Ururka Shabakaddaha Wararka Oo Doortay Hoggaan Cusub
 


Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen in ka badan wakiillada 17 Shabakadood oo ka mid ah mareegaha wararka ee Somaliland ka hawl-gala ayaa lagu doortay maamul cusub, ka dib markii uu is casilay hoggaankii hore ee ururka mareegaha Internetka Somaliland (SOA).

Kulankan oo ka dhacay Hadhwanaag Hotel ee Magaalada Hargeysa, isla markaana socday muddo saacado ah, dood iyo falaanqeyn dheer oo ku saabsan sidii loo dhaqaajin lahaa barnaamijka ururka dib-u-eegisna loogu sameyn lahaa sharciyadiisa, ka dib ayaa waxa lagu doortay maamul cusub oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen iyo Xoghaye Guud.

Waxaana shirkaas Guddoomiye loogu doortay Cumar Maxamed Faarax, halka Guddoomiye-ku-xigeena loogu doortay Khadar Xuseen Ibraahin, iyadoo weliba Xoghayaha Guud-na loo doortay Shiine Cilmi Kaahin.

Waxa kaloo, gebo-gebadii shirkaasi la iskula meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardargeliyo hawlaha ururka, si loogu dheeli-tiro mihnada guud ee saxaafad Somaliland , isla markaana uu u hanto gudashada waajibaadkiisa.


Guddoomiyaha Ururka Shabakadaha wararka ee (SOA) Cumar Maxamed Faarax, oo hadal kooban kulankaa ka jeediyey, ayaa balan qaaday in ay si masuuliyad iyo xilkasnimo ku jirto u gudan doonaan xilka loo igmaday, isla markaana ay xil iska saari doonaan sidii loo qabyo-tiri lahaa hawlaha ururka, waxana uu xubnaha kale u soo jeediyey in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan sidii looga midho-dhalin lahaa himilada guud.





Wariye Mohamed Mussa inji

Hargeysa
Somaliland