Ururka Solja Oo Cambaareeyey Fal Weriye Darwiish ay Dhalinyaro Hubeysani Dhaawacyo Ugu Geysteen Magaalada Ceerigaabo
 

 

Hargeysa (TNN):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay'adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa weeraraka lagu qaaday Weriye- Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah Weriyaha Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo

Ahna Wakiilka Ururka SOLJAee G/Sanaag Ayaa Xalayto 2/6/2014 Habeenkii jimcuhu soo gala yay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Too rriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budh adhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen. Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena koox dii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen.

Hadaba ururka SOLJA waxa uu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa Hayaddaha amniga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa gobolka sanaag gaar ahaan kuwa dagmada ceerigaabo in sida ugu dhaksaha badan sharciga loo horkeeno cidii falkaa arxan darada ah ku qaaday Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish.



ALLAA MAHADLEH



MUSTAFE SHEIKH OMER GEEDI

SOLJA Board of Directors (BOD)