Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ku Gaashaanka ku dhuftey
Xeer Ay Xukuumaddu Si Hoose Ugu Saxeexday Aqoon Korodhsi Saxafadeed
si ay u xakamayso saxaafada madaxbanaan ee somaliland.
shalay suxufi baad ahayd, hadana wasiir baad noqotay, hadana waad ka
tagtay oo suxufi baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo wasiir baad
noqotay..............
Hargeysa (TNN):-Ururka Ay Ku Bahoobeen Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA,
ayaa maant shaaca ka qaaday in aanay u hogaansami doonin xeer cusub
oo ay gadh-wadeen ka tahay Xukuumaddu kaas oo xubno ka qayb galay
Aqoon korodhsi dhawr maalmood ka socday Hoteel Ambasador lagaga
saxeexay.
Shir jaraa,id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Ururka SOLJA ee
Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen in aanu xeerkaasi ahayn
mid u yaala isla markaana aan qaban doonin saxafayiinta Reer
Somaliland ee ka talo qaata ururka Suxufiyiinta SOLJA.
Waxa ay xukuumadda ku eedeeyeen in ay gadh wadeen ka tahay sidii ay
u cabudhin lahayd saxaafadda madaxa banaan.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta
ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu yidhi
Solja
Maanta waxa aanu doonaynaynay in aanu halkan kaga hadalno xeer la
sheegay In uu yahay ka anshaxa, kaas oo siminaar arbacadii aqoon
korodhsi lagu qabtay hoteel Ambasaddor ay ku kala saxeexdeen
dawladda iyo xubno saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta ay xukunto
dawladu.
Waxa aan halkan ka cadaynayaa in ururka suxufiyiinta Somaliland ee
Solja oo metela saxaafadda Somaliland aanu waxba ka ogeyn, waxaanan
halkan idiin sheegayaa in xeerkaasi hadii uu shaqaynayo iyo hadii
kaleba aanu ahayn mid anaga na qabanayo.
Anaga nalagama talo gelin, nalooma soo sheegin, maanaan saxeexin,
manaan ogeyn markaa sidaas darted sabab uu noo qabtaana meesha ma
taalo, warbaahinta sida wargeysyadda iyo telefishanadda intooda
badani waxa ay na soo weydiiyeen bal waxa aanu ka ognahay xeerkaas,
anaga oo ah ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaanba waxba ka ogeyn,
ilaahay beeni waa ka xaaraan, masuuliyiinta Wargeysyadda iyo idinka
oo suxufiyiin ah ayaaba noo sheegay in uu aqoon korodhsi ahaa? ayuu
yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan
Maxamed Yuusuf.
Xalaal iftiin baa la qashaa, maanaan garan waxa busta loo saarayo,
hadii uu xeer saxaafadda u yaala uu yahay waxa ay ahayd in
saxaafadda badankeeda loo sheego, xeerkani intaa waa ka balaadhan
yahay, hadaan meesha wax la qarsanayaa uu ku jirin, maxaa naloogu
soo sheegi waayay, maxaa hay?adaha warbaahinta markii la lahaa waa
siminaar loogu sheegi waayay, arrintaasi waxa ay u taalaa akadamiga.
Waxa aan cadaynayaa hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland
in aanu xeerkaasi ahayn mid noo yaala cida lagu dhaqayaana aanay
anaga ahayn, laakiin masuuliyiintii dawladda ee meesha ka hadlayay
iyaga ayaa garanaya cida uu xeerkaasi qabanayo ee lagu hogaaminaayo?
Ayuu yidhi.
Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee
SOLJA Mar uu daba socday khudbad dhinacyo badan oo uu madashaasi ka
jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi
Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan wax
kaga noqdo khudbad uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka
Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),
saxaafadii Somaliland oo dhami sidii ay hortiisa fadhido waxa uu
yidhi xeerkani waa kii aad samaysateen, Cabdilaahiyoow shalay suxufi
baad ahayd, hadana wasiir baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo
suxufi baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo wasiir baad noqotay,
Berrina waxa laga yaabaa in aad suxufi ku soo noqoto.
Hadaladaadii waxa ku jirtay in aanu dalku bilaa sharci noqon, anaga
ayaa rabna in la helo wax kala haga xukuumadda iyo warbaahinta,
laakiin wasiir kan aad adigu samaysatay ee aad labadda jeer
saxeexday, USJ adiga uun baanu kaa maqli jirnay” ayuu yidhi.
Arrin kale ayaa jirta oo xarun warbaahineed oo wargeyska Hubaal ah
ayaa la weeraray 30 cisho ayaa ka soo wareegtay markii uu dhacay
arrintaasi ilaa hadda wax jawaab ah oo aanu haynaana ma jirto,
nalama odhan waxbaanu idiinku maqanahay, xitaa iska samrana nalama
odhan, iyada oo ay qodaxdaas labaad nagu mudan tahay, ayaa
xildhibaan soo fadhiistay warbaahinta qaarkeed, markaasuu sheegay in
xeerkii saxaafadda la soo saaray oo si degdeg ah mooshin loogu
dhigayo, mooshin weynu naqaanaa oo ragii shuruucda naqaanay mooshin
waa wax si degdeg ah lagu soo dhaafiyo golaha wakiiladda, iminkana
xeer anshax oo uu cabdilaahi laba jeer saxeexay ayaa nala yidhi kana
waa kan, dalkan iyo dadkan anaga ayaa iska leh oo ubadkayagii iyo
waalidkayagii baa jooga, warbaahintu iyada oo qori la sito ayuu
rikoodhku shaqaynayay, warbaahintu iyada ayaa hubka dadka ka
dhigtay” ayuu yidhi.xasan
Dhinaca Kala guddoomiya ku xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland e
SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo isna shirkaasi jaraa?id ka hadlay ayaa
wax laga xumaado ku tilmaamay xeerkaasi waxaanu yidhi “Xeerkan soo
hadal qaadkiisaba ayaa xaaran ah, waayo loogu talogalay in lagaga
gudbo doorashooyinkii baynu ognahay ceebtii iyo fadeexadii ka
dhacday in arrimadeedii iyo utuntoodii, rag badan oo dalkan
qaranimadiisii iyo madax banaanidiisiiba naf iyo maalba u soo huray
oo uu Xasan ciise ka mid yahay, runtiina sidaas uu guddoomiyaha
ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sheegay, ururkaasi SOLJA
ayaa hogaaminayo oo loo dabo fadhiisanayaa, mana jiro marka laga
yimaado ururka Wija, mid kale oo soo raaca” ayuu yidhi.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|