Ururka SOLSA oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Sen
Marine Alexsder Foundation Award
Hargeysa (TNN)-Ururka SOLSA {Somaliland Student Assembly}oo ka jira
gudaha Somaliland ayaa m arkii u horaysay kuguulaystay abaalmarnta
caalamiga ah ee SenMarine Alexsder Foundation Award oo ay sandkiiba
mar siiso hay’ada Unicef ururka sandkaas ugu wax qabadka fiicnaa
marka la yimaa do dhanka u doodida xuquuqda caruurta.
Ururkan oo xaflad ugu qabtay hotel Safaari abaalmarintan ay ku
guulaysteen ayaa siwayn u soo dh aweeeyay abaal marintan ay ku
guulaysteen waxaanay mahadnaq u soo jeediyeen hay’ada Unicef,
wasaarada waxbarashada Somaliland iyo guud ahaanba kooxahii ay ka
soo wada shaqeeyeen wax u qabashada caruurta.Xafaldan waxa ka soo
xaadiray madax ka socotay wasaarada waxbarashad a,hay’ada Unicef,
wasaarada ciyaaraha, arday iyo masuuliyiinkale oodanaynaysay.
Gudoomiya ururka SOLSA Maxamed Gahayr Goole oo ugu horayntii ka
hadlaya xafladan ayaa faa faa h in ka baxiyay sababta ay xafaldan u
qabteen iyo waliba abaalmarintan uu ku guulaystay ururk oodu, waxaa
nu hadalkiisa ku bilaabay “ Maanta xafaldan aan fadhinaa waxay ku
saabsa n tahay ururka SOLSA oo ku guulaystay abaal marinta Caalmiga
ah ee Sen Marine Alexsder Foundation Awa rd ee 2011 oo sandkiiba la
gudoonsiiyo ururda aad uga sheeya xuquuxda caruurta, waxaana la
qab taa sandkiiba Awerd-kan mar oo loo qabto ururada la shaqeeya
hay’ada UNICEF ee caalmaka oo dhan ka shaqeeya, waxaana loo galaa
tartan,deedna ururkii la arko inuu sandkaas si siican ula soo
shaqaynaayay caruurta ayaa la gudoonsiiyaa, markaa sadkan waxa ku
guulaystay ururkan SOLASA ee reer Somaliland ah iyo urur kale oo ka
shaqeeya wadanka Mangooliya.” Ayaa uu yidhi gudoomiya hu, waxaanu
intaas ku daray “ Markaa waxytaabaha noo suurto galiyay inaan
sanadkan ku guulay s ano Awardkan waxa weeye anaga oo aad uga
shaqayna xuquuqda ay caruurtu u leedahay waxbar ashada oo dugisyada
dawaligaa ama kuwa khaaska loo leeyahayba ka wada shaqayna,
hay’adaha aan barnaamijkan kala shaqayno waxa u wayn hay’adan UNICEF
waxa kale oo aan wada shaqay n leenahay wasaarada waxbarashada ” ugu
danbayntii waxa uu gudoomiye Gahayr uu u mahadnaqay cid kasta oo
kala qayb qaadatay hawlahii ay hayeen waxana hadaladiisa kamid ahaa
“ Waxaan u ma had naqaynaa hay’ada UNICEF oo noo suurto galisay maba
na gaadhiisay inaan ku guulaysano Awa rd-kaas iyo wasaarada
waxbarashada oo iyaduna noo kaalin ku lahayd inaan Award-kan ku
guulays ano.”
Masuuliyiintii ka socday hay’ada Unicef, wasaarada waxbarashada,
wasaarada ciyaaraha ayaa iya guna dhankooda si isku mida ugu
hanbalyeeyay ururka Solsa abaalmarintan caalamiga ah ee ay ku
guulaysteen.
Waxaanu ugu danbayntii ururka Solsa uu hadyado gudoonsiiyay ardaydii
ugu fiicnayd ee kala qayb qaatay taageerda waxabarashada iyo sidii
ay ardaydu u sheegan lahaayen baahiyahooda.
Axmed Shaqale
shaqalle02@gmail.com
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|