Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Turkiga
Barnaamijka Soo Bandhiga Wax-Qabadkii Ururka iyo Qorsheyaasha Cusub
Maanta waxa Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Turkiga u qabsoomay
barnaamij ay ugu talo galeen in lagu soo bandhigo wax-qabadkii
ururka ee sanaddii 2015-ka iyo qor sheyaasha ururka ee sanadka
2016-ka, barnaamijkan oo ka dhacay Magalada Istanb ul ee xarunta
Ururka.
Mudane Sayid Gaas oo ka mid ah ardayda reer Istanbul ayaa
barnaamijkaasi ku furay kalmad uu ku bararujinayay isku xidhnaanta
ardayda iyo muhimadeeda isagoo xusay in kolba sidaynu maanta isugu
xidhnaana in ay tahay midhaha bari aynu goosan doo no.
Waxa kale oo kalmad ka dhiibtay gudoomiyihii gudidii doorashada
Mudane Mustafe Ca bdi oo isna xusay in ay muhim tahay in gudida hada
la doortay iyo gudomiyaheda ayn an hawsha ku eegin lakin dhaman
ardayda reer Somaliland ee ku bahoobay ururkani ay la shaqeeyaan
lana garab taagnadaan fikir iyo ficilba.
Madaxa qorshaynta ururka Mudane Mubarik Xasan Ciise ayaa isna ka hor
akhriyey ar daydii meesha isugu timid Dastuurka ururka, kaasi oo ay
gudida hada sheegeen in ay u gudbin doonaan dhaman ardaydasi ay u
akhriyan una ogadan waxa Dastuurkasi ina farayo.
Madaxii hore ee barnaamijyada ururka iyo Gudomiyihii u horeyey ee
ururkan Mudane Sayid Suleyman ayaa isna halkaasi ku so bandhigay
marxaladihii kala duwan ee ururku soo maray tan iyo mudadii uu jiray
isagoo sidoo kale so bandhigay wax-qabadkii urur ka eesanadii
2015-kii iyo maaliyadii sanadkaasi ururka soo gashay, qaababkii loo
maar eyey iyo meelahii ay kubaxday.
Afhayenka ururka ardayda Somaliland Mudane Cabdicasiis Caaqil Xasan
ayaa isna soo bandhigay madadalo iyo sheekoyin qosol ah oo ku
saabsan qaadka iyo waayihisa oo ahayd farin xambaarsan dhibka qaadku
ku hayo umadena isla markasna ka codsaday ardaydii meshas isugu
timid inay kala shaqeyan sidii bulshadeena looga wacyigalin la haa
afadaasi ku habsatay.
Waxa halkaasina maanso ku saabsan waxbarashada ka tiriyay Abwaan
Liiban Shire, oo ahayd sidan:
Cilmigaa dad kala haga
Caqligaa wax kuu tara
Cadilkeena siduu yidhi
Culimadiyo juhaaladu
Cidna uma sinaatoo
Waxa kala ciseeyee
Lagu kala codsanayana
Cilmagaa ka kowoo
Mana laha culaysoo
Waa cabirka ugu fudud
Waxuu Ruux ku caan baxo
Ciidamina ugu wacan
Hadaydaan is caawinin
Cududana midaynoo
Isku duubni ku cawayn
Oo aad kala cadhootaan
Caadifadna raacdaan
Ciil kama baxaysaan
Gudomiye kuxigenkii hore ee Ururka Marwo Naciima Qassim Jamaac ayaa
Iyana halkaasi ka jeedisay kalmad aad u qiimo badan oo ay kaga
hadashay waayihii soo maray ururka mudadii ay xilka haysay iyo
dardaaran wax ku ool ah oo ay u soo jeedisay gudida cusub iyadoo u
ducaysay in Alle xilkaasi ku asturo, waxayna halkaasi uga
mahadnaqday gudidii hore ee ay ka midka ahayd.
Waxa madashasi ay gudida cusubi ku soo bandhigtay qorshaha ay
damacsan yihin in ay qabtaan mudo xilkoodkooda iyado uu si
faahfaahsan u sheegen Madaxa xidhiidhka calamiga ah Mudane Naasir
Caydiid iyo Xoghaynta ururka Marwo Nasra Muse.
Guntii iyo gabagabadii waxa barnaamijka soo xidhay gudoomiyaha
ururka Mudane Abdiaziz sheikh Mohamed isagoo u mahadnaqay gudidisii
hore kuna amanay shaqadii wanagsanayd ee ay la soo qabteen mudadii
ay so wada shaqeyen sidoo kale wuxu gudoomiyuhu u mahadnaqay madaxa
Barnamijyada ururka Marwo Selma Abdi Farah Iyo Afhayenka ururka
Mudane Cabdicasiis Caaqil Xasan sida wanagsan ee ay u soo
qabanqaabiyeen barnaamijkan lagu sagootinayay gudidii hore laguna
soo bandhigayay waxqabadka iyo qorshayaasha ururka.
Ugu danbayntii gudida cusubi waxay gudoon siisay shahaado sharafyo
ay ku maamusen gudidii hore iyagoo ugu mahadnaqayay halka ay soo
gaadhsiyeen ururka mudadii ay xilka hayeen.
|