Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Wareegii 3-aad Ee Ololaha Doorashada Ku Soo Gabo-gabeeyey Cududa Taageerayaashiisa
 


Caasimadda Hargeysa ayaa Musharixiinta Ururka Xaqsoor ay maanta cududooda taageero ku muujiyeen Xafiisyada ay...........


Hargeysa (TNN) - Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ayaa Goboladda iyo Degmooyinka Dalka ku soo ban-dhigay Cuddida Taageero ee Musharixiintiisa.

Caasimadda Hargeysa ayaa Musharixiinta Ururka Xaqsoor ay maanta cududooda taageero ku muujiyeen Xafiisyada ay Musharixiintaas ku leeyihii Magaaladda Hargeysa.

Boqolaal ka mid ah taageereyaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa soo buux dhaafiyay xafiisyadda iyo goobo kale oo ay murashaxiinta golaha deegaanku u asteeyeen in ay kala hadlaan taageereyaashooda.

Murashaxiinta kala ah Cabdixakiin Maxamuud Gaaxnuug, Idiris Muxumed Shabeel, Cabdilaahi Aw Aadan, Mubaarak Cabdi Malaw, Aadan Cabdi Hereri, Saleebaan Daahir Cabdilaahi Dogox, Ibrahim Cabdi Muuse (Wayso), Axmed Maxamed Aadan (Garboyare), Deeq Ducaale, Axmed Cali Muuse, Yurub Abiib, Cabdiqaadir Xasan Faarax, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Eng. Xaashi Cumar Cige.

Murashaxiintan ayaa taageereyaashooda u sheegay in marka la gaadho 28-ka bishan ee November ay codadkooda siiyaan si ay uha mid-noqdaan Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Caasimadda.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland