dhexe,
Cayimay-na Saamiga Dhalinyarada & Haweenka
Shirweynaha Ururka UDHIS ayaa waxa ay ergooyinkii ka soo qayb galay
gacan taag ku ansixiyeen........ Daawo Sawiradda
Hargeysa (TNN)- Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa maanta doortay
Hogaanka iyo Golaha dhe xe ee Ururka, iyada oo maalintii shalay u
furmay Shirweynihiisii koowaad, isla markaana maa nta ahayd
Maalintii labaad ee Shirweynaha koowaad oo uu ka socday Hutel Crown
ee Magaa lada Hargeysa, waxaanu sidoo kale cayimay Saamiga ay
haweenka iyo dhalinyaradu ku yeel an doonaan Ururka oo ay u
codeeyeen ergadii kala duwanayd ee Shirweynaha fadhiday.
Shirweynaha Ururka UDHIS ayaa waxa ay ergooyinkii ka soo qayb galay
gacan taag ku ansix iyeen in saamiga ay haweenku ururkaasi ku
yeelanayaan uu noqdo 30%, halka saamiga dhali nyaradu ku yeelanayso
Ururkaasi uu noqon doono 30%, waxaanay Guddida hogaanka shirwe ynuhu
sheegeen in Saamiga ay yeelanayaan dadka Naafada ah iyo Beelaha laga
tirada bada n yahay ay dib ka qeexi doonaan saamiga ay yeelanayaan
Hogaanka Ururku.
Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa tiradooda laga dhigay
in ay noqon doonto 42- xubnood.
Ergada shirka ayaa waxa ay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS u
doorteen Ibraahin C/Laahi Xuseen (Dhagaweyne), halka Guddoomiye ku
xigeenka 1-aad loo doortay Ibraahim Aadan Gadiid, waxaana Guddoomiye
ku xigeenka 2-aad-na loo doortay Md. Qoorseef, iyada oo Xoghayaha
Guud ee Ururkaasina loo doortay Siciid X. Axmed.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS oo markii la doortaday ka dib
halkaasi hadal koob an ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey xilka
ay doorteen ergadu, isaga oo balan qaaday in uu u hawl gali doono
sidii ajandaha ururka u hir gelin lahaayeen, waxaana hadaladii Guddo
omiyaha ka mid ahaa “aadbaanu idiinka mahad celinaynaa sida aad
masuuliyada noo saartee n, waxaananu balan qaadaynaa in aanu hir
gelin doono ajandaha Ururka, kuna dedaali doono sidii Ururka loo
horumarin lahaa ilaa inta uu Xisbi ka noqonayo”.
Sacad M. Cabdi
Timacade News Reporter
Hargeysa , Somaliland
|