Ururka Samafalka Mujaahidiinta SNM Oo Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Xusayay Dadkii U Halgamay Qaranimadda Somaliland Ku Qabtay Magaaladda London

 

 



Ujeedada xafladan loo qabtay oo ahayd sidii loo taakuleyn lahaa mujaahidiinta SNM ee dalka jooga iyo siddii loo caawin lahaa caruurtii iyo xaasaskii ay ka tageen .......



London (TNN) Waxa habeenkii xalay lagu qabtay caasimada wadanka Uk ee London Xaflad aan hore l oo arag oo ay ka soo qayb galeen Bulshawaynta reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Uk oo dham an laysaga yimid Gobolada Dalka oo dhan xafladan oo ay soo Ababuleen Ururka SamafalkaMujahidiinta SNM.


Xafladan oo dadku aad uga soo qayb galeen waxay u badnaayeen haween waxaana madasha kasoo qaybgalay Qosaskii xaasaskii iyo caruurtii ay ka geriyoodeen mujahidiintii SNM, Madax ka tirsan Urura da Somaliland iyo Gudoomiyaha TV Somaliland, xildhibaano,iyo dhamaan bulshaweynta reer Somalila nd.Xafladan oo dadka madasha isugu yimid ay aad u qiireysnayeenaadna ishaadu ku dhacayso dad oohin ay wajiyadooda ka muuqatay markii laga shekeeyey tariikhdii halgankii SNM oo Hoyooyin badan aad ku arkaysid indhahooda ilmo



Ujeedada xafladan loo qabtay oo ahayd sidii loo taakuleyn lahaa mujaahidiinta SNM ee dalkii jooga sid asoo kalena kuwii dhintay in xaasaskii iyo caruurihii loo caawin lahaa Xafladan oo ku cusbayd indhah a dadwaynahii halka isagu yimid aya waxa hadalo ka soo jeediyey qaarka mid ah mujaahidiintii ka soo qayb qaatay halgankii dheera ee SNM ayaa waxa dadwayniihii qiiro galiyey Hees cusub oo isla Habeen ka ay xafladu socotay uu soo saray Abwaan Cali Seenyo laxankana uu saray mujaahid Cabdinaasir M acalin Caydiid oo goobta ku sugnaa xiligaas oo qiro daradeed u adkaysan wayey ayaa markii la saaray ee uu Qaday Fanaanka Cabdi Cumar iyo Fananada Reer Jabuuti Canab Cismaan Jamac dadkii la hayn kari wayey ilmo awgeed .gudiga qaban qabada ayaa waxay markiiba fureen in loo gargaaro xasaskii iyo Aagomahii Mujaahidiinta SNM Marwo Amina Cabdilaahi Kaahin oo ay walalo yihin fananada Mande eq ayaa waxay ku Yaboohday Kun Dollar iyada oo sheegtay tariikhda ay haweenku ka soo qateen halgankii SNM iyada oo tilmaamtay in la xuso Raga oo qudha oo ay Haweenku qayb libaax ka qateen ha lgankii Waxa kale oo madasha ka hadlay Xasaaskii Mujaahiidnta.



Waxa goobta ka hadashay Hodan Mahdi Cali oo uu dhalay Marxuum Mujaahid Mahdi Cabdi oo shegtay xiligii uu geeriyoday Abaheed inay Ahay Afar Jir maantana ay ku faraxsan tahay ururkan maanta loo sameyey mujahidiintii uguna baqday shacabka reer somaliland in ay marwalba xasuustaan dhigii loo dadiyayey wadankan waxa iyana ka hadashay Xaskii Marxuum Ibraahiin Koodbuur Marwo khadra oo ku dheeraatay Halgankii ay soo mareen iyo in maanta dib loo xasuusto mudo badan gabagabadii ayaa faaniinta reer London oo ay soo bandhigeen heeso wadaniya oo dadkii soo jiitay fanaaninta ayaan u kala harin Fananada Canab Ismaciil Jamac Fanaanka Nuur Dalacay , Nimco Yasiin Caraale , yusuf Dhe ere, Cabdi Cumar , Cabdinaasir Macalin Caydiid iyo Faniin kale oo badan.

 

 

 

Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com.