Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyaradda S/Land ee Murti maal oo Agaasime Cusub u Magacaabay Ururkaasi




Hargeisa (TNN)-Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyaradda Somaliland ee Murtimaal oo Agaasime Cusub u Magacaabay shalay Abwaan C/risaaq Maxamed Muuse (Hirgal) oo ka Tirsan Bahda Murtmaal.

Warsaxaafadeed uu Soo saaray Gudoomiyaha Ururka Jamaal Maxamed Sh.Abubakar ayaa lagu Sheegay in Jagadaasi Si Rasmi ah loogu Magacaabay Abwaan C/risaaq Hirgal oo ah ka mid ahaa Xubnaha Firfircoon ee Murtimaal dalka jooga.

Ururka murtimaal ay ku bohoobeen Dhalinyarada Jaamacadaha Dalka iyo Dibadiisaba, Abaano  Da yar ah, Aqoonyano iyo Qorayaalba ayaa markii Shir mudo u socday laga Soo saaray in ay lagama Maarmaan tahay in La magacaabo jagadaasi oo Banaanayd Baahi badana loo Qabay.

Ururka Murtimaal oo Dalka iyo Dibadaba Si fiican uga Shaqeeya Arimaha Dhaqanka, Illaalinta  Afk eena Hooyo iyo Suugaan Somalida, Barnaamiyjo Badana Gacanta ku haya ayaa Waxa uu Dardar galin Cusub ku sameeyay hawlohooda Shaqo ee Dalka gudihiisa iyaga oo Wakiilo ka samaystay d hamaan Gobolada Dalka somaliland.

Dhamaan Xubnaha kale oo ururka ee kala jooga Dalka iyo dibadiisaba Waxay soo Dhaweeyeen Agaasimaha Cusub ee Ururku magacaabay iyo Abwaanka Murtida Culus ee aadka u Da,da yar leh ee Xilkaasi loo Dhiibay iyaga oo illaahay uga Baryay inuu Xilka ku asturo.


Xubnaha shirkaas ka qayb galayna waxa ka mid ahaa

Jamaal Maxamed Sheekh Abuubakar

Cabdirisaq jaamac gaas mucaawiye

Khaddar maxamed axmed bulxan

Cabdiladif cismaan caabi

Axmed Riiraash

Maxamed Cumar Aadan

Cabdirisaq maxamed Cilmi ilkacase

Maxamed A.Tahir {khaddar gaas}

Axmed Cabdilaahi Xassan

Mataan Cabdi Barkhadle,.

Mustafe Cabdikarin Cali “Mustafe Future”

Sahra Maxamed Cali (Sahra Ladan),

Mahad Maxamed Axmed.


 




Mustafe Abdikariin Ali (Mustaphe Future)
Bahda hidaha iyo Dhaqanka Murtimaal
Hargeisa, Somaliland
mccfuture@murtimaal.com