Ururka Haweenka ee “Hooyo waa Lama huraan” ee Jaaliyadda Somaliland ee Holland oo Deeq gaadhsiisay Cisbitaalka Dhimirka ee Berbera

 


Berbera (TNN) Waxa manta deeq caawimo ah soo gaadhsiiyay cisbataalka dhimirka ee magaalada berbera urur haween Oo kamida jaaliyada Somaluiland ee dalka Holand ururkan haweenka ah oo lamagac baxay (Hooyo waa Lama huraan)isla markaana qeyb ka ah urur weyne ay magaiciisa ku sheegeen(Noomaad)oo ay ku Bahoobeen dhamaan jaaliyada So maliland ee dalka Holand waxaana ururkan haweenka ah Hogaaminaayay Agaasimaha guud ee Wasaarada kaluume ysiga iyo khayraadka bada Cabdiraxmaan Cawil Xassan oo isagu gadhwadeen u ahaa islamarkaana ku soo dhaweeyay ururkan dalka Waxaanay Ururkan haweenka ahi ugu deeqeen cisbataalka dhimirka ee berbera lacag kharasha oo ay ugu tala Galeen in dadkaa ilaahay xiskooda ka qaaday wax loo siiyo oo dhameyd(2500.$)dollar iyo agabka Cuntada lagu kariyoo iyo weelka cuntada lagu siiyo oo dhameystiran waxa kaloo ku jiray deeqda ay ugu Deeqan cisbataalka dhimirka ee berbera ururkan haweenka ahi hal TV oo ay ugu talagaleen in isna lagu Maaweeliyo waxa kaloo isna deeqdaa kamid ahaa taagi weyn oo qaada(20 foosto)oo biyaha ay ugu talageen in loogu keydiyo dadkaa xiskooda ilaahay ka qaaday ee lagu daryeelayo xaruntaa loogu talagalay ee berbera waxaana deeqdan manta ay ururkani ku wareejiyeen gudoomiyaha gudida Dhakhtarka magaalada berbera Sheekh Mustafe Cali Cumar iyo masuuliyiinta cisbataalka dhimirka ee berbera oo iyaguna goobjoog ahaa.

Haddaba ka hor intii aanay ururkan Hooyo waa lama huraan wareejin deeqdan ay ugu talagaleen dadka Xiska waxa u ga dhiman yihiin ayaa waxay kormeer ku mareen dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay Cisbataalka dhimirka ee maga alada berbera waxaana goobkasta ururkan haweenka ee deeqda usiday Cisbataalka warbixin ka siinaayay Gudoomi ya ha Gudida Cisbataalada magaalada berbera Sheekh Mustafe Cali Cuamar iyo masuuliyiinta oo kamida ahaa Dr Cali Aad an Waceys oo isagu ah maamulaha Cisbataalka dhimirka berbera waxaanay masuuliyiintaasi ururkan haweenka ee uu horkacaayay Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysigu usheegeen in cisbataalkan uu yahay mid ku furan Kaalama da ay siiyaan dadka ku dhaqan dalka gudihiisa iyo debediisaba iyaga oo sheegay in ay Kaalamada ugu badanina uga timaado dhinaca jaaliyadaha debeda ee Somaliland oo uu sheegay Sheekh Mustafe Cali Cuamar in ay dadka deeqaha uga soo keena debeda ay ubadan yihiin haween isaga oo intaa kudaray in ay haweenku yihiin qaar ka naxariis badan raga sababtoo ah ayuu yidhi haweenku Waa Hooyo hooyaduna waa nolosha asaaskeeda koowaad isaga oo intaa kudaray in deeqdan ay imika ukeeneen ay tahay mid aad umihiima gaara ahaana waxa uu ka xusay waxa yaabaha ugu mihiisan taagiga biyaha waxaanu gudoomiyaha gudida dhakhtarada berbera Mustafe Cali Cumar uu Umahad Celiyay ururkan haweenka ee ugu soo boqoolay dalka holand sidii ay deeqdan ugaadhsiin lahaayeen Walaalohooda maskaxda ka jiran kadibna waxa isna halkaa ugu mahad celiyay ururkan haweenka ee Noomaad qeybtiisa hooyooyinka ee Hooyo waa lama huraan agaasimaha Wasaarada kaluumeysiga iyo Khayraadka bada Cabdiraxmaan Cawil Xassan waxaana hadaladii agaasimaha kamida ahaa:

”Marka hore waxa aan umahad celinayaa ururkan haweenka ee Hooyo waa lama huraan ee walaaladooda xanuunsan aya deeqda ugala soo boqoolay wadankaa Netherland ee aynu ognahay  masaafad a uu inoo Jiro waxaanan leeyahay waad ku mahad santihiin deeqdaa aad walaaladiin ugu deeqdeen waxaanan leeyah ay halkii ad ka soo saarteen xasa naad ilaahay ha idiinku bedelo waxanan leeyahay deeqdiina Halkaa haku joojininee wixii aad ugu deeqii kartaan dadkiina iyo dalkiinaba waa laydiinka fadhiyaa waana waajib ina wada saaran. Kadibna waxa iyaduna halkaa ku sharaxday deeq dan ay sidaan ee ay ugu deeqayaaan dadka maskaxda ka jiran gudoomiyaha ururka haweenka ee Hooyo Waa lama huraan Marwo Foosiya Maxamed Xassan waxaana hadaladeedii kamida ahaa”Horta waa waajib in keena Xanuunsanaya aynu caawino wixii aynu kari karnana aynu ugu deeqno anaguna waxa aanu wadanka Unimi in aanu ka qeyb qaadano deeqaha la siinayo dadkaa ilaahay xiskooda ka qaaday waxaananu Manta halkan ku sidnaa dhamaan qalabka maacu unka raashinka lagu kariyo oo dhameystiran macaa Weelkii cuntada lagu siinayay iyo taangigii biyaha oo labaatan foo sto qaadaya waxa kaloo iyana aanu Sidnaa hal television oo aanu isna ugu talagalay in dadkaa lagu maaweeliyo ileen waa dad iska xidhane Si Aanay xabsi u dareemin waxoogaa kharashana waanu usidnaa goobtana waxa ka muuqata in ay tahay Meel aad looga shaqeeyay oo habeysan runtiina marka aanu eegnay istoodhkooda iyo sida dadka loo darye elayo waa meel dadka lagu xanaaneeyo oo wanaagsan waxaananu jece lahay in aanu markasta ka Qeyb qaadanao wixii tabarucaada ee loo geysanayo dadka buka waxaanay ugu danbeyntii ay gudoomiyaha ururkani Hooyo waa lama huran umahad celisay agaasimaha guud ee wasaarada Kaluumeysiga iyo khayraadka bada oo ay sheegtay in aanay la,aantii waxba usuuragaleen. Waxa kaloo Iyana halkaa ka hadashay Ciba ado Xirsi Warsame oo kamida ururkan Haweenka ee Hooyo waa lama Huraan iyada oo halkaa waxaanay sheegtay in caawimada dadka xanuunsanayaa ay tahay waajib iyada Oo sheegtay in aanu ilaahay caafimaad u waayine laynagu eegayo waxa kaloo ay intaa kudartay Cibaado In ay deeqdoodani aanay noqon doonin tii ugu danbeysay ee ay wixii ay karaan ugu soo deeqi doonan Walaalohooda dhimirka ka buka ugu danbeyntiina waxay Cibaado umahad celisay agaa simaha guud ee Wasarada kaluumeysiga iyo khayraadka bada oo ay sheegtay in uu siwaanagsan usoo dhawweyay Mudadii ay dalka joogeen hawlo badana uu la soo qabtay.

Magacyada haweenka ururkan Hooyo waa lama huraan ee deeqda soo gaadhsiiyay Cisbataalka Dhimirka ee magaalada berbera.

(1)Foosiya Maxamed Xassan Gudoomiyaha ururka Hooyo waa lama huraan

(2)Kinsi Yuusuf Nuur Xubin

(3)Adna Aadan Ismaaciil Xubin

(4)Cibaado Xirsi Warsame Xubin

(5)Foosiya Muuse Xubin

(6)Halgan Maxamed Xubin