Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Jaamacadda Oslo

 


Waxa habeenkii xalay ka dhacday xarunta Machadka Sare ee Oslo(Oslo Høgskole) xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay, xafladaa oo ay soo agaasimeen Ururka ay leeyihiin Ardayda Soomaalidu ee marka la soo gaabiyo lagu magacaabo SSF.

Ururkan oo ah mid ay sameysteen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadda Oslo.Xafladan oo ay ku kulmeen dhalintii hore jaamacadda wax uga baratay, kuwa hadda wadda iyo ardayda cusub ee hadda ku biirtay, waxa lagu furay Aayado quraanka kariinka ah, ka dibna waxa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Ururka Ardayda Mudane Cabdi Maxamed Cabdulle oo ay hareera taagnaayeen masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee urukaasi.

Guddoomiyaha oo halkaa ka jeediyey hadal u badnaa wax qabadka ururka, isaga oo sheegay in wax qabadka uruku aanu ku koobnayn ardayda jaamacada oo kaliya, hase yeeshee ay wax la qabtaan ardayda dhigata Dugsiyada, iyaga oo ka caawiya Xagga Casharada iyo Laylisyada.

Waxa kale oo uu sheegay in qabashada xafladan sababteedu tahay in la isbaro ardayda, haddii ay tahay kuwii hore uga baxay, kuwa dhexda kaga jira iyo kuwa bilowga ahba, si la isugu gudbiyo, looguna kala faa´iidaysto waaya aragnimada iyo aqoonta kala duwan ee dhexdooda taalla.

Ururka Ardaydu waxay ka soo qeyb galayaashii xaflada halkaa ugu soo bandhigeen masraxiyad ka hadlaysay faaiidada waxbarashada iyo waxtarkeeda, waxa kale oo masraxiyadu iftiiminaysay xaalada uu ku sugan yahay qoyska soomaliga ah ee degan dalkani Qoysaskaa oo ku kala hormaray, sida ay uga kala faaiidaysteen fursadaha waxbarasho ee yaalla degmadan cusub ee ay u soo haajireen, halka qaarna horumar daaye ay wehel u noqdeen dib u dhac iyo cunista jaadka.

Kolkii masraxiyadaa xiisaha lahayd dhamaatay, waxa la gudagalay cunista cunto iyo cabitaan fudud. Cuntadii ka waxa la isu qeybiyey kooxo ka doodayey sida ugu haboon ee wax loo wada qabsan lahaa, loogana faaiidaysan lahaa fursadaha aqoon kororsi ee yaalla dalkan.

Xafladaa oo jawi wanaagsan ku dhamaatay, waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa oo kale Mustafe xusseen Daahir oo ah guuddoomiye ku xigeenka ururka, Sacad Yuusuf Xaashi afhayeenka ururka, Faadumo Cali Madar oo metelaysay dhalintii hore uga baxday jaamacadda iyo qaar kale oo badan oo aynaan qormadan ku soo koobi kareyn.


Ramaasnews