Ururka Haweenka Al-Khayriya iyo Qurba jooga Degmada Geed bal aa dh oo
Deeq lacageed iyo Agab kale ku Wareejiyay Du gsiga hoose ee Degmada
Geedbalaadh ee Gobolka Gabiley & Jawigii Madasha.
Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo Wakiil ka ah Qurbajooga degmada
Geedbalaadh
Daawo Sawirro badan
Geedbalaadh (TNN)- Munaasabad balaadhan oo loo Sameeyay Wareejinta
Deeq lacag iyo Agab iskugu jirta oo ururka Haweenka Al-khayriya iyo
Qurbajooga Degmada Geedbalaadh ugu Deeqeen Dugsiga Hoose ee Degmadda
Geed balaadh ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dugsigaasi.DSC09504
Xafladaasi oo ay ka soo Qaybgaleen Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige
(Black) oo ka mid ah Mudanayaa sha Golaha Wakiilada, Badhasaabka
Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan(Subagle),Gudoomiyaha Gudida
Horumarinta Gobolka Maxamuud yuusuf X.Cabdi,isu duwaha Wasaarada
Waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle, Taliyaha Qaybta
Booliska Gobolka Gaibley Ismaaciil Rashiid, Xildhibaano ka Tirsan
Golaha Deegaanka Gabiley, Cuqaal, Madax Dhaqameed, Dhalinyaro,
Masuuliyiin ka Tirsan ururka Haweenka Al khayriya, Marwo Xaliimo
Cabdi Obsiiye oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland ee Wadanka
Holland, Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac,
kormeerayaasha Wasaarada Waxbarashada ee gobolka, Xubno ka Tirsan
Ururka Qodaal iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac oo ugu horeyn
halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Geedbalaadh ay ka
mid tahay 39-ka Degmo ee ugu Dambeeyay ee laga yagleelo Somaliland,
waxaanu xusay in Baahiyo badani ka Muuqdaan Saldhiga Booliska,
Dugsiyada Waxbarashada iyo meelo kale oo badan, waxa kale oo uu
sheegay in Xaruntii dawlada hoose Dabashu ka qaaday jiingadii isla
markaana ay qabyo tahay
Axmed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Degmada Geedbalaadh oo
isaguna hadal kooban ka jeediyay madashadaasi ayaa aad ugu mahad
naqay haweenka Deeqdan soo gaadhsiiyay geedbaalaadh, isaga oo xusay
in ay yihii haweenkii ugu horeeyay ee ku soo hirta in ay wax ka
qabtaan Baahiyaha ka jira Degmada Geedbalaadh waxaanu intaasi ku
daray in ay dareenkooda wax ka badashay Arintaa bilawga ah ee ay
dumarka Qurbajooga ahi ka Fuliyeen degmada.
Axmed Cabdi waxa uu sheegay in Geedbalaadh ay xukunto deegaan
balaadhan oo aan lahayn Saldhig Boolis, Goob Caafimaad oo dadka lagu
daaweeyo marka laga reebo health post, uu daryeeluhu dawooyin yar
yar ku bixiyo, waxa uu hoosta ka xariiqay in dhibaato ba’ani la soo
daristo haweenka umusha ah oo cubitaalka ugu dhaw ee la gayn karaa
uu yahay Cusbitaalka Gabiley.
Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo Wakiil ka ah Qurbajooga degmada
Geedbalaadh oo iyaduna hadal kooban ka jeedisay halkaasi ayaa ka
dhawaajisay in Qurba joog ahaan ay in badan ka wada hadleen sidii
degmada Geedbalaadh wax loogu qaban lahaa, waxa ay xustay in ay
deeqdan yar ee ay sidaan ay si kadis ah usoo qaaday oo aanay soo
wada gaadsiin qurbajooga degmada balse ay sheegtay in ay baraarujin
u noqon doonto arintani inta kale aanay gaadhin fariintaasi.
Marwo Xaliimo waxa ay sheegtay ay soo wakiisheen Qurbajooga Degmada
Geedbalaadh ee Wadamada UK iyo Holland iyada oo sheegtay in Xubnaha
soo wakiishay ay ka mid yihiin Cali Xumar Xasan, Farxaan Cismaan
diiriye (Faraxaan Cagasaydh), Xirsi Aw Cabdi iyo C/samad Nuux Cute,
kuwaasi oo ay sheegtay in ay dhamaantood si joogta ah u wada
xidhiidhi jireen, waxaanay sheegtay in ay jiraan Jaaliyado badan oo
aanay qaarkood wali ka soo jawaabin codsigii loo gudbiyay ,waxaanay
aad ugu mahad naqday Qurbajooga reer Holland oo iyadu ay wakiil ka
ahayd.
Marwo Xaliimo waxa ay Xukuumadda Somaliland usoo jeedisay inay ka
warhayso Degmooyinka Cusub ee Somaliland,iyada oo ku Baraarujisay
dadka deegaanka in ay Xukuumadda la xidhiidhaan oo ay tusaan
baahiyaha ay tirsanayaan si wax looga qabto, waxa kale oo ay ku
Dhiiri galisay dadka Deegaanku in ay wax qabsadaan oo ay Danta Guud
wax uga qabtaan si wada jir ah.
Nimco Xuseen Cige oo ka mid ah Ururka Qurbajooga Haweenka Gabiley ee
Al-khayriya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay
Wakiil ka tahay urur ay ku Midoobeen Haweenka Gobolka Gabiley ee
Dalka ingiriiska , waxa ay ka warbixisay Waxqabadka ururkaasi ka
Fuliyo Gobolka intii ay jireen, iyada oo xustay in ay Dhisnaayeen
Muddo Sanad iyo Afar Bilood ah wax bandanna ka Qabteen meelo badan
oo ay baahiyo ka jiraan,
Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Gudoomiyaha
Gudida horumarinta Gabiley Maxamuud yuusuf X.Cabdi, Xildhibaan
Maxamed Cabaas Jaamac, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Cali Aadan
Bayle iyo Marwo Cibaado maax oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland
oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Deeqdan
Haweenka Gobolku ugu deeqeen Dugsiga hoose ee Degmada Geedbalaadh
iyaga oo ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay wax wada qabsiga iyo
iskaashiga Bulshadu.
Xildhibaan C/laahi xuseen Cige (C/laahi Balaki) oo ka mid ah
Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo Xidhitaakii Xafladaasi hadal kooban
ka jeediyay ayaa sheegay in Siyaasada Dawlada ay ku jirto in Degmadu
Baahiyaadkeeda aasaasiga ah iyadu Daboosho oo ay Cashuurteeda
urursato waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ wakhtiga oo kooban
awgeed Seddex Qodob oo yaryar ayaan taabayaa, midi waa degmada midna
waa Mahadnaq ta kalena wax qabadka Degmada, Siyaasada Dawlada ee
Degmadu waxa weeyeen in Degmo marka la bixiyo ay shaqayso oo ay isku
filnaato oo ay wax qabsato, marka aad degmo dalbato ee lagu siiyo
waa in aad adigu Degmadaasii Cashuur u ururisaa, horumarisaa, oo
degmadu dabooshaa wixii baahiyeedkeeda aasaasiga ah, runtii taa
Geedbalaadh way ka gaabisay, anigu kolay inta aan filayo, waayo labo
sanno ayay maraysaa Magacaabista Degmadu irbad dun la galiyay miyaad
garanaysaan? Cashuur loo ururiyay miyay jirtaa? Wax Degmada loo
qabtay miyay jirtaa? Taana dadka deegaanka ayaa ka gaabiyay, midna
waa dhinaca wax qabashada dugsigan tiroba laba jeer ayaan imi annaga
oo cid wadna oo in la dhiso doonayna, maantaaba sagaashan lagu
sheegayaaye intaaba siddeed qof ayaanu ugu nimi, illaahay mahadii
maanta haddii ay sagaashan marayaan oo ay laba Fasal dhisanyihiin,
iskuulka ha la dhiso oo wax hala qabto ee Arday keena, oo ardayda
soo kordhiya, marka ay ardaydu korodho waa lagu qasbanyahay in dugsi
kale la dhiso, laakiin Dugsigii ayaa naga musqul la’ iyo degmo
ayaanu nahay waa wax aan isku keen qabanayn, aynu isku tashano oo
degmadu dib ha iskugu noqoto oo wax hala qabsado” ayuu yidhi
xildhibaan C/laahi Black
Ugu Danbayntii haweenka ururka Al-khayriya ayaa Badhasaabka Gobolka
ku Wareejiyay deeq lacageed oo dhan $4800 oo lagu daro dhismaha
dugsiga Geedbalaadh iyo Deeq agab ah oo ka kooban Bustayaal iyo
Gogogol loo qaybiyo dadka jilicda san ee u baahan.
Mustafe Future
Timaacde News Desk
Degmada Geedbalaadh,Somalialnd
mccfuture@hotmail.com
|