Ururka Nabada iyo hormarinta ee Dalsan oo xafiis ka
furtay Burco

 


 

Burco (TNN)-Wafti Balaadhan oo uu hogaaminaayo Xoghaya Ku meel gaadhka ee urur siyaasad eedka Nabada iyo horumarinta ee Dalsan, Maxamed Axmed Culujoog ayaa manta xadhiga ka ja ray xarunta Ururkaasi ku yeelan doono, Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Munaasibad balaadhan oo loogu talagalay furitaanka xaruntaasi oo ay ka soo qayb galeen mar ti sharaf badan oo isugu jirta Cuqaal , Waxgarad, dhalinyaradda iyo haweenka ayaa maanta lag u qabtay huteel Cigaal ee Burco.

Xoghayaha ku meel gaadhka ee ururka Dalsan, Maxamed Axmed Culujoog oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in safarkoodu la xidhiidho sidii xafiisyadii ururka uga soo furi lahaayen goboladda Bariga Soomaaliland, wuxuu xusay Xoghayuhu in Ururka Dalsan yahay mid ummaddu wadda leedahay oo shandad lagu sidan “Ururkani ma aha kuwii shandada lagu qaadan jiray ee sida NGO-da oo kale loo isticmaali jiray ee waa Urur Bulshadu wada leedahay oo ka dhaxeeya, kuna dhisnaan doona mabaadida Islaamka , hadafkayagana waxa ka mida in aanu wax ka bed elno nidaamka siyaasadeed ee labaatankii sanno ee u danbeeyey ka jiray Soomaaliland oo aan si weyn u dhaliilsanahay.”

Jaamac Barre Cilmi, oo ka mid ah guddiga Sare ee ururkaasi ayaa tilmaamay in ururkaani ahayn kuwii iyaga oo dhisan la isugu yeedhi jiray ee uu yahay mid hadda la wada dhisanayo oo bulsha dda u dhaxeeya, sidaas awgeed reer Togdheer waa in ay taageeradooda la garab istaagaan Ururkan.

Waxa kale oo isna munaasibadaasi ka hadlay Maxamed Faarax Canbe oo isna ka mid ah masuu liyiinta Ururkaasi ee ku meel gaadhka ayaa waxa uu u soo jeediyey dadweynaha reer Burco in looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan dhismaha ururkan maal iyo Muruqba kuna bii riyaan.

Maxamed Cumar oo isna ka mida ah masuulyiinta ku meel gaadhka ee ururka Dalsan ayaa carab ka ku dhuftay in aan ururkani ahayn mid qabiil ku dhisan ee uu yahay mid ummadu wadda leeda hay oo u furan cidkasta oo ka soo qayb galaysa.

Marwo Saynab Jiinjiye iyo Marwo Ayaan Maxamed Jaamac oo iyaguna halkaasi ka hadlay aya sheegay inay gacmo furan iyo niyad san ku soo dhaweynayaan ururkan Dalsan , isla markaana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Cabdi Cali Bille oo ka mida dhalinyaradda gobolka Togdheer, kaaso xusay in ay si weyn ugu soo dhaweynayaan ururka Dalsan gobolka Togdheer, lana shaqayn doonaan.

Munaasibadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa kale oo ka hadlay Cabdi Ca siis Ducaale Qanbi iyo Cabdi Raxmaan Hadhuudho oo ka mida masuulyiinta ku meel gaadhka ee ururkaasi.

Ururka Dalsan ayaa noqonaaya ururkii ugu horeeyey ee xafiis ka furta magaaladda ee xarunta gobolka Togdheer tan iyo intii lagu dhawaaqay furitaanka ururadda siyaasadeed.




Ahmed Shaqalle