Ururka Dhalinyaradda ee Horseed oo Canbaareeyay Falkii Waxshinimda ahaa lagula kacay Somaliland:-
Anaga oo ah Ururka Dhalinyaradda
ee Horseed Youth Organization Waxaanu Canbaaraynaynaa Falkii
waxshinimada ahaa ee loo gaystay umada reer somaliland ee ku caana
maalay nabada iyo degenaanshaha waxaananu usoo jeedinaynaa umada
reer somalialnd "Cadawga somaliland wuxuu raadinayaa jaanis kaliya
oo uu ku wiiqo waxa aynu qabsanay waxaanay diidanyihiin Gooni isu
taaga Jamhuuriyada somaliland waxaa looga baahanyahay Dadwaynaha
Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay fiiro gaar ah uyeeshaan
cadawgooda iskana ilaaliyaan cidii ay ka shakiyaana usoo gudbiyaan
Ciidanka nabad galyada' hadh iyo habeen waxay ku hawlan yihiin sidii
ay qas iyo qalalaase uga ridi lahaayeen Dhexdeena waxaa la inooga
baahanyahay inaan ka feejignaano dabinada cadawga inaga wada
jirkeena iyo isku duubnideena ilaalinayna iskana kaashanayna Cadaw
kasta oo dhibaato inoo gaysan kara.
|