Urur Siyaasadeedkii Ugu Horreeyey Ee Lagaga Dhawaaqay Gobolka Gabiley
 


"Ajandaha Urur Siyaasadeedkani waa in aan Dhalinyaradu ka tahriibin Dalkooda ee waa in Ajaanibku u soo tahriibaan" Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedkan Cusub

 


Gabiley,08 November 2011 (TNN)- Urur-siyaasadeed Cusub oo markii ugu horreysay lagu sh aaciyey Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. ayaa si rasmi ah loogu Wan-qalay Hotel Xaaji Askar ee Magaalada Gabiley.

Urur-Siyaasadeedkan oo lagu magacaabo Gobonimo ayaa munaasibadii lagu daah-furayey oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka Hogaamiyay aasha Urur-Siyaasadeedkan cusub, Maamulayaasha Axsaabta Qaranka iyo Urur Siyaasade edyada cusub, Hogaamiye dhaqameedyo, Dhalinyaro tiro badan, garabyada Haweenka iyo Marti-Sharaf kale oo badan.

Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur-Siyaasadeedkan Najiib Ismaaciil Maxamed Meeca ad oo ugu horeyn halkaa hadal dheer oo ku wajahan ujeedada loo aasaasay Urur Siyaasad eedkan, cusub ayaa sheegay in ay dabada ku hayso Hamiga dhalinyarada ee ah in ay door ku yeeshaan Siyaasada Iyo Hogaaminta Talada Dalka, waxaanu ugu baaqay guud ahaanba Gobolada Dalka in ay soo dhaweeyaan

Urur-Siyaasadeedkan lagaga dhawaaqay Gabiley, Maadaama oo ay Gabiley in badan soo taageertay Madaxwaynayaashii iskaga kala danbeeyey Talada Dalka, taas oo ay Iyaguna(Gabiley) dhinacooda ka sugayaan in loo soo celiyo Abaalkii ay u galeen, "Ujeedada aan u aas-aasnay Urur-Siyaasadeedkan cusub ee Gobonimo, Asteentiisuna tahay Geedka Gobka ah, ayaa ah in Himilada Dhalin-yarada ku hamiday in ay ka qayb qaataan Siyaasada Dalka iyo hogaaminteeda. waxaanan ugu baaqayaa Gobolada Somaliland oo dhan in ay taageera an Urur-Siyaasadeedkan Gobonimo ee aanu kaga dhawaaqnay Gabiley, sababta oo ah had aanu nahay Reer Gabiley Abaal badan ayaanu ku leenahay Gobolada Togdheer, Saaxil, iyo Awdalba waxaanu taageernay Xukuumadii C/raxmaan Tuur, Xukuumadii Cigaal, Xukuumadii Rayaale, iyo Xukuumadan Axmed Siilaanyo". ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meel Gaadhka ah.

Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedkan Cusubi waxa uu hadalkiisa ku daray:"Ajandaha Urur Si yaasadeedkani waa in aan Dhalinyaradu ka tahriibin Dalkooda ee waa in Ajaanibku u soo tahriibaan, In aan laga shaqo-tagin ee loo shaqo yimaado". ayuu yidhi. Najiib Ismaaciil Max amed Meecaad.

Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Munaasibadaa wan-qalka ahayd Gudoomiyaha Xisbiga Kul miye ee Gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi, Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Dalsan Axme d Aadan Xaaji Ibraahim iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hogaamiyayaasha Xisbiga Udub iyo Wadani, oo dhamaantood si wayn u soo dhaweeyey Urur-Siyaasadeedkan Cusub, waxaa nay ugu baaqeen in uu ku soo dhawaado Tartanka.

Waa Urur-Siyaasadeedkii ugu horreeyey ee lagaga dhawaaqay Magaalada Gabiley ee Xar unta Gobolka Gabiley, taasi oo uu hogaaminayo Gudoomiyayaasha ku meel gaadhka ah ee Urur-Siyaasadeedyada Dalka ka jira kii ugu da'da yaraa. Sidoo kale waa Urur-Siyaasadeekii Todobaad ee lagaga dhawaaqo Dalka.
 



C/risaaq Axmed Hayaan (Ilka case)
Timacade News Desk
Gabiley Office