Ururada oo la furaa imika waxa ay keeni kartaa
Burburka Somaliland


 

Waxaan halkaan ku salamayaa dhamaan Umada Somaliland meel kasta oo ay joogaan , waxaan kaloo salamayaa dhamaan warbaahinta kala duwan ee ka soo waranta Somaliland meel kasta oo ay jooga an.

Sida aynu ula socono , waxaa jiray beryahaan wadanka Somaliland in ay gudidii madaxwaynahu u dir ay in ay ka soo talo bixiyaan in la furo ururada siyaasada iyo in kale ay ka soo bixiyeen waxa aan laga filaynin .

Runtii gudidaasi may soo gudbin xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta arrinkaasi , waxa ay soo gudibiyeen oo mid u gaadh yeelasa dano shaqsiyadeed u gaar ah ama dad doonaya in ay ku soo boodaan masar axa siyaasadeed iyaga oo raba in ay samaystaan ururo beeleedayo taasi oo dib u noqosho aan laga soo waaqsan karin ku celin doonta ummada Somaliland.

Qassaraha laga dhaxli karo hadii la oglaado in la furo ururadaasi ay ka mid yihiin.

In uu qabiil hoose kasta uu samaysto URURO beeleedyo siyaasad ah

In la samaysto Ururo ka dhan ah mabaadiida Somaliland sida kuwa raba in ay ka shaqeeyaan midni mad ku sheega Somaliwayn iyo kuwa ku shaqaysta magaca diinta Islamka.

In ay ka dhacaan dhibaato hor leh beelaha wada daga Somaliland iyaga oo beel waliba shagaynaso deegaan si ay ururka ay doonayso ugu soo baxaan.

In ay bataan musaaqmaasuqa iyo kala boobista dhinca tartaanka dowaladaha hoose.

In ay samayn wayn ku yeelato dowaldaha hoose , iyadoo ay soo baxaan xildhibaano fara badan is lamarkaana waaya ururda ay ka soo baxeen sida hada ka hor ay dhacaday.

In ay dhici karto in beelaha qaar ay ku adkaato in ay ka soo baxaan Ururo beeldayda soo baxa.

Fa’idada laga dhaxlil karo way iska yartay islamarkaan waxa ay horseedi doontaa in uu lumo hanaan ka iyo jiritanka Xisbnimo ee hadda jira.

Gudidii talo bixinta.

Runtii may samaynin xaqiiqo dhab ah ee ka jirta arrinkaasi islamarkana may soo gudbin waxa ay dad kii ay waraysteen u sheegeen waayo dadaku intooda badan ma ogala in la furo ururada siyaasada.
 


Talo ku socota dhamaan Madaxda Somaliland

Mudane Madaxwayne, waxaan kuu soo jeedin lahaa in aadan oglaan in la furo ururdaasi sababtoo ah waxa ay kala qayb qaybin doontaa umada Somaliland ee isku xidhan imika.

Mudane ,Waxa ay abuuri doontaa qalaalasa ka dhasha deegaanada ay beelaha Somaliland wada dagaan taasi oo keeni doonta in deegaan kasta oo samaysto Ururo islamarkaan ay isku dhici karaan.

Mudanyaasha Barlamanaka

Hadii aad tihiin Mudanayaasha barlamanka ee ay doorteen ummada Somaliland , waxaan idiin soo jee din lahaa in aydaan oglaanin arinkaasi ay wataan dad doonaya in ay iska horkeenaan umamada Soom aliland.

Waxaan kaloo halkaan ka camabraynaa Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo issga oo haya xil um adeed hadana ka doorbiday inuu had iyo jeer ka horumariyo dantiisa gaar ahaaneed, waxaan leeyah ay hadii aad doonayso madaxwayne marka hore si fiican u gudo xilkii laguu doortay hadii kale ka fadhi iso ummaada hana u horseedin dhibaato iyo khalkhal .

Mudanayaasha Guurtida

Waxaan leeyahay Mudanayaal manta waddankii waxaa ku socodaa in uu noqod sidii sagaashandii oo kale taasi oo ay jirtay beeledyo sidaas darted, waxaan idiin soo jeedin lahaa in aydaan oglaanin arin kaasi .

Asxaabta Siyaasadeed ee hadda jira

Waxaan idiin soo jeedin lahaa in aad marka hore dib u dhis balaadhan ku samaysaan xisibiyadiina isla markaan aad samaysaa Sharci una soo gudbisaan baarlamanaka ( multy party Law system) kaasi oo si faahfaahsan u qeexaya nidaamka sharci ahaanayd.

Ummada Somaliland

Waxaan idiin soo jeedin lahaa in aad isku duubnaataan waligiin oo ka shaqaysaan horumarka waddan ka. Islamarkaan aad ka biyo diidaan in la furo ururada siyaasada hada jira.

Waad arkaysan waxa ka jira Africa iyo Somaliyada jaarka aanu nahay waxa ay u kala qaybsantahay ilaa 100 ururuo noocoyo badan taasina waxa ay sababtay in ay nabad ka dhalin wayaan halka ay joo gaan. Sidaasi darted, hadii ay umaddo qayb qaybsanto waxaa dhici kara in ay wayaan waxa ugu muh iimsan ee ka wada dhaxeeya.
 
Waxaad ogtihiin in aan waddankeena wali aysan dunida aqoonsan oo baadi goob aanu wali ugu jirno arrinkasi. Taasi waxa ay ku iman kartaa oo qudha wadajirkeena, iyo kawada shaqaynteena.

Saxaafada Somaliland

Waxaan u soo jeedin lahaa in ay saaxaafada ka qaadato kaalinteed si aan loo furin alabaabkaasi kaa si oo dhibaato ku keenaya dhamaan ummada Somaliland.

Somaliland Guul iyo Gobanimo

 

 

 

 

Xassan Ibrahim ( Hassankaid)
Hassan.caafi@gmail.com
London UK