Urur Siyaasadeedkii Ugu Miisaanka Cuslaa Oo Ay Ku Bahoobaan Xu bno Ka Mid Ahaa Hogaamiyayaashii SNM Oo Shirkiisii Wanqalka La Qaban Doono Iyo Muj Dhago-Weyne Oo Ka Hadlay

 

Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhagaweyne)

 



“Wax Dhulka Naga Yaalaa Ma Jiro, Xeerkii Iyo Barnaamijkii Ururkana hore ayaanu shacbiga Ugu bandhignayinay talooyin ka soo dhiibtaan, shirkii aanu kaga dhawaaqaynayna waanu qabana ynaa”
Muj.Ibraahim Dhagaweyne (Waraysi Khaasa)



Hargeysa, November 16, 2011 (TNN) - Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sarsare ee urur siyaasadeedka UDHIS, ayaa sheegay in si dhakhso ah ay dhawaan u qaban doonaan shirkii ay kaga dhawaaqayeen urur siyaasadeedkooda, waxaanu intaa ku daray in hawlihii diyaar garowga shirweynahoodu u dhamaystirmay, waxaanu tilmaam ay in muddooyinkii dambe ay ku hawlanaayeen, isla markaana taageerayaashooda u bandhigeen sharciga, xeerarka iyo barnaamijka ururkooda.



Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, waxna kaga waydiinay maalinta rasmiga ah ee ay qabandoonaan shirweyni hii ay kaga dhawaaqayeen ururkooda UDHIS, oo isagu ka gows qabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo, ayaa ururkooda UDHIS oo baryahan dambe la sheegay inuu taageerayaal badan ku yeeshay dalka gudhiisa iyo dibadiisa, ayaa isaga oo ka hadlaya si kooban waxa uu u yidhi “Shirw eynihii ururkayaga aanu kaga dhawaaqaynay si dhakhso ah ayaanu u qabanaynaa, inaanu maal maha soo socda si rasmiya daboolka uga qaadno, hawlahayagii diyaar garowguna meel fiican bay noo marayaan, wax dhulka naga yaalaana ma jiraan, shacbiga reer Somalilandna waxaanu muddo hore-ba u bandhignay xeerka iyo barnaamijka urur siyaasadeedkayaga inay talooyin iyo aragtiyahooda ka soo dhiibtaan soona akhristaan”



Dhinaca kale urur siyaasadeedka UDHIS ayaa lagu tilmaamayaa ururada ugu miisaanka culus ururada siyaasadeed ee lagu dhawaaqay, kaas oo isagu ahaa urur muddo laba sanadood oo hore dalka uga jiray, isla markaana ku bahoobeen xubno ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii xaq u dirirka SNM ee dalka ka xoreeyay taliskii Daallinkii Siyaad Barre soo Somalia ka amar ku taaglayn jiray.



Xubnaha mujaahidiintaasi oo ay ka mid yihiin Ibraahim C/llaahi Xuseen, C/raxmaan Aw Cali Faar ax, Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, iyadoo ay dhinaca kalena jiraan xubno miisaan cul us leh oo ay ka mid yihiin mujaahid Axmed Mirre Maxamed, oo isagu ka madaxbanaanaa saddex da xisbi ee hore u jiray inay ka mid noqon doonaan siyaasiyiinta urur siyaasadeedka UDHIS.

 

Source:Haatuf